< Numbers 10 >

1 The Lord told Moses,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 “Make two trumpets out of hammered silver. They are to be used for summoning the Israelites and to have the camp move out.
Laba turumbo oo lacag ah samayso, oo waxaad iyaga ka samaysaa lacag la tumay, oo waa inaad u isticmaashaa ururka markaad isugu yeedhayso iyo markay xerooyinkii guurayaan.
3 When both trumpets are blown, all the Israelites are to gather before you at the entrance to the Tent of Meeting.
Oo markii iyaga laga dhawaajiyo, ururka oo dhammu waa inay kuugu soo shiraan iridda teendhada shirka.
4 But if only one is blown, then only the tribal leaders are to gather before you.
Oo haddii mid keliya la afuufo markaas waxaa kuu soo shiraya amiirrada ah utaliyayaasha kumanyaalka reer binu Israa'iil.
5 When you blow the trumpet loudly, which is the alarm signal to move out, the camps on the east side are to march out first.
Oo markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan, xerooyinka xagga bari degganu waa inay guuraan.
6 When you blow the trumpet loudly the second time, the camps on the south side are to march out. That's their signal to start moving.
Oo haddana markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan mar labaad, xerooyinka xagga koonfureed degganu ha guureen; oo waa inay afuufaan turumbo digtoonaaneed guuriddooda aawadeed.
7 To summon the people, blow the trumpets normally, not the loud alarm signal.
Laakiinse markii shirka laysu soo ururinayo waa inaad turumbada afuuftaan, laakiinse tan digtoonaanta ha ka dhawaajinina.
8 Aaron's descendants are to blow the trumpets. This regulation is for all time and for all future generations.
Oo wadaaddada ah wiilasha Haaruun waa inay turumbooyinka afuufaan, oo iyagu waa inay idiin ahaadaan qaynuun tan iyo qarniyadiinna oo dhan.
9 When you're in your own land and have to go into battle against an enemy who has attacked you, blow the alarm signal and the Lord your God won't forget you—he will save you from your enemies.
Oo markaad waddankiinna dhexdiisa dagaal ugu baxaysaan cadowgiinna idin cadaadiya waa inaad digtoonaan kaga dhawaajisaan turumbooyinka, oo markaasuu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin xusuusan doonaa, oo cadaawayaashiinna ayaa laydinka badbaadin doonaa.
10 Blow the trumpets when you celebrate too, at your regular feasts and at the beginning of each month. This is when you give your burnt offerings and fellowship offerings which act as a reminder for you before your God. I am the Lord your God.”
Oo weliba maalintii aad faraxdaan, iyo markaad iidihiinna la amray dhawrtaan, iyo markay bilaha idiin dhashaan, waa inaad turumbooyinka ku dul dhawaajisaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryada qurbaannadiina nabaadiinada ah, oo iyana xusuus bay idiinku noqon doonaan Ilaahiinna hortiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
11 The cloud rose up from the Tabernacle of the Testimony on the twentieth day of the second month of the second year.
Sannaddii labaad, bisheedii labaad, maalinteedii labaatanaad ayaa daruurtii laga qaaday taambuuggii maragga korkiisa.
12 The Israelites left the Desert of Sinai and moved from place to place until the cloud stopped in the Desert of Paran.
Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.
13 This was the first time they moved out following the Lord's command through Moses.
Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse.
14 The tribal divisions of Judah went first, marching out under their flag, with Nahshon, son of Amminadab, in charge.
Oo horta waxaa baxay calankii xeradii reer Yahuudah siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Naxshoon ina Cammiinaadaab.
15 Nethanel, son of Zuar, was in charge of the tribal division of Issachar,
Oo qabiilka reer Isaakaar ciidankoodana waxaa u sarreeyey Netaneel ina Suucaar.
16 and Eliab, son of Helon, was in charge of the tribal division of Zebulun.
Oo qabiilka reer Sebulun ciidankoodana waxaa u sarreeyey Elii'aab ina Xeelon.
