< Exodus 9 >

1 Then the LORD said to Moses, “Go in to Pharaoh, and tell him, ‘This is what the LORD, the God of the Hebrews, says: “Let my people go, that they may serve me.
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
2 For if you refuse to let them go, and hold them still,
Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,
3 behold, the LORD’s hand is on your livestock which are in the field, on the horses, on the donkeys, on the camels, on the herds, and on the flocks with a very grievous pestilence.
bal ogow, gacanta Rabbigu waxay ku dhici doontaa xoolahaaga berrinka jooga, ha ahaadeen fardaha, dameeraha, geela, lo'da, iyo adhigaba; waxaana dhici doona cudur baas.
4 The LORD will make a distinction between the livestock of Israel and the livestock of Egypt; and nothing shall die of all that belongs to the children of Israel.”’”
Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.
5 The LORD appointed a set time, saying, “Tomorrow the LORD shall do this thing in the land.”
Rabbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa.
6 The LORD did that thing on the next day; and all the livestock of Egypt died, but of the livestock of the children of Israel, not one died.
Rabbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin.
7 Pharaoh sent, and, behold, there was not so much as one of the livestock of the Israelites dead. But the heart of Pharaoh was stubborn, and he did not let the people go.
Markaasaa Fircoon cid diray, oo bal eeg, xoolihii reer binu Israa'iil xataa mid kama bakhtiyin. Laakiinse Fircoon wuu madax adkaaday, dadkiina siima uu dayn inay tagaan.
8 The LORD said to Moses and to Aaron, “Take handfuls of ashes of the furnace, and let Moses sprinkle it toward the sky in the sight of Pharaoh.
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Waxaad qaadataan cantoobooyin dambaska foornada ah, oo Muuse samada ha u saydho Fircoon hortiisa.
9 It shall become small dust over all the land of Egypt, and shall be boils and blisters breaking out on man and on animal, throughout all the land of Egypt.”
Oo waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun.
10 They took ashes of the furnace, and stood before Pharaoh; and Moses sprinkled it up toward the sky; and it became boils and blisters breaking out on man and on animal.
Markaasay qaadeen dambaskii foornada, oo waxay hor istaageen Fircoon; kolkaasaa Muuse xagga samada kor ugu saydhay, markaasaa dadkii iyo duunyadiiba waxaa ka soo wada baxay boogo xunxun.
11 The magicians could not stand before Moses because of the boils; for the boils were on the magicians and on all the Egyptians.
Oo saaxiriintiina Muuse ma ay hor istaagi karin boogaha dartood, waayo, booguhu waxay ka soo bexeen saaxiriintii iyo Masriyiintii oo dhan.
12 The LORD hardened the heart of Pharaoh, and he did not listen to them, as the LORD had spoken to Moses.
Rabbiguna waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, oo isna ma uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu Muuse ku yidhi.
13 The LORD said to Moses, “Rise up early in the morning, and stand before Pharaoh, and tell him, ‘This is what the LORD, the God of the Hebrews, says: “Let my people go, that they may serve me.
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
14 For this time I will send all my plagues against your heart, against your officials, and against your people; that you may know that there is no one like me in all the earth.
Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah.
15 For now I would have stretched out my hand, and struck you and your people with pestilence, and you would have been cut off from the earth;
Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,
16 but indeed for this cause I have made you stand: to show you my power, and that my name may be declared throughout all the earth,
laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan.
17 because you still exalt yourself against my people, that you will not let them go.
Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?
18 Behold, tomorrow about this time I will cause it to rain a very grievous hail, such as has not been in Egypt since the day it was founded even until now.
Bal ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan.
19 Now therefore command that all of your livestock and all that you have in the field be brought into shelter. The hail will come down on every man and animal that is found in the field, and is not brought home, and they will die.”’”
Haddaba cid u dir oo la soo dhaqso lo'daada iyo waxa berrinka kuu jooga oo dhan; waayo, dad iyo duunyo wixii berrinka laga helo oo dhan oo aan guryaha la soo gelin, waxaa ku soo degi doona roobka dhagaxyada leh, wayna dhiman doonaan.
20 Those who feared the LORD’s word among the servants of Pharaoh made their servants and their livestock flee into the houses.
Markaasaa mid kasta oo addoommadii Fircoon ka mid ahaa oo ka cabsanayay ereygii Rabbiga, addoommadiisii iyo lo'diisii ayuu xagga guryaha u eryay;
21 Whoever did not respect the LORD’s word left his servants and his livestock in the field.
kii aan dan ka lahayn ereygii Rabbigase addoommadiisii iyo lo'diisiiba ayuu berrinka ku daayay.
