< Ezra 8 >

1 Følgende er de Overhoveder over Fædrenehusene og de i deres Slægtsfortegnelser opførte, som drog op med mig fra Babel under Kong Artaxerxes's Regering:
Haddaba madaxdii qabiilooyinka waa kuwan, oo kanu waa abtirkii kuwii Baabuloon iga raacay waagii Boqor Artaxshasta dowladnimada haystay.
2 Af Pinehas's Efterkommere Ger som; af Itamars Efterkommere Daniel; af Davids Efterkommere Hattusj,
Wiilashii Fiinexaas waxaa ka socday Gershoom, wiilashii Iitaamaarna Daanyeel; wiilashii Daa'uudna Xatuush,
3 Sjekanjas Søn; af Par'osj's Efterkommere Zekarja, i hvis Slægtsfortegnelse der var opført 150 Mandspersoner;
oo reer Shekaanyaah ka ahaa; wiilashii Farcoshna Sekaryaah, oo waxaa isaga la abtirsaday boqol iyo konton nin.
4 af Pahat-Moabs Efterkommere Eljoenaj, Zerajas Søn, med 200 Mandspersoner;
Wiilashii Faxad Moo'aabna waxaa ka socday Elihooceenay oo ahaa ina Seraxyaah; oo waxaa isaga la jiray laba boqol oo nin.
5 af Zattus Efterkommere Sjekanja, Jahaziels Søn, med 300 Mandspersoner;
Wiilashii Shekaanyaahna waxaa ka socday ina Yaxasii'eel, oo waxaa isaga la jiray saddex boqol oo nin.
6 af Adins Efterkommere Ebed. Jonatans Søn, med 50 Mandspersoner;
Wiilashii Caadiinna waxaa ka socday Cebed oo ahaa ina Yoonaataan, oo waxaa isaga la jiray konton nin.
7 af Elams Efterkommere Jesja'ja. Ataljas Søn, med 70 Mandspersoner;
Wiilashii Ceelaamna waxaa ka socday Yeshacyaah oo ahaa ina Catalyaah, oo waxaa isaga la jiray toddobaatan nin.
8 af Sjefatjas Efterkommere Zebadja, Nikaels Søn, med 80 Mandspersoner;
Wiilashii Shefatyaahna waxaa ka socday Sebadyaah oo ahaa ina Miikaa'eel, oo isaga waxaa la jiray siddeetan nin.
9 af Joabs Efterkommere 'Obadja. Jehiels' Søn, med 218 Mandspersoner;
Wiilashii Yoo'aabna waxaa ka socday Cobadyaah oo ahaa ina Yexii'eel; oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeed iyo toban nin.
10 af Banis Efterkommere Sjelomit, Josifjas Søn, med 160 Mandspersoner;
Wiilashii Shelomiidna waxaa ka socday ina Yoosifyaah, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo lixdan nin.
11 af Bebajs Efterkommere Zekarja, Bebajs Søn, med 28 Mandspersoner;
Wiilashii Beebayna waxaa ka socday Sekaryaah oo ahaa ina Beebay, oo waxaa isaga la jiray siddeed iyo labaatan nin.
12 af Azgads Efterkommere Johanan, Hakkatans Søn, med 110 Mandspersoner;
Wiilashii Casgaadna waxaa ka socday Yooxaanaan oo ahaa ina Haqaataan, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo toban nin.
13 af Adonikams Efterkommere de sidst komne, nemlig Elifelet. Je'iel og Sjemaja, med 60 Mandspersoner;
Wiilashii Adoniiqaam oo ugu wada dambeeyeyna waxaa ka socday saddex nin, oo waa kuwan saddexdoodii magac, Eliifeled, iyo Yecuu'eel, iyo Shemacyaah, oo waxaa iyaga la jiray lixdan nin.
14 af Bigvajs Efterkommere Utaj og Zabud med 70 Mandspersoner.
Wiilashii Bigwayna waxaa ka socday Cuutay iyo Sabbuud, oo waxaa iyaga la jiray toddobaatan nin.
15 Og jeg samlede dem ved den Flod, der løber ad Ahava til, og vi lå lejret der i tre Dage. Men da jeg tog Folket og Præsterne nærmere i Øjesyn, fandt jeg ingen Leviter der.
Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.