17 Then the Tabernacle was dismantled, and the Gershonites and the Merarites set off, carrying it.
Markaasaa taambuuggii la furay oo reer Gershoon iyo reer Meraarii oo taambuugga qaadi jiray ayaa baxay.
18 Then came the divisions of Reuben who marched out under their flag, with Elizur, son of Shedeur, in charge.
Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Ruubeen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliisuur ina Shedeeyuur.
19 Shelumiel, son of Zurishaddai, was in charge of the tribal division of Simeon,
Oo qabiilkii reer Simecoon ciidankoodana waxaa u sarreeyey Shelumii'eel ina Suuriishadday.
20 and Eliasaph, son of Deuel, was in charge of the tribal division of Gad.
Oo qabiilkii reer Gaad ciidankoodana waxaa u sarreeyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
21 Then the Kohathites set off, carrying the holy objects. The Tabernacle would be put up before they arrived.
Oo haddana waxaa baxay reer Qohaad oo teendhadii quduuska ahayd sida, oo kuwii kalena taambuuggay dhiseen intay iyagu soo socdeen.
22 Then came the divisions of Ephraim who marched out under their flag, with Elishama, son of Ammihud in charge.
Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Efrayim siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliishaamaac ina Cammiihuud.
23 Gamaliel, son of Pedahzur, was in charge of the tribal division of Manasseh,
Oo qabiilka reer Manaseh ciidankoodana waxaa u sarreeyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
24 and Abidan, son of Gideoni, was in charge of the tribal division of Benjamin.
Oo qabiilka reer Benyaamiin ciidankoodana waxaa u sarreeyey Abiidaan ina Gidconii.
25 Lastly came the divisions of Dan who marched out under their flag, defending the rear of all the tribal groups, with Ahiezer, son of Ammishaddai, in charge.
Oo haddana calankii xeradii reer Daan oo ugu wada dambeeyey xerooyinka oo dhan ayaa baxay siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Axiiceser ina Cammiishadday.
26 Pagiel, son of Ocran, was in charge of the tribal division of Asher,
Oo qabiilka reer Aasheer ciidankoodana waxaa u sarreeyey Fagcii'eel ina Cokraan.
27 and Ahira, son of Enan, was in charge of the tribal division of Naphtali.
Oo qabiilkii reer Naftaali ciidankoodana waxaa u sarreeyey Axiirac ina Ceynaan.
28 This was the order in which the Israelite tribal divisions moved out.
Sidaasay reer binu Israa'iil u sodcaaleen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo hore bay u bexeen.
29 Moses explained to Hobab, the son of Moses' father-in-law Reuel the Midianite, “We're leaving for the place of which the Lord promised, ‘I'm going to give it to you.’ Come with us, and we'll be good to you, because the Lord has promised good things to Israel.”
Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil.
30 “No, I won't go—I'll return to my own country and my own people,” Hobab replied.
Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Anigu tegi maayo, laakiinse waxaan u kacayaa dalkaygii iyo dadkaygii.
31 “Please don't abandon us now,” Moses said, “because you're the one who knows where we should camp in the desert and you can guide us.
Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale.
32 If you come with us, whatever good things the Lord blesses us with we'll share with you.”
Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.
33 They left the mountain of the Lord to go on a three-day journey The Ark of the Lord's Agreement led the way for them during these three days to find a place for them to camp.
Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan.
34 The cloud of the Lord was above them during day as they moved on from the camp.
Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.
35 Whenever the Ark was carried out, Moses would call out, “Stand up, Lord, and may your enemies be scattered, and may those who hate you run away from you.”
Oo kolkii sanduuqii hore u baxay ayaa Muuse yidhi, Rabbiyow, sara joogso, oo cadaawayaashaadu ha kala firdheen, oo kuwa ku necebuna hortaada ha ka carareen.
36 Whenever it was set down, he would call out, “Return, Lord, to the thousands and thousands of the people of Israel.”
Oo markuu joogsadayna wuxuu yidhi, Rabbiyow, ku soo noqo kumanyaalka kun ee reer binu Israa'iil.

< Numbers 10 >