< Esajas 54 >

1 Jubl, du golde, der ej fødte, jubl og fryd dig, du uden Veer! Thi den forladtes Børn er flere end Hustruens Børn, siger HERREN.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda.
2 Vid Rummet ud i dit Telt, spar ikke, men udspænd din Boligs Tæpper. Du må gøre dine Teltreb lange og slå dine Teltpæle fast.
Meesha teendhadaada ballaadhi, oo rugahaaga daahyadoodana ha la kala bixiyo. Waxba ha la hadhin, xadhkahaaga sii dheeree, oo dhidbahaagana sii xoogee.
3 Thi du skal brede dig til højre og, venstre, dit Afkom tage Folk i Eje og bo i de øde Byer.
Waayo, waxaad u kala faafi doontaa xagga midigta iyo xagga bidixdaba, oo farcankaaguna wuxuu dhaxli doonaa quruumaha, oo magaalooyinka baabba'ayna wuxuu ka dhigi doonaa in la dego.
4 Frygt ej, du skal ikke beskæmmes, vær ej ræd, du skal ikke skuffes! Thi din Ungdoms Skam skal du glemme, ej mindes din Enkestands Skændsel.
Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharafjabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.
5 Thi din Ægtemand er din Skaber, hans Navn er Hærskarers HERRE, din Genløser er Israels Hellige, han kaldes al Jordens Gud.
Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan.
6 Som en Hustru, der sidder forladt med Sorg i Sinde, har HERREN kaldt dig. En Ungdomsviv, kan hun forstødes? siger din Gud.
Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.
7 Jeg forlod dig et lidet Øjeblik, men favner dig i stor Barmhjertighed;
Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.
8 jeg skjulte i skummende Vrede et Øjeblik mit Åsyn for dig, men forbarmer mig med evig Kærlighed, siger din Genløser, HERREN.
Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.
9 Mig er det som Noas Dage: Som jeg svor, at Noas Vande ej mer skulde oversvømme Jorden, så sværger jeg nu at jeg aldrig vil vredes og skænde på dig.
Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.
10 Om også Bjergene viger, om også Højene rokkes, min Kærlighed viger ej fra dig, min Fredspagt rokkes ikke, så siger HERREN, din Forbarmer.
Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
11 Du arme, forblæste, utrøstede! Se, jeg bygger dig op med Smaragder, lægger din Grund med Safirer,
Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.
12 af Rubiner sætter jeg Tinderne, og Portene gør jeg af Karfunkler, af Ædelsten hele din Ringmur.
Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.
13 Alle dine Børn bliver oplært af HERREN, og stor bliver Børnenes Fred;
Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.
14 i Retfærd skal du grundfæstes. Vær tryg for Vold, du har intet at frygte, for Rædsler, de kommer dig ikke nær!
Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto.
15 Angribes du, er det uden min Vilje, falde skal hver, som angriber dig;
Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.
16 det er mig, der skaber Smeden, som blæser en Kulild op og tilvirker Våben ved sin Kunst, men Ødelæggeren skaber jeg også.
Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.
17 Intet Våben, der smedes mod dig, skal du, hver Tunge, der trætter med dig, får du dømt. Dette er HERRENs Tjeneres Lod, den Retfærd, jeg giver dem, lyder det fra HERREN.
Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.

< Esajas 54 >

A Dove is Sent Forth from the Ark
A Dove is Sent Forth from the Ark