< Ezekiel 46 >

1 Thus says the Lord God: “The gate of the inner court which looks toward the east shall be closed for the six days on which work is done. Then, on the Sabbath day, it shall be opened. But also on the day of the new moon, it shall be opened.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Barxadda gudaha iriddeeda xagga bari u sii jeeddaa waa inay lixda maalmood ee la shaqeeyo xidhnaataa, laakiinse maalinta sabtida waa inay furnaataa, oo maalinta bishu dhalatona waa inay furnaataa.
2 And the prince shall enter from outside, by the way of the vestibule of the gate, and he shall stand at the threshold of the gate. And the priests shall offer his holocaust and his peace offerings. And he shall adore upon the threshold of the gate, and then depart. But the gate shall not be closed until evening.
Oo amiirku waa inuu ka soo galaa jidka balbalada oo iridda dibadda, oo waa inuu iridda tiirkeeda ag istaagaa, oo wadaaddadu waa inay qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiinada diyaariyaan, oo waa inuu iridda marinkeeda ku sujuudaa, oo markaas waa inuu dibadda u baxaa, laakiinse iridda tan iyo fiidkii waa inaan la xidhin.
3 And the people of the land shall adore at the entrance of the same gate, on the Sabbaths and on the new moons, in the sight of the Lord.
Oo maalmaha sabtida iyo maalmaha biluhu dhashaanba dadka dalka degganu waa inay albaabka iriddaas Rabbiga hortiisa ku sujuudaan.
4 Now this holocaust, which the prince shall offer to the Lord on the Sabbath day, shall be six immaculate lambs, and one immaculate ram.
Oo qurbaanka la gubo oo uu amiirku maalmaha Sabtida ah Rabbiga u bixin doono waa inuu ahaadaa lix wan oo yaryar oo aan iin lahayn iyo wan weyn oo aan iin lahayn.
5 The sacrifice shall be one ephah for each ram. But for the lambs, the sacrifice shall be whatever his hand shall give. And there shall be one hin of oil for each ephah.
Oo wan kasta oo weynba waa in lala bixiyaa qurbaanka hadhuudhka oo eefaah ah, oo wananka yaryar qurbaankooda hadhuudhkana nin waluba waa inuu intuu bixin karo bixiyaa, oo eefaah kastana hiin saliid ah waa inuu la bixiyaa.
6 Then, on the day of the new moon, he shall offer one immaculate calf from the herd. Both the six lambs and the rams shall be immaculate.
Oo maalinta bishu dhalatona waa in la bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn, iyo lix wan oo yaryar iyo wan weyn, oo waa inay kulligood wada ahaadaan kuwo aan iin lahayn.
7 And he shall offer the sacrifice of one ephah for each calf, and also one ephah for each ram. But for the lambs, it shall be just as his hand will find. And there shall be one hin of oil for each ephah.
Oo dibi kasta waa inuu la diyaariyaa eefaah ah qurbaan hadhuudh oo wan kastana waa inuu eefaah la diyaariyaa, oo wananka yaryarna waa inuu in alla intay gacantiisu karto la diyaariyaa, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
8 And when the prince will enter, let him enter by the way of the vestibule of the gate, and let him go out by the same way.
Oo amiirku markuu galo waa inuu jidka balbalada oo iriddaas ka soo galaa, oo haddana waa inuu isla iriddaas jidkeeda ka baxaa.
9 And when the people of the land will enter in the sight of the Lord on the solemnities, whoever enters by the north gate so that he may adore, shall depart by the way of the south gate. And whoever enters by the way of the south gate shall depart by the way of the north gate. He shall not return by way of the gate through which he entered. Instead, he shall depart from the direction opposite to it.
Laakiinse dadka dalka degganu markay iidaha Rabbiga hortiisa yimaadaan, kii jidka iridda woqooyi ka soo galaa, waa inuu jidka iridda koonfureed ka baxaa, oo kii jidka iridda koonfureed ka soo galaana waa inuu jidka iridda woqooyi ka baxaa, oo waa inuusan jidkii iriddii uu ka soo galay dib ugu noqon, laakiinse waa inuu dhanka isaga ku toosan ka baxaa.
10 But the prince in their midst shall enter when they enter, and he shall depart when they depart.
Oo amiirku waa inuu iyaga dhex galaa markay galaan, oo markii ay baxaanna waa inuu baxaa.
11 And during the feasts and the solemnities, there shall be the sacrifice of one ephah for each calf, and one ephah for each ram. But for the lambs, the sacrifice shall be just as his hand will find. And there shall be one hin of oil for each ephah.
Oo iidaha iyo maalmaha waaweyn ee la amray qurbaanka hadhuudhku waa inuu ahaadaa dibigiiba eefaah, iyo wankiiba eefaah, oo wananka yaryarna waa inuu la bixiyaa intuu bixin karo, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
12 But when the prince will offer a voluntary holocaust or a voluntary peace offering to the Lord, the gate which looks toward the east shall be opened to him. And he shall offer his holocaust and his peace offerings, just as is usually done on the Sabbath day. And he shall depart, and the gate shall be closed after he has gone out.
