< Psalms 101 >

1 A psalm of David. I will sing of your faithful love and good judgment. I will sing praises to you, Lord.
Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
2 I will make sure my life is blameless. When will you come and help me? My life will be one of integrity even in private.
Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, Bal goormaad ii iman doontaa? Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
3 I will not look at anything evil. I hate doing wrong—I won't have anything to do with it.
Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono.
4 I won't think bad thoughts—I won't even consider anything evil.
Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
5 I will silence anyone who secretly slanders their neighbor. I won't tolerate anyone who is proud and arrogant.
Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
6 I look for faithful people to live with me; only those who are trustworthy will serve me.
Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
7 No one who is dishonest will live in my house; no liars will be allowed in my presence.
Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono, Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
8 I work every day to silence the wicked in the land, to rid the city of the Lord of all who do evil.
Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan, Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.

< Psalms 101 >