< 1 Kings 22 >

1 For three years Aram and Israel were not at war.
Oo intii saddex sannadood ah ayaanu dagaal dhex marin dadka Suuriya iyo dadka Israa'iil.
2 But in the third year Jehoshaphat, king of Judah, went to visit the king of Israel.
Oo waxay noqotay sannaddii saddexaad in Yehooshaafaad oo dalka Yahuudah boqor ka ahaa u yimid boqorkii dalka Israa'iil.
3 The king of Israel had said to his officers, “Aren't you aware that Ramoth-gilead really belongs to us and yet we haven't done anything to take it back from the king of Aram?”
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn inaan iska leennahay Raamod Gilecaad? Oo annana waannu iska fadhinnaa, oo kalama aannu bixin gacantii boqorka Suuriya!
4 So he asked Jehoshaphat, “Will you join me in an attack to recapture Ramoth-gilead?” Jehoshaphat replied to the king of Israel, “You and I are as one, my men and your men are as one, and my horses and your horses are as one.”
Oo wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Dagaal baan Raamod Gilecaad u tegayaaye ma i raacaysaa? Oo Yehooshaafaadna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, fardahayguna waa fardahaagoo kale.
5 Then Jehoshaphat said to the king of Israel, “But first though, please find out what the Lord says.”
Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii.
6 So the king of Israel brought out the prophets—four hundred of them—and he asked them, “Should I go up and attack Ramoth-gilead, or should I not?” “Yes, go ahead,” they replied, “for the Lord will hand it over to the king.”
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa in ku dhow afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagaa mise waan iska daayaa? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Sayidku wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
7 But Jehoshaphat asked, “Isn't there another prophet of the Lord here that we can ask?”
Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebi Rabbigu jirin aan wax weyddiinnee?
8 “Yes, there's another man who could consult the Lord,” the king of Israel replied, “but I don't like him because he never prophesies anything good for me—it's always bad! His name is Micaiah, son of Imlah.” “You shouldn't talk like that,” said Jehoshaphat.
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Weli waxaa jira nin kale oo aan Rabbiga wax ka weyddiin karno, kaasuna waa Miikayhuu ina Yimlaah, laakiinse waan nebcahay, maxaa yeelay, isagu wax wanaagsan igama sheego wax xun mooyaane, oo Yehooshaafaadna wuxuu ku yidhi, Boqorow, saas ha odhan.
9 The king of Israel called over one of his officials and told him, “Bring me Micaiah, son of Imlah, right away.”
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u yeedhay mid sirkaal ah, oo wuxuu ku yidhi, Haddiiba ii keen Miikayhuu ina Yimlaah.
10 Dressed in their royal robes, the king of Israel and King Jehoshaphat of Judah, were sitting on their thrones at the threshing floor beside the gate of Samaria, with all of the prophets prophesying in front of them.
Haddaba boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah mid kastaaba wuxuu ku fadhiyey carshigiisii, isagoo dharkii boqornimada qaba, oo waxay fadhiyeen meel bannaan oo ku taal iridda Samaariya laga soo galo, oo nebiyadii oo dhammuna hortooday wax ku sii sheegayeen.
11 One of them, Zedekiah, son of Chenaanah, had made himself iron horns. He announced, “This is what the Lord says: ‘With these horns you will gore the Arameans until they're dead!”
Oo Sidqiyaah ina Kenacanaah ayaa samaystay geeso bir ah, oo wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Kuwan waad ku hardiyi doontaa reer Suuriya ilaa ay wada baabba'aan.
12 All the prophets were prophesying the same thing, saying, “Go ahead, attack Ramoth-gilead; you will be successful, for the Lord will hand it over to the king.”
Oo nebiyadii oo dhammuna saasay sii wada sheegeen, iyagoo leh, Raamod Gilecaad tag oo guulayso, maxaa yeelay, Rabbigu wuu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
13 The messenger who went to call Micaiah told him, “Look, all the prophets are unanimous in prophesying positively to the king. So please make sure to speak positively like them.”
Oo wargeeyskii Miikayhuu loo diray inuu u soo yeedho wuu la hadlay oo ku yidhi, Bal eeg, nebiyadii war wanaagsan bay u sheegeen boqorkii, oo isku af bay ku wada hadleen. Haddaba waxaan kaa baryayaa in eraygaagu la mid noqdo eraygooda, oo adigu wax wanaagsan ku hadal.
14 But Micaiah replied, “As the Lord lives, I can only say what my God tells me.”
Markaasaa Miikayhuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaan sheegayaa wax alla wixii Rabbigu igu yidhaahdo.
15 When he came before the king, the king asked him, “Should we go up and attack Ramoth-gilead, or should we not?” “Yes, go ahead and be victorious,” Micaiah replied, “for the Lord will give it into the king's hand.”
Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mase waannu iska daynaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Tag, oo ku soo guulayso; oo Rabbiguna iyaduu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
16 But the king said to him, “How many times must I make you swear to tell me only the truth in the name of the Lord?”
Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa?
17 So Micaiah answered, “I saw all Israel scattered on the mountains like sheep without a shepherd. The Lord said, ‘These people have no master; let each of them go home in peace.’”
Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
18 The king of Israel said to Jehoshaphat, “Didn't I tell you he never prophesies anything good for me, only bad?”
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?
19 Micaiah went on to say, “So listen to what the Lord says. I saw the Lord sitting on his throne, surrounded by the whole army of heaven standing to his right and to his left.
Markaasuu Miikayhuu yidhi, Haddaba erayga Rabbiga maqal, Waxaan arkay Rabbiga oo carshigiisa ku fadhiya oo ciidankii samada oo dhammuna taagan yihiin midigtiisa iyo bidixdiisa.
20 The Lord asked, ‘Who will trick Ahab, king of Israel, into attacking Ramoth-gilead so he will be killed there?’ One said this, another said that, and another said something else.
Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu yidhi, mid kalena sidaasuu yidhi.
21 Finally a spirit came and approached the Lord and said, ‘I will trick him.’
Markaasaa ruux soo baxay, oo Rabbiga hortiisa istaagay oo yidhi, Anigaa soo sasabaya.
22 ‘How are you going to do that?’ the Lord asked. ‘I will go and be a lying spirit and make all his prophets tell lies,’ the spirit replied. ‘That will work,’ the Lord responded. ‘Go and do it.’
Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.
23 As you see, the Lord has put a lying spirit into these prophets of yours, and the Lord has pronounced your death sentence.”
Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan oo dhan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah.
24 Then Zedekiah, son of Chenaanah, went and slapped Micaiah in the face, and demanded, “Which way did the Spirit of the Lord go when he left me to speak to you?”
Markaasaa Sidqiyaah ina Kenacanaah intuu Miikayhuu u soo dhowaaday dhabanka ku dhuftay, oo wuxuu ku yidhi, War ruuxii Rabbigu xaggee buu iga maray inuu kula hadlo?
25 “You'll soon find out when you try and find some secret place to hide!” Micaiah replied.
Kolkaasaa Miikayhuu ku yidhi, Waad arki doontaa maalinta aad qol hoose u geli doonto inaad ku dhuumato.
26 The king of Israel ordered, “Place Micaiah under arrest and take him back to Amon the governor of the city and to my son Joash.
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil yidhi, Miikayhuu qabta oo u celiya Aamoon oo ah taliyaha magaalada, iyo Yoo'aash oo ah ina boqor;
27 Tell them these are the king's instructions: ‘Put this man in jail. Give him only bread and water until my safe return.’”
oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo.
28 “If you do in fact return safely then the Lord has not spoken through me,” Micaiah declared. “Pay attention everyone to all I've said!”
Markaasaa Miikayhuu ku yidhi, Sinaba haddaad ku soo nabad noqotid, Rabbigu igama dhex hadlin. Oo wuxuu kaloo yidhi, Dadkoo dhammow, maqla.
29 The king of Israel and Jehoshaphat, king of Judah, went to attack Ramoth-gilead.
Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.
30 The king of Israel told Jehoshaphat, “When I go into battle I will be in disguise, but you should wear your royal robes.” So the king of Israel disguised himself and went into battle.
Oo boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Anigu waan ismidab qarinayaa, oo dagaalkaan dhex gelayaa; laakiinse adigu dharkaaga xidho. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuu ismidab qariyey oo dagaalkuu dhex galay.
31 The king of Aram had already given these orders to his chariot commanders: “Head straight for the king of Israel alone. Don't fight with anyone else, whoever they are.”
Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray laba iyo soddonkii sirkaal oo u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.
32 So when the chariot commanders saw Jehoshaphat, they shouted, “This must be the king of Israel!” So they turned to attack him, but when Jehoshaphat called out for help,
Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isyidhaahdeen, Hubaal kanu waa boqorkii dalka Israa'iil, markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed; kolkaasaa Yehooshaafaad qayliyey.
33 the chariot commanders saw it wasn't the king of Israel and stopped chasing him.
Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.
34 However, an enemy archer shot an arrow at random, hitting the king of Israel between the joints of his armor by his breastplate. The king told his charioteer, “Turn around and get me out of the fight, because I've been wounded!”
Oo nin baa intuu qaansadiisii xooday kama' ahaan fallaadh u ganay, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil kaga dhuftay meesha dharkiisa dagaalku isaga yimaadeen. Markaasuu boqorku kii gaadhifaraskiisa kaxaynayay ku yidhi, Gacantaada leexi, oo ciidanka iga dhex bixi, waayo, aad baan u dhaawacmay.