Haddaba amiirku markuu diyaariyo qurbaan ikhtiyaar ah ha ahaatee qurbaan la gubo amase qurbaanno nabaadiino oo Rabbiga ikhtiyaar loo siiyo, waa in iridda xagga bari u sii jeedda loo furaa, oo isagana waa inuu qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiino u diyaariyaa siduu maalinta sabtida yeelo oo kale, oo markaas waa inuu baxaa, oo markuu baxo dabadeed waa in iridda la soo xidhaa.
13 And daily he shall offer, as a holocaust to the Lord, an immaculate lamb of the same age. He shall offer it always in the morning.
Oo adigu waa inaad maalin kasta Rabbiga qurbaan la gubo ugu diyaarisaa wan gu jira oo aan iin lahayn oo waa inaad subax kasta kaas diyaarisaa.
14 And he shall offer as a sacrifice with it, morning after morning, one sixth part of an ephah, and one third part of a hin of oil, to be mixed with the fine flour, as a sacrifice to the Lord, by a continual and everlasting ordinance.
Oo kaas waa inaad subax kasta u diyaarisaa qurbaan hadhuudh ah eefaah lix meelood loo dhigay meesheed iyo hiin saliid ah oo saddex meelood loo dhigay meeshiis in burka wanaagsan lagu daro, oo kaasu waa qurbaan hadhuudh oo had iyo goorba joogta ah oo amar daa'imis ah Rabbiga u ah.
15 He shall offer the lamb and the sacrifice and the oil, morning after morning, as an everlasting holocaust.
Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.
16 Thus says the Lord God: If the prince grants a gift to any of his sons, the inheritance of it will go to his sons; they shall possess it as an inheritance.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirku hadduu wiilashiisa midkood hadiyad siiyo, taasu waa dhaxalkiisa, oo wiilashiisaa lahaan doona, oo waa hantidooda ay dhaxal ahaan u leeyihiin.
17 But if he grants a legacy from his inheritance to one of his servants, it shall be his only until the year of remission, and then it shall be returned to the prince. For his inheritance shall go to his sons.
Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.
18 And the prince shall not take from the inheritance of the people by force, nor from their possession. Instead, from his own possession, he shall give an inheritance to his sons, so that my people will not be scattered, each one from his possession.”
Oo weliba amiirku waa inuusan dadka dhaxalkooda wax uga qaadan si uu iyaga hantidooda uga bixiyo, laakiinse amiirkii waa inuu hantidiisa wiilashiisa ka dhaxalsiiyaa, si aan dadkaygu nin kastaba hantidiisa uga firdhin.
19 And he led me in by the entrance which was at the side of the gate, into the storerooms of the sanctuary for the priests, which looked toward the north. And there was a place there which verged toward the west.
Markaasuu i dhex mariyey iriddii kadinka dhiniciisa ku tiil, oo wuxuu i geeyey qolladihii quduuska ahaa oo wadaaddada oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo bal eeg, meel baa ku tiil dhankooda dambe ee galbeed.
20 And he said to me: “This is the place where the priests will cook the offering for sin and the offering for trespasses. Here, they shall cook the sacrifice, so that they need not carry it to the outer court, and so that the people may be sanctified.”
Oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ay wadaaddadu qurbaanka xadgudubka iyo qurbaanka dembiga ku karin doonaan, oo ay qurbaanka hadhuudhka ku dubi doonaan, si ayan barxadda dibadda ugu bixin oo ayan dadka quduus uga dhigin.
21 And he led me away to the outer court, and he led me around by the four corners of the court. And behold, there was a little atrium at the corner of the court; a little atrium was at each corner of the court.
Oo haddana wuxuu ii soo bixiyey barxaddii dibadda, oo wuxuu ka dhigay inaan barxadda afarteedii rukun ku soo wareego, oo bal eeg, barxadda rukunkeed kastaba barxad baa ku tiil.
22 At the four corners of the court, little atriums were positioned, forty cubits in length, and thirty in width; each of the four were of the same measure.
Oo barxadda afarteeda rukunba waxaa ku yiil barxado kala xeraysan oo dhererkoodu afartan dhudhun yahay oo ballaadhkooduna soddon dhudhun yahay, oo afartaas barxadood ee rukummada ku tiil isku qiyaas bay ahaayeen.
23 And there was a wall all around, encircling the four little atriums. And kitchens had been constructed under the porticos on all sides.
Oo hareerahooda oo dhanna waxaa laga dhisay meel safan oo afartoodaba way ku wareegsanaayeen, oo safafka ku wareegsanna waxaa laga hoos sameeyey meelo wax lagu kariyo.
24 And he said to me: “This is the house of the kitchens, in which the ministers of the house of the Lord will cook the victims of the people.”
Markaasuu igu yidhi, Kuwanu waa meelaha wax lagu kariyo, oo ay midiidinnada daartu allabariga dadka ku karin doonaan.

< Ezekiel 46 >