22 The LORD said to Moses, “Stretch out your hand toward the sky, that there may be hail in all the land of Egypt, on man, and on animal, and on every herb of the field, throughout the land of Egypt.”
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacanta xagga samada u fidi, in roobka dhagaxyada leh ku soo dego dalka Masar oo dhan, dadka dushiisa iyo duunyada dusheeda iyo dhalatada duurka ku taal dusheeda oo dhan ee dalka Masar dhammaantiis.
23 Moses stretched out his rod toward the heavens, and the LORD sent thunder and hail; and lightning flashed down to the earth. The LORD rained hail on the land of Egypt.
Markaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, waxaana dhulka ku soo degay dab; oo Rabbigu wuxuu dalkii Masar ku soo daayay roobdhagaxyaale.
24 So there was very severe hail, and lightning mixed with the hail, such as had not been in all the land of Egypt since it became a nation.
Sidaas daraaddeed waxaa ku soo da'ay roobdhagaxyaale baas, roobka dhagaxyada lehna waxaa ku qaldanaa dab, kaas oo kalena weligiis kama di'in dalka Masar oo dhan tan iyo maalintii ay quruun noqotay ilaa haatan.
25 The hail struck throughout all the land of Egypt all that was in the field, both man and animal; and the hail struck every herb of the field, and broke every tree of the field.
Oo roobkii dhagaxyada lahaana wuxuu laayay wax alla wixii dalka Masar oo dhan duurkiisa joogay, dad iyo duunyoba; oo dhalatadii duurka oo dhanna roobkii dhagaxyada lahaa baa laayay, oo dhirtii duurka oo dhanna wuu jejebiyey.
26 Only in the land of Goshen, where the children of Israel were, there was no hail.
Waxaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen.
27 Pharaoh sent and called for Moses and Aaron, and said to them, “I have sinned this time. The LORD is righteous, and I and my people are wicked.
Markaasaa Fircoon cid u diray, oo u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Markan waan dembaabay; Rabbigu waa xaq, aniga iyo dadkaygubana shar baannu leennahay.
28 Pray to the LORD; for there has been enough of mighty thunderings and hail. I will let you go, and you shall stay no longer.”
Bal Rabbiga noo barya, waayo, roobkan dhagaxyada leh iyo onkodkan weynu waa nagu filan yihiin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe sii joogi maysaan innaba.
29 Moses said to him, “As soon as I have gone out of the city, I will spread out my hands to the LORD. The thunders shall cease, and there will not be any more hail; that you may know that the earth is the LORD’s.
Kolkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada ayaan gacmahayga u kala bixin doonaa Rabbiga, oo onkodku waa joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad adigu u ogaatid inuu Rabbigu dhulka leeyahay.
30 But as for you and your servants, I know that you do not yet fear the LORD God.”
Laakiin waan ogahay in adiga iyo addoommadaadu aydnaan weli ka cabsanayn Rabbiga Ilaaha ah.
31 The flax and the barley were struck, for the barley had ripened and the flax was blooming.
Oo cudbigii iyo shaciirkiiba waa baabbe'een; waayo, shaciirku waa midhaystay, cudbigana ubax baa ka baxayay.
32 But the wheat and the spelt were not struck, for they had not grown up.
Laakiinse sarreenkii waxba kuma dhicin; waayo, weli aad uma uu bixin.
33 Moses went out of the city from Pharaoh, and spread out his hands to the LORD; and the thunders and hail ceased, and the rain was not poured on the earth.
Oo Muusena magaaladii buu ka baxay, wuuna ka tegey Fircoon, oo gacmihiisii buu u kala bixiyey Rabbiga. Markaasaa onkodkii iyo roobkii dhagaxyada lahaaba joogsadeen, roobkiina dhulka kuma shubmin.
34 When Pharaoh saw that the rain and the hail and the thunders had ceased, he sinned yet more, and hardened his heart, he and his servants.
Fircoonna kolkuu arkay inay joogsadeen roobkii iyo roobdhagaxyaalihii iyo onkodkiiba, ayuu weliba sii dembaabay, oo qalbigiisiina wuu sii qallafiyey, isaga iyo addoommadiisiiba.
35 The heart of Pharaoh was hardened, and he did not let the children of Israel go, just as the LORD had spoken through Moses.
Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.

< Exodus 9 >