< Salme 39 >

1 (Til sangmesteren. Til Jedutun. En salme af David.) Jeg sagde: "Mine Veje vil jeg vogte på, så jeg ikke synder med Tungen; min Mund vil jeg holde i Tømme, så længe den gudløse er mig nær!"
Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa, Si aanan carrabkayga ugu dembaabin, Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
2 Jeg var stum og tavs, jeg tav for at undgå tomme Ord, men min Smerte naged,
Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa, Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3 mit Hjerte brændte i Brystet, Ild lued op, mens jeg grunded; da talte jeg med min Tunge.
Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4 Lær mig, HERRE, at kende mit Endeligt, det Mål af Dage, jeg har, lad mig kende, hvor snart jeg skal bort!
Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay, Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5 Se, i Håndsbredder målte du mine Dage ud, mit Liv er som intet for dig, som et Åndepust står hvert Menneske der. (Sela)
Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
6 Kun som en Skygge er Menneskets Vandring, kun Tomhed er deres Travlhed; de samler og ved ej, hvem der får det.
Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
7 Hvad bier jeg, Herre, da efter? Mit Håb står ene til dig.
Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
8 Fri mig for al min Synd, gør mig ikke til Spot for Dårer!
Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi, Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
9 Jeg tier og åbner ikke min Mund, du voldte det jo.
Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin, Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Borttag din Plage fra mig, under din vældige Hånd går jeg til.
Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Når du tugter en Mand med Straf for hans Brøde, smuldrer du hans Herlighed hen som Møl; kun et Åndepust er hvert Menneske. (Sela)
Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed, Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale, Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Hør, o HERRE, min Bøn og lyt til mit Skrig, til mine Tårer tie du ej! Thi en fremmed er jeg hos dig, en Gæst som alle mine Fædre.
Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Se bort fra mig, så jeg kvæges, før jeg går bort og ej mer er til!
Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

< Salme 39 >