< Isaiah 24 >

1 Watch out! The Lord is going to destroy the earth, to make it totally devastated. He's going to rip up the surface of the earth and scatter its inhabitants.
Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.
2 It will happen the same for everybody—whether people or priests, servants or their masters, maids or their mistresses, buyers or sellers, lenders or borrowers, creditors or debtors.
Oo waxay noqon doontaa in wixii dadka ku dhaca ay wadaadkana ku dhacaan, oo wixii addoonka hela, sayidkana way heli doonaan, oo wixii iibiyaha helana, iibsadahana way heli doonaan, oo wixii amaahiyaha helana amaahsadahana way heli doonaan, oo wixii korsaarqaataha helana, korsaarbixiyahana way heli doonaan.
3 The earth will be completely laid waste and looted. This is what the Lord has said.
Oo dalkana dhammaantiis waa la madhin doonaa oo la kharribi doonaa, waayo, Rabbiga ayaa eraygaas ku hadlay.
4 The earth dries up and withers away; the world shrivels up and withers away, the high and mighty people shrivel up along with the earth.
Dhulku wuu baroortaa, wuuna qallalaa, dunidu way daashaa, wayna qallashaa, oo dadka sarena way daalaan.
5 The earth is polluted by its people; they have flouted God's laws, violated his regulations, and broken the eternal agreement with him.
Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen.
6 That is why a curse is destroying the earth. The people suffer because of their guilt. The inhabitants of the earth are burned up and only a few survive.
Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay.
7 The new wine dries up, and the vine withers. All the people celebrating groan.
Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan.
8 The happy sound of tambourines is over; the noise of the party-goers has stopped; the delightful harp music has finished,
Farxaddii dafku way joogsatay, oo kuwii rayraynayay buuqoodiina waa dhammaaday, farxaddii kataaradduna way joogsatay.
9 People don't sing any more as they drink wine, and the beer tastes bitter.
Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba.
10 The chaotic city is falling apart; every house is barred shut to keep others out.
Magaalada cidlada ah waa la dumiyey, oo guri kastana waa la xidhay si aan ninna u soo gelin.
11 Crowds on the street are shouting, demanding to have wine. Joy turns into darkness. There's no happiness left on earth.
Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay.
12 The city is in a horrible state of ruin; its gates have been broken down.
Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.
13 This is the way it's going to be all throughout the earth among the nations—only a few olives are left after the tree is shaken, only a few grapes are left to be gleaned after the harvest.
Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed.
14 These survivors shout aloud and sing for joy. From the west they praise the Lord's majesty.
Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan.
15 From the east they glorify the Lord; from the sea shores they praise the name of the Lord, the God of Israel.
Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.
16 We hear songs coming from the ends of the earth, singing, “Glory to the God who does right.” But I'm miserable, miserable. Pity me! Deceitful people go on betraying, again and again.
Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen.
17 Terrors and pit-traps and snares are waiting for you, people of the earth.
Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin.
18 Those who run away in terror will fall into a pit-trap, and those who escape from the pit-trap will be caught in a snare. Heaven's windows are opened; earth's foundations shake.
Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.
19 The earth is completely broken up; the earth is ripped apart, the earth is violently shaken.
Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay.
20 The earth staggers to and fro like a drunk, and sways this way and that like a shelter. The guilt of its rebelliousness weighs heavily on it, and it collapses—it won't rise again.
Dhulku wuxuu u dhicdhici doonaa sida nin sakhraansan, oo waxaa loo dhaqdhaqaajin doonaa sida buul oo kale. Xadgudubkiisuna wuu ku cuslaan doonaa, oo wuu dhici doonaa, oo mar dambena sooma kici doono.
21 At that time the Lord will punish all the high heavenly beings and the kings of the earth.
Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa.
22 They will be brought together, prisoners in a pit. They will be imprisoned, and eventually they will be punished.
Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa.
23 The moon will be embarrassed and the sun will be ashamed, for the Lord Almighty will reign in glory on Mount Zion and in Jerusalem in the presence of its leaders.
Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.

< Isaiah 24 >