< Jeremiah 18 >

1 The word which came to Jeremiah from the LORD, saying,
Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
2 “Arise, and go down to the potter’s house, and there I will cause you to hear my words.”
Kac, oo waxaad tagtaa guriga dheryasameeyaha, oo halkaasaan erayadayda kugu maqashiin doonaa.
3 Then I went down to the potter’s house, and behold, he was making something on the wheels.
Markaasaan xaggii gurigii dheryasameeyaha tegey, oo bal eeg, waxaan arkay isagoo giringiro shuqulkiisa ku samaynaya.
4 When the vessel that he made of the clay was marred in the hand of the potter, he made it again another vessel, as seemed good to the potter to make it.
Oo markii weelkii uu dheryasameeyuhu dhoobada ka samaynayay gacantiisii ku kharribmay ayuu dheryasameeyihii haddana weel kale sameeyey sidii isaga la wanaagsanayd.
5 Then the LORD’s word came to me, saying,
Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
6 “House of Israel, cannot I do with you as this potter?” says the LORD. “Behold, as the clay in the potter’s hand, so are you in my hand, house of Israel.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, miyaanan idinku samayn karin sida dheryasameeyuhu yeelay oo kale? Dadka Israa'iilow, bal ogaada, idinku waxaad gacantayda ugu jirtaan sida dhoobadu gacanta dheryasameeyaha ugu jirto oo kale.
7 At the instant I speak concerning a nation, and concerning a kingdom, to pluck up and to break down and to destroy it,
Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo,
8 if that nation, concerning which I have spoken, turns from their evil, I will repent of the evil that I thought to do to them.
haddii dadka quruuntaas aan ka hadlay ay sharkooda ka soo noqdaan, aniguna waan ka soo noqon doonaa masiibadii aan ku fikiray inaan ku sameeyo.
9 At the instant I speak concerning a nation, and concerning a kingdom, to build and to plant it,
Oo mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo inaan iyada dhiso oo aan beero,
10 if they do that which is evil in my sight, that they not obey my voice, then I will repent of the good with which I said I would benefit them.
hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.
11 “Now therefore, speak to the men of Judah, and to the inhabitants of Jerusalem, saying, ‘The LORD says: “Behold, I frame evil against you, and devise a plan against you. Everyone return from his evil way now, and amend your ways and your doings.”’
Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.
12 But they say, ‘It is in vain; for we will walk after our own plans, and we will each follow the stubbornness of his evil heart.’”
Laakiinse iyagu waxay leeyihiin, Taas ha ka yaabin, annagu waxaannu iska daba soconaynaa hindisooyinkayaga, oo midkayo kastaaba wuxuu samayn doonaa caasinimada qalbigiisa sharka ah.
13 Therefore the LORD says: “Ask now among the nations, ‘Who has heard such things?’ The virgin of Israel has done a very horrible thing.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruumaha waxaad ka dhex weyddiisaan, Bal yaa waxyaalahan oo kale maqlay? Dadka Israa'iil oo bikrad ah waxay sameeyeen wax aad iyo aad u xun.
14 Will the snow of Lebanon fail from the rock of the field? Will the cold waters that flow down from afar be dried up?
Barafka cad ee Lubnaan miyaa laga waayaa dhagaxa duurka? Miyaase biyaha qabow oo meel fog ka soo qulqulaya iska gudhaan?
15 For my people have forgotten me. They have burned incense to false gods. They have been made to stumble in their ways in the ancient paths, to walk in byways, in a way not built up,
Hase ahaatee dadkaygii way i illoobeen, oo waxay foox u shideen waxyaalo aan waxba ahayn, oo waxay ku dhex turunturoodeen jidadkoodii ahaa waddooyinkii hore, wayna ka leexdeen, oo waxay ku socdeen dhabbayaal qalloocan iyo jid aan jidka weyn ahayn,
16 to make their land an astonishment, and a perpetual hissing. Everyone who passes by it will be astonished, and shake his head.
si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa.
17 I will scatter them as with an east wind before the enemy. I will show them the back, and not the face, in the day of their calamity.
Anigu waxaan iyaga cadowgooda ugu hor firdhin doonaa sidii iyagoo dabayl bari kaxaysay, oo maalintii masiibadoodana waxaan u jeedin doonaa dhabarka, oo innaba wejiga tusi maayo.
18 Then they said, “Come! Let’s devise plans against Jeremiah; for the law will not perish from the priest, nor counsel from the wise, nor the word from the prophet. Come, and let’s strike him with the tongue, and let’s not give heed to any of his words.”
Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin.
19 Give heed to me, LORD, and listen to the voice of those who contend with me.
Rabbiyow, bal i maqal, oo bal dhegayso kuwa ila diriraya codkooda.
20 Should evil be recompensed for good? For they have dug a pit for my soul. Remember how I stood before you to speak good for them, to turn away your wrath from them.
Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.
21 Therefore deliver up their children to the famine, and give them over to the power of the sword. Let their wives become childless and widows. Let their men be killed and their young men struck by the sword in battle.
Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.
22 Let a cry be heard from their houses when you bring a troop suddenly on them; for they have dug a pit to take me and hidden snares for my feet.
Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.
23 Yet, LORD, you know all their counsel against me to kill me. Do not forgive their iniquity. Do not blot out their sin from your sight, Let them be overthrown before you. Deal with them in the time of your anger.
Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

< Jeremiah 18 >