< Matthew 23 >

1 Then spake Iesus to the multitude, and to his disciples,
Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay,
2 Saying, The Scribes and the Pharises sit in Moses seate.
oo wuxuu ku yidhi, Culimmada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse.
3 All therefore whatsoeuer they bid you obserue, that obserue and doe: but after their workes doe not: for they say, and doe not.
Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan.
4 For they binde heauie burdens, and grieuous to be borne, and lay them on mens shoulders, but they themselues will not moue them with one of their fingers.
Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.
5 All their workes they doe for to be seene of men: for they make their phylacteries broad, and make long the frindges of their garments,
Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;
6 And loue the chiefe place at feastes, and to haue the chiefe seates in the assemblies,
waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada,
7 And greetings in the markets, and to be called of men, Rabbi, Rabbi.
iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin.
8 But be not ye called, Rabbi: for one is your doctour, to wit, Christ, and all ye are brethren.
Laakiin yaan laydiinku yeedhin, Macallin, waayo, mid baa macallinkiinna ah, idinkuna kulli walaalo baad tihiin.
9 And call no man your father vpon the earth: for there is but one, your father which is in heauen.
Ninna dhulka ha ugu yeedhina aabbe, waayo, mid baa Aabbihiin ah, kaasu waa kan jannada ku jira.
10 Be not called doctours: for one is your doctour, euen Christ.
Yaan laydiinku yeedhin sayiddo, waayo, mid baa sayidkiinna ah, kaasu waa Masiixa.
11 But he that is greatest among you, let him be your seruant.
Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.
12 For whosoeuer will exalt himselfe, shall be brought lowe: and whosoeuer will humble himselfe, shalbe exalted.
Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
13 Wo therefore be vnto you, Scribes and Pharises, hypocrites, because ye shut vp the kingdome of heauen before men: for ye your selues go not in, neither suffer ye them that would enter, to come in.
Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.
14 Wo be vnto you, Scribes and Pharises, hypocrites: for ye deuoure widowes houses, euen vnder a colour of long prayers: wherefore ye shall receiue the greater damnation.
Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran.
15 Wo be vnto you, Scribes and Pharises, hypocrites: for ye compasse sea and land to make one of your profession: and when he is made, ye make him two folde more the childe of hell, then you your selues. (Geenna g1067)
Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka. (Geenna g1067)
16 Wo be vnto you blinde guides, which say, Whosoeuer sweareth by the Temple, it is nothing: but whosoeuer sweareth by the golde of the Temple, he offendeth.
Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.
17 Ye fooles and blinde, whether is greater, the golde, or the Temple that sanctifieth the golde?
Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka quduus ka dhiga?
18 And whosoeuer sweareth by the altar, it is nothing: but whosoeuer sweareth by the offering that is vpon it, offendeth.
Oo weliba waxaad leedihiin, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.
19 Ye fooles and blinde, whether is greater, the offering, or the altar which sanctifieth the offering?
Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta?
20 Whosoeuer therefore sweareth by the altar, sweareth by it, and by all things thereon.
Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba.
21 And whosoeuer sweareth by the Temple, sweareth by it, and by him that dwelleth therein.
Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba.
22 And he that sweareth by heauen, sweareth by the throne of God, and by him that sitteth thereon.
Oo kii jannada ku dhaartaana, wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba.
23 Wo be to you, Scribes and Pharises, hypocrites: for ye tithe mynt, and annyse, and cummyn, and leaue the weightier matters of the law, as iudgement, and mercy and fidelitie. These ought ye to haue done, and not to haue left the other.
Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.
24 Ye blinde guides, which straine out a gnat, and swallowe a camell.
Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.
25 Wo be to you, Scribes and Pharises, hypocrites: for ye make cleane the vtter side of the cup, and of the platter: but within they are ful of briberie and excesse.
Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan.
26 Thou blinde Pharise, cleanse first the inside of the cup and platter, that the outside of them may be cleane also.
Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.
27 Wo be to you, Scribes and Pharises, hypocrites: for ye are like vnto whited tombes, which appeare beautifull outward, but are within full of dead mens bones, and all filthines.
Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan.
28 So are ye also: for outwarde ye appeare righteous vnto men, but within ye are full of hypocrisie and iniquitie.
Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.
29 Wo be vnto you, Scribes and Pharises, hypocrites: for ye build the tombes of the Prophets, and garnish the sepulchres of the righteous,
Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa;
30 And say, If we had bene in the dayes of our fathers, we would not haue bene partners with them in the blood of the Prophets.
oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay.
31 So then ye be witnesses vnto your selues, that ye are the children of them that murthered the Prophets.
Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay.
32 Fulfill ye also ye measure of your fathers.
Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.
33 O serpents, the generation of vipers, howe should ye escape the damnation of hell! (Geenna g1067)
Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada? (Geenna g1067)
34 Wherefore beholde, I send vnto you Prophets, and wise men, and Scribes, and of them ye shall kill and crucifie: and of them shall ye scourge in your Synagogues, and persecute from citie to citie,
Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,
35 That vpon you may come all the righteous blood that was shed vpon the earth, from the blood of Abel the righteous, vnto the blood of Zacharias the sonne of Barachias, whome ye slewe betweene the Temple and the altar.
inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda.
36 Verely I say vnto you, all these things shall come vpon this generation.
Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.
37 Hierusalem, Hierusalem, which killest the Prophets, and stonest them which are sent to thee, how often would I haue gathered thy children together, as the henne gathereth her chickins vnder her wings, and ye would not!
Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.
38 Beholde, your habitation shalbe left vnto you desolate,
Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.
39 For I say vnto you, ye shall not see mee henceforth till that ye say, Blessed is he that commeth in the Name of the Lord.
Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

< Matthew 23 >