35 The battle lasted all day. The king of Israel was propped up in his chariot to face the Arameans, but in the evening he died. The blood had poured out of his wound onto the floor of the chariot.
Oo maalintaas dagaalkii waa sii kordhay, oo boqorkiina gaadhifaraskiisii ayaa la dhex taagay, isagoo ka hor jeeda dadkii Suuriya, oo wuxuu dhintay makhribkii, oo dhiiggii dhaawaca ka baxay wuxuu iska dareerayay gaadhifaraska salkiisa.
36 At sunset, a shout went out from the lines: “Retreat! Every man back to his town, every man back to his own country!”
Oo markii qorraxdu sii dhacaysay ayaa qaylo ka dhex baxday ciidankii oo dhan, oo waxay lahaayeen, War nin waluba ha tago magaaladiisii iyo waddankiisiiba.
37 So the king died. He was taken back to Samaria where they buried him.
Oo sidaasuu boqorkii u dhintay, oo waxaa la keenay Samaariya, oo waxaana boqorkii lagu aasay Samaariya.
38 They washed his chariot at a pool in Samaria where the prostitutes came to bathe, and dogs licked up his blood, just as the Lord had said.
Oo gaadhifaraskii waxaa lagu maydhay balligii Samaariya agtiisa, oo dhiiggiisiina eeyahaa leefleefay, oo waxay noqotay siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay. (Haddaba dhillooyinkii halkaasay isku maydheen.)
39 The rest of what happened in Ahab's reign, all that he did, the ivory palace he constructed and all the cities he built are recorded in the Book of Chronicles of the Kings of Israel.
Haddaba Axaab falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo gurigii uu dhisay oo foolka maroodiga ahaa, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma wada qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
40 Ahab died and his son Ahaziah succeeded him as king.
Markaasuu Axaab dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo wiilkiisii Axasyaah ayaa meeshiisii boqor ka noqday.
41 Jehoshaphat, son of Asa, became king of Judah in the fourth year of the reign of Ahab, king of Israel.
Oo Yehooshaafaad ina Aasaa wuxuu boqor ka noqday dalka Yahuudah boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa sannaddiisii afraad.
42 Jehoshaphat was thirty-five when he became king, and he reigned in Jerusalem for twenty-five years. His mother's name was Azubah, daughter of Shilhi.
Oo Yehooshaafaad markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood. Oo Yeruusaalemna shan iyo labaatan sannadood boqor buu ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Casuubaah ina Shilxii.
43 He followed all the ways of his father; he did not depart from them, and he did what was right in the Lord's sight. However, the high places were not removed and the people still sacrificed and presented offerings there.
Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa ku socday oo dhan, oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sare.
44 Jehoshaphat also made peace with the king of Israel.
Oo Yehooshaafaadna nabad buu la dhigtay boqorkii dalka Israa'iil.
45 The rest of what happened in Jehoshaphat's reign, his great achievements and the wars he fought are recorded in the Book of Chronicles of the Kings of Judah.
Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, iyo xooggiisii uu muujiyey, iyo sidii uu u dagaallamayba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
46 He expelled from the land any cult prostitutes who were left from the time of his father Asa.
Oo makhnuudyadii intii wakhtigii aabbihiis Aasaa ka hadhayna dalka wuu ka wada eryay.
47 (At that time there was no king in Edom; only a deputy who served as king.)
Oo Edomna boqor ma lahayn, laakiinse waxaa u talin jiray boqor-ku-xigeen.
48 Jehoshaphat built sea-going ships to go to Ophir for gold, but they went because they were wrecked at Ezion-geber.
Oo Yehooshaafaadna wuxuu samaystay doonniyo Tarshiish inay Oofir tagaan oo dahab u doonaan aawadeed, laakiinse halkaas ma ay tegin, maxaa yeelay, doonniyihii waxay ku burbureen Cesyoon Geber agteeda.
49 During that time Ahaziah, son of Ahab, asked Jehoshaphat, “Let my men sail with your men,” but Jehoshaphat refused.
Markaasaa Axasyaah oo ahaa ina Axaab ayaa Yehooshaafaad ku yidhi, Addoommadaydu addoommadaada doonniyaha ha la raaceen, laakiinse Yehooshaafaad wuu diiday taas.
50 Jehoshaphat died and was buried with his forefathers in the City of David. His son Jehoram succeeded him as king.
Oo Yehooshaafaadna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooraam.
51 Ahaziah, son of Ahab, became king of Israel in Samaria in the seventeenth year of Jehoshaphat, king of Judah, and he reigned over Israel for two years.
Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.
52 He did what was evil in the Lord's sight and followed the ways of his father and mother, and of Jeroboam, son of Nebat, who had made Israel sin.
Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.
53 He served Baal and worshiped him, and angered the Lord, the God of Israel, just as his father had.
Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.

< 1 Kings 22 >