16 Jeg sendte derfor Overhovederne Eliezer, Ariel, Sjemaja, Elnatan, Jarib, Elnatan, Natan, Zekarja og Mesjullam og Lærerne Jojarib og Elnatan hen
Oo markaasaan u cid diray Eliiceser, iyo Arii'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elnaataan, iyo Yaariib, iyo Elnaataan, iyo Naataan, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam, oo wada ahaa rag madax ah, iyo weliba Yooyaariib iyo Elnaataan, oo iyana ahaa macallimiin.
17 og bød dem gå til Overhovedet Iddo i Byen Kasifja, idet jeg lagde dem de Ord i Munden, hvormed de skulde overtale Iddo og hans Brødre i Byen Kasifja til at sende os Tjenere til vor Guds Hus;
Oo waxaan iyagii u diray Iddo oo madax ka ahaa meesha Kaasifiyaa la yidhaahdo; oo waxaan iyagii u sheegay wixii ay ku odhan lahaayeen Iddo iyo walaalihiis oo reer Netiiniim ah oo jooga meesha la yidhaahdo Kaasifiyaa, inay noo keenaan midiidinno ka dhex adeega guriga Ilaahayaga.
18 og eftersom vor Guds gode Hånd var over os, sendte de os en forstandig Mand afEfterkommerne efter Mali, Israels Søn Levis Søn, Sjerebja med hans Sønner og Brødre, atten Mand
Oo sidii ay gacanta wanaagsan oo Ilaahayagu noo saarnayd, waxay noo keeneen nin waxgarad ah oo ah reer Maxlii, oo ka ah reer Laawi, oo ka sii ah reer binu Israa'iil, iyo Sheereebyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis oo siddeed iyo toban isku ahaa,
19 og Hasjabja og Jesja'ja af Meraris Efterkommere med deres Brødre og Sønner, tyve Mand,
iyo Xashabyaah, iyo Yeshacyaah oo ahaa reer Meraarii, iyo walaalihiis iyo wiilashoodii oo labaatan isku ahaa,
20 og af Tempeltrællene, som David og Øversterne havde stillet til Leviternes Tjeneste, 220 Tempeltrælle, alle med Navns Nævnelse.
iyo reer Netiiniim oo ay Daa'uud iyo amiirradiisii u dhiibeen adeegiddii reer Laawi oo laba boqol iyo labaatan ahaa, oo dhammaantoodna ninba magiciisii baa loogu yeedhi jiray.
21 Så lod jeg der ved Floden Ahava udråbe en Faste til Ydmygelse for vor Guds Åsyn for hos ham at udvirke en lykkelig Rejse for os og vore Familier og Ejendele;
Oo markaasaan, intii aannu joognay Webi Ahawaa, halkaas kaga dhawaaqay in la soomo, inaannu isku hoosaysiinno Ilaahayaga hortiisa, inaannu ka barinno jid toosan oo annaga iyo dhallaankayaga iyo xoolahayaga oo dhammuba aannu marno.
22 thi jeg undså mig ved at bede Kongen om Krigsfolk og Ryttere til at hjælpe os undervejs mod Fjenden, eftersom vi havde sagt til Kongen: Vor Guds Hånd er over alle; der søger ham, og hjælper dem, men hans Vælde og Vrede kommer over alle dem, der forlader ham.
Waayo, waxaan ka xishooday inaan boqorka weyddiisto koox askar iyo fardooley ah inay naga caawiyaan cadowga jidka noo jooga, maxaa yeelay, boqorka baannu la hadallay oo ku nidhi, Gacanta Ilaahayagu waxay saaran tahay intii isaga doondoonta oo dhan, wayna u wanaagsan tahay; laakiinse xooggiisa iyo cadhadiisu waxay ka gees yihiin in alla intii isaga ka tagta oo dhan.
23 Så fastede vi og bad til vor Gud derom, og han bønbørte os.
Sidaas daraaddeed waannu soonnay, oo waxaannu ka barinnay Ilaahayo wax taas ku saabsan, wuuna naga aqbalay.
24 Derpå udvalgte jeg tolv af Præsternes Øverster og Sjerebja og Hasjabja og ti af deres Brødre;
Markaasaan gooni u soocay laba iyo toban nin oo wadaaddada madaxdoodii ah, oo waxay ahaayeen Sheereebyaah iyo Xashabyaah, iyo toban iyaga la jiray oo walaalahood ah,
25 og dem tilvejede jeg Sølvet og Guldet og gav dem Karrene, den Offerydelse til vor Guds Hus, som Kongen, hans Rådgivere og Fyrster og alle de der boende Israeliter havde ydet;
oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.
