< Matej 20 >

1 “Kraljevstvo je nebesko kao kad domaćin rano ujutro izađe najmiti radnike u svoj vinograd.
Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah.
2 Pogodi se s radnicima po denar na dan i pošalje ih u svoj vinograd.
Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii.
3 Izađe i o trećoj uri i vidje druge gdje stoje na trgu besposleni
Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan,
4 pa i njima reče: 'Idite i vi u moj vinograd pa što bude pravo, dat ću vam.'
oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen.
5 I oni odoše. Izađe opet o šestoj i devetoj uri te učini isto tako.
Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey.
6 A kad izađe o jedanaestoj uri, nađe druge gdje stoje i reče im: 'Zašto ovdje stojite vazdan besposleni?'
Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin?
7 Kažu mu: 'Jer nas nitko ne najmi.' Reče im: 'Idite i vi u vinograd.'”
Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga.
8 “Uvečer kaže gospodar vinograda svojemu upravitelