< Ezekiel 12 >

1 And the word of the Lord came to me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2 Son of man, you are living among an uncontrolled people, who have eyes to see but see not, and ears for hearing but they do not give ear; for they are an uncontrolled people.
Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.
3 And you, O son of man, by day, before their eyes, get ready the vessels of one who is taken away, and go away from your place to another place before their eyes: it may be that they will see, though they are an uncontrolled people.
Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
4 By day, before their eyes, take out your vessels like those of one who is taken away: and go out in the evening before their eyes, like those who are taken away as prisoners.
Oo waa inaad alaabtaada maalin cad soo bixisaa sida alaab lala guurayo iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad makhribkii ambabbaxdaa sida kuwo masaafuris u bixitimaya iyagoo indhaha kugu haya.
5 Make a hole in the wall, before their eyes, and go out through it.
Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.
6 And before their eyes, take your goods on your back and go out in the dark; go with your face covered: for I have made you a sign to the children of Israel.
Iyagoo indhaha kugu haya waa inaad alaabta garbaha ku qaadataa oo la ambabbaxdaa markay gudcur tahay. Oo wejigaagana waa inaad deddaa si aadan dhulka u arag, waayo, calaamad baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay.
7 And I did as I was ordered: I took out my vessels by day, like those of one who is taken away, and in the evening I made a hole through the wall with a tent-pin; and in the dark I went out, taking my things on my back before their eyes.
Oo aniguna sidii laygu amray ayaan sameeyey, oo alaabtaydii maalin cad baan soo bixiyey, sidii alaab lala guurayo oo kale, oo markay makhribkii ahayd ayaan derbigii gacantayda ku dalooliyey, oo iyadoo gudcur ah ayaan dibadda u soo saaray, oo iyagoo indhaha igu haya ayaan garbaha ku qaatay.
8 And in the morning the word of the Lord came to me, saying,
Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
9 Son of man, has not Israel, the uncontrolled people, said to you, What are you doing?
Wiilka Aadamow, reerkii caasiyoobay oo reer binu Israa'iil ah sow kuguma ay odhan, War maxaad samaynaysaa?
10 You are to say to them, This is what the Lord has said: This word has to do with the ruler in Jerusalem and all the children of Israel in it.
Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Warkan culusu wuxuu ku saabsan yahay amiirka Yeruusaalem jooga iyo reer binu Israa'iilka dhexdeeda jooga oo dhanba.
11 Say, I am your sign: as I have done, so will it be done to them: they will go away as prisoners.
Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Anigu calaamad baan idiin ahay. Sidaan sameeyey oo kale ayaa iyaga lagu samayn doonaa. Iyagu masaafurisyo bay noqon doonaan oo maxaabiisnimay geli doonaan.
12 And the ruler who is among them will take his goods on his back in the dark and go out: he will make a hole in the wall through which to go out: he will have his face covered so that he may not be seen.
Oo amiirka iyaga dhex joogaana iyadoo gudcur ah ayuu garbaha wax ku qaadan doonaa, wuuna ambabbixi doonaa. Derbigay daloolin doonaan si ay halkaas alaabta ugala baxaan aawadeed, oo isna wejiguu dedan doonaa si uusan indhihiisa dhulka ugu arag.
13 And my net will be stretched out on him, and he will be taken in my cords: and I will take him to Babylon to the land of the Chaldaeans; but he will not see it, and there death will come to him.
Oo weliba aniguna shabaggaygaan ku kor kala bixin doonaa, oo dabinkaygaa lagu soo qaban doonaa, oo waxaan isaga keeni doonaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin, oo weliba ma uu arki doono, in kastoo uu halkaas ku dhiman doono.
14 And all his helpers round about him and all his armies I will send in flight to every wind; and I will let loose a sword after them.
Oo kuwa hareerihiisa u jooga inay isaga caawiyaan oo dhanna waan u kala firdhin doonaa xagga dabaylaha oo dhan iyaga iyo guutooyinkiisa oo dhanba, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
15 And they will be certain that I am the Lord, when I send them in flight among the nations, driving them out through the countries.
Oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku kala firdhin doono.
16 But a small number of them I will keep from the sword, from the need of food, and from disease, so that they may make clear all their disgusting ways among the nations where they come; and they will be certain that I am the Lord.
Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
17 Then the word of the Lord came to me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
18 Son of man, take your food with shaking fear, and your water with trouble and care;
Wiilka Aadamow, kibistaada naxdin ku cun, oo biyahaagana gariirid iyo welwel ku cab,
19 And say to the people of the land, This is what the Lord has said about the people of Jerusalem and the land of Israel: They will take their food with care and their drink with wonder, so that all the wealth of their land may be taken from it because of the violent ways of the people living in it.
oo dadka dalka degganna waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dadka deggan Yeruusaalem iyo dalka reer binu Israa'iilba ka leeyahay, Iyagu kibistooda welwel bay ku cuni doonaan, oo biyahoodana yaab bay ku cabbi doonaan, si uu dalkoodu uga cidloobo waxa dhexdiisa jooga oo dhan, waana dulmiga kuwa dhexdiisa deggan oo dhammu ay sameeyaan aawadiis.
20 And the peopled towns will be made waste, and the land will become a wonder; and you will be certain that I am the Lord.
Oo magaalooyinka la deggan yahay way baabbi'i doonaan, oo dalkuna wuu cidloobi doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
21 And the word of the Lord came to me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
22 Son of man, what is this saying which you have about the land of Israel, The time is long and every vision comes to nothing?
Wiilka Aadamow, waa maxay hadalkan aad dalka reer binu Israa'iil ku haysataan, kaasoo leh, Wakhtigii waa sii dheeraaday oo muujin kastaaba way beenowday?
23 For this cause say to them, This is what the Lord has said: I have made this saying come to an end, and it will no longer be used as a common saying in Israel; but say to them, The days are near, and the effect of every vision.
Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa.
24 For there will be no more false visions or smooth use of secret arts in Israel.
Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.
25 For I am the Lord; I will say the word and what I say I will do; it will not be put off: for in your days, O uncontrolled people, I will say the word and do it, says the Lord.
Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.
26 Again the word of the Lord came to me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
27 Son of man, see, the children of Israel say, The vision which he sees is for the days which are a long way off, and his words are of times still far away.
Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.
28 Say to them then, This is what the Lord has said: Not one of my words will be put off any longer, but what I say I will do, says the Lord.
Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

< Ezekiel 12 >