26 jeg tilvejede dem af Sølv 650 Talenter, Sølvkar til en Værdi af 100 Talenter, af Guld 100 Talenter,
Waxaan iyaga u miisaamay oo gacanta u geliyey lix boqol iyo konton talanti oo lacag ah, iyo weelal lacag ah oo iyana boqol talanti ah, iyo boqol talanti oo dahab ah,
27 tyve Guldbægre til 1000 Darejker og to Kar af fint, guldglinsende Kobber, kostbare som Guld.
iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah.
28 Så sagde jeg til dem: I er helliget HERREN, og Karrene er helliget, og Sølvet og Guldet er en frivillig Gave til HERREN, eders Fædres Gud;
Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin.
29 våg derfor over det og vogt på det, indtil I i Påsyn af Præsternes og Leviternes Øverster og Israels Fædrenehuses Øverster vejer det ud i Jerusalem i Kamrene i HERRENs Hus!"
Haddaba idinku dhawra oo xajiya ilaa aad ku hor miisaantaan wadaaddada sare, iyo kuwa reer Laawi, iyo amiirrada qolooyinka reer binu Israa'iil, idinkoo jooga qolladaha guriga Ilaah ee Yeruusaalem.
30 Da modtog Præsterne og Leviterne det tilvejede, Sølvet og Guldet og Karrene, for at bringe det til vor Guds Hus i Jerusalem.
Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.
31 Så brød vi op fra Floden Ahava på den tolvte Dag i den første Måned for at drage til Jerusalem; og vor Guds Hånd var over os, så han frelste os fra Fjendernes og Røvernes Hånd undervejs.
Markaasaannu Webi Ahawaa ka tagnay, oo Yeruusaalem u ambabbaxnay bishii kowaad maalinteedii laba iyo tobnaad; oo waxaa na saarnayd gacantii Ilaahayo, wuuna naga samatabbixiyey gacantii cadowga iyo kuwii jidka noogu gabbanayay.
32 Da vi var kommet til Jerusalem, holdt vi os rolige der i tre Dage;
Oo waxaannu nimid Yeruusaalem oo halkaasaannu intii saddex maalmood ah iska joognay.
33 og på den fjerde Dag blev Sølvet, Guldet og Karrene afvejet i vor Guds Hus og overgivet Præsten Meremot, Urijas Søn, tillige med El'azar, Pinehas's Søn, og Leviterne Jozabad, Jesuas Søn, og Noadja, Binnujs Søn,
Oo maalintii afraad ayaa lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii lagu dhex miisaamay gurigii Ilaahayo oo waxaa gacanta loo geliyey wadaadkii Mereemood oo ahaa ina Uuriyaah, oo waxaa isaga la jiray Elecaasaar oo ahaa ina Fiinexaas; oo waxaa kaloo iyaga la jiray Yoosaabaad oo ahaa ina Yeeshuuca, iyo Noocadyaah oo ahaa ina Binnuwii oo iyana ahaa reer Laawi;
34 alt sammen efter Tal og Vægt, og hele Vægten blev optegnet: På samme Tid
oo alaabtii oo dhan waxay ku wada guddoomeen tiro iyo miisaan, oo miisaankii oo dhanna waagaas ayaa la wada qoray.
35 bragte de, der kom fra Fangenskabet, de, der havde været i Landflygtighed, Brændofre til Israels Gud: 12 Tyre for hele tsrael, 96 Vædre, 77 Lam og 12 Gedebukke til Syndofre, alt sammen som Brændoffer til HERREN.
Oo dadkii maxaabiista ahaan jiray ee masaafuriska ka soo noqday, waxay Ilaaha reer binu Israa'iil allabaryo la gubo ugu bixiyeen laba iyo toban dibi reer binu Israa'iil oo dhan aawadiis, iyo lix iyo sagaashan wan, iyo toddoba iyo toddobaatan baraar ah, iyo laba iyo toban orgi oo qurbaan dembi loo bixiyey; oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen allabaryo la gubo oo Rabbiga loo bixiyey.
36 Og de overgav Kongens Befalinger til Kongens Satraper og Statholderne hinsides Floden, og disse ydede Folket og Guds Hus deres Hjælp.
Oo waxay amarkii boqorka u geeyeen saraakiishii boqorka iyo taliyayaashii webiga ka shisheeyey; oo iyana way taageereen dadkii iyo gurigii Ilaah.

< Ezra 8 >