< Leviticus 27 >

1 And the Lord said to Moses,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Say to the children of Israel, If a man makes a special oath, you will give your decision as to the value of the persons for the Lord.
Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.
3 And you will put the value of a male from twenty years to sixty years old at fifty shekels of silver, by the scale of the holy place.
Oo inta labka ah oo jirta labaatan sannadood iyo ilaa lixdan sannadood qiimayntooda aad qiimayso waa inay ahaataa konton sheqel oo lacag ah oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
4 And if it is a female, the value will be thirty shekels.
Oo qofku hadduu dhaddig yahayna markaas qiimayntaadu ha ahaato soddon sheqel.
5 And if the person is from five to twenty years old, the value will be twenty shekels for a male, and ten for a female.
Oo qofku hadduu shan sannadood jiro iyo ilaa labaatan sannadood, markaas kii lab waxaad ku qiimaysaa labaatan sheqel, oo tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel.
6 And if the person is from one month to five years old, then the value for a male will be five shekels of silver, and for a female three shekels.
Oo haddii qofku jiro bil iyo ilaa shan sannadood, markaas qofkii lab waxaad ku qiimaysaa shan sheqel oo lacag ah, tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa saddex sheqel oo lacag ah.
7 And for sixty years old and over, for a male the value will be fifteen shekels, and for a female, ten.
Oo haddii qofku lixdan jir yahay amase ka sii weyn yahay, hadduu lab yahay waxaad ku qiimaysaa shan iyo toban sheqel, hadduu dhaddig yahayna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel.
8 But if he is poorer than the value which you have put on him, then let him be taken to the priest, and the priest will put a value on him, such as it is possible for him to give.
Laakiinse qofku hadduu ka miskiinsan yahay intaad ku qiimaysay, markaas waa in la soo taagaa wadaadka hortiisa, oo wadaadku waa inuu qiimeeyaa, oo qofkii nidarka galay intuu awoodo waa in wadaadku ku qiimeeyaa.
9 And if it is a beast of which men make offerings to the Lord, whatever any man gives of such to the Lord will be holy.
Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan.
10 It may not be changed in any way, a good given for a bad, or a bad for a good; if one beast is changed for another, the two will be holy.
Oo isagu waa inuusan doorin, ama waa inuusan neef fiican mid xun ku beddelin, ama neef xun mid fiican ku beddelin, oo hadduu neef neef kale ku beddelo, markaas neefkii hore iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan.
11 And if it is any unclean beast, of which offerings are not made to the Lord, then let him take the beast before the priest;
Oo neefku hadduu yahay neef nijaas ah oo aan Rabbiga qurbaan loogu bixin, markaas isagu neefka ha soo taago wadaadka hortiisa,
12 And let the priest put a value on it, if it is good or bad; whatever value the priest puts on it, so will it be.
oo wadaadku ha qiimeeyo, hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo adiga wadaadka ahu intii aad ku qiimayso waa inay ahaataa.
13 But if he has a desire to get it back for himself, let him give a fifth more than your value.
Laakiinse isagu hadduu doonayo inuu furto, waa inuu ku sii daraa intii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed.
14 And if a man has given his house as holy to the Lord, then the priest will put a value on it, if it is good or bad; as the priest gives decision so will the value be fixed.
Oo haddii qof doonayo inuu gurigiisa quduus uga dhigo Rabbiga, markaas wadaadku waa inuu qiimeeyaa hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo sidii wadaadku ku qiimeeyo ha ahaato.
15 And if the owner has a desire to get back his house, let him give a fifth more than your value, and it will be his.
Oo kii quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu gurigiisii soo furto, markaas ha ku sii daro lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, markaas isagaa lahaan doona.
16 And if a man gives to the Lord part of the field which is his property, then let your value be in relation to the seed which is planted in it; a measure of barley grain will be valued at fifty shekels of silver.
Oo haddii nin doonayo inuu Rabbiga quduus uga dhigo qaar ka mid ah beertuu leeyahay, markaas waxaad ku qiimaysaa inta abuurkeedu dhan yahay; xomeer muggiis oo shaciir abuur ah waa in lagu qiimeeyaa konton sheqel oo lacag ah.
17 If he gives his field from the year of Jubilee, the value will be fixed by your decision.
Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.
18 But if he gives his field after the year of Jubilee, the amount of the money will be worked out by the priest in relation to the number of years till the coming year of Jubilee, and the necessary amount will be taken off your value.
Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa.
19 And if the man who has given the field has a desire to get it back, let him give a fifth more than the price at which it was valued and it will be his.
Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa.
20 But if he has no desire to get it back, or if he has given it for a price to another man, it may not be got back again.
Laakiinse hadduusan doonayn inuu beerta soo furto, ama hadduu beerta nin kale ka iibiyey, markaas mar dambe waa inaan la soo furan,
21 But the field, when it becomes free at the year of Jubilee, will be holy to the Lord, as a field given under oath: it will be the property of the priest.
laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka.
22 And if a man gives to the Lord a field which he has got for money from another, which is not part of his heritage;
Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah,
23 Then the value fixed by you up to the year of Jubilee will be worked out for him by the priest, and in that day he will give the amount of your value as holy to the Lord.
markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.
24 In the year of Jubilee the field will go back to him from whom he got it, that is, to him whose heritage it was.
Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.
25 And let all your values be based on the shekel of the holy place, that is, twenty gerahs to the shekel.
Oo waxa aad wax ku qiimayso oo dhammu waa inay waafaqsanaadaan sheqelka meesha quduuska ah, oo sheqelku waa inuu ahaadaa labaatan geeraah.
26 But a man may not give by oath to the Lord the first-fruits of cattle which are offered to the Lord: if it is an ox or a sheep it is the Lord's.
Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga.
27 And if it is an unclean beast, then the owner of it may give money to get it back, in agreement with the value fixed by you, by giving a fifth more; or if it is not taken back, let it be given for money in agreement with your valuing.
Oo hadduu yahay neef nijaas ah markaas isagu waa inuu ku furtaa intii aad ku qiimayso, oo weliba waa inuu ku sii daraa intaas oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo haddaan la soo furanna waa in lagu iibiyaa intii aad ku qiimayso.
28 But nothing which a man has given completely to the Lord, out of all his property, of man or beast, or of the land which is his heritage, may be given away or got back in exchange for money; anything completely given is most holy to the Lord.
Habase yeeshee wixii gooni loo sooco, oo qof waxyaalihiisa oo dhan Rabbiga uga sooco, hadday waxaasu yihiin qof, ama neef, ama beerta hantidiisa ah, waa inaan innaba la iibin ama la furan, waayo, wax kasta oo gooni loo sooco waa wax Rabbiga ugu wada quduusan.
29 Any man given completely to the Lord may not be got back: he is certainly to be put to death.
Oo qof alla qofkii gooni loo sooco oo dadka laga sooco oo dhan waa inaan innaba la soo furan, laakiinse hubaal waa in la dilaa.
30 And every tenth part of the land, of the seed planted, or of the fruit of trees, is holy to the Lord.
Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa wax Rabbiga quduus u ah.
31 And if a man has a desire to get back any of the tenth part which he has given, let him give a fifth more.
Oo haddii qof doonayo inuu wax meeltobnaadkiisii ah furto waa inuu ku daraa waxaas oo shan meelood loo dhigay meeshood.
32 And a tenth part of the herd and of the flock, whatever goes under the rod of the valuer, will be holy to the Lord.
Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan, wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga quduus u ahaadaa.
33 He may not make search to see if it is good or bad, or make any changes in it; and if he makes exchange of it for another, the two will be holy; he will not get them back again.
Oo neefkaasu inuu xun yahay iyo inuu fiican yahay, isagu waa inuusan kala hubsan, waana inuusan beddelin, oo kolnaba hadduu beddelo, markaas isagii iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan ee aan la soo furan.
34 These are the orders which the Lord gave to Moses for the children of Israel in Mount Sinai.
Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.

< Leviticus 27 >