< Isaiah 60 >

1 Stand up and shine, for your light has come; the glory of the Lord has risen on you.
Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay.
2 Even though darkness covers the earth, and deep darkness covers the people, the Lord has risen to shine on you, and his glory appears over you.
Waayo, bal ogow, dhulka gudcur baa dabooli doona, oo dadyowgana mugdi dam ah ayaa qarin doona, laakiinse Rabbigaa soo bixi doona oo ku iftiimin doona, oo ammaantiisana korkaagaa lagu arki doonaa.
3 Nations will come to your light, and kings will come to the brightness of your shining dawn.
Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada.
4 Look all around you, and see everyone gathering and coming to you—your sons returning from far away, your young daughters being carried on the hip.
Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa.
5 Then you will see and shine brilliantly, your heart will beat wildly for joy, for the riches that cross the sea, the wealth of the nations, will be brought to you.
Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.
6 Long caravans of camels will cover the land, young camels of Midian and Ephah. All the people of Sheba will come to you carrying gold and frankincense, shouting praises to the Lord.
Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa.
7 All the flocks of Kedar will be brought to you, the rams of Nebaioth will be placed at your disposal. I will accept them as they are sacrificed on my altar, and I will glorify the Temple where I'm honored.
Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa.
8 What are these flying like a cloud, flying like pigeons returning to their roost?
Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya?
9 Coming from the islands that trust in me, these are ships led by those of Tarshish, bringing your children home from far away, carrying with them silver and gold. They come to honor of the Lord your God, the Holy One of Israel, for he has made you glorious.
Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.
10 Foreigners will rebuild your walls, and their kings will work for you. Even though I did hit you when I was angry with you, now I will be kind and merciful to you.
Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.
11 Your gates will always be kept open. They won't ever be shut, day or night, so the wealth of the nations can be brought to you, with their kings being led along in a procession.
Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay.
12 Any nation or kingdom that does not serve you will be completely destroyed.
Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa.
13 The glory of Lebanon will come to you: cedars, acacias, and myrtle trees, to make my Temple beautiful and to honor the place I choose to live.
Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan.
14 The children of those who persecuted you will come and bow before you; everyone who looked down on you will bow down at your feet and will call you the City of the Lord, Zion of the Holy One of Israel.
Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
15 Once you were abandoned and despised, somewhere people didn't go, but now I will make you a place to be proud of forever, a joy to every generation.
In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.
16 Nations will provide you with what you need, kings will take care of you as if you were their own children. You will know that I, the Lord, am your Savior and Redeemer, the Mighty One of Jacob.
Oo waxaad nuugi doonta caanaha quruumaha, oo waxaad nuugi doontaa naasaha boqorrada, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.
17 I will bring you gold instead of bronze, silver instead of iron, bronze instead of wood, and iron instead of stone. I will appoint Peace as your watchman, and Goodness as your leader.
Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah.
18 There won't be any more violence in your land, no more devastation and destruction within your borders. You will call your walls Salvation, and your gates Praise.
Dalkaaga mar dambe dulmi lagama maqli doono, oo baabbi'id iyo halligaadna soohdimahaaga dhexdooda laguma arki doono, laakiinse derbiyadaada waxaad ugu yeedhi doontaa Badbaado, irdahaagana Ammaan.
19 You won't need the light of the sun during the day, or the light of the moon at night, for the Lord your God will be your everlasting light, and your God will be your glory.
Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa.
20 Your sun will never set, and your moon will never wane, for the Lord will be your everlasting light, and your time of mourning will end.
Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.
21 All your people will be good, and they will own the land forever. They are the shoot I have planted with my hands, and they will reveal my glory.
Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.
22 The smallest of your families will increase to a thousand, and the most insignificant will become a great nation. I am the Lord; at the right time I will do this quickly.
Mid yarba wuxuu noqon doonaa kun, oo mid yarna wuxuu noqon doonaa quruun xoog badan. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxan wakhtigiisa soo deddejin doona.

< Isaiah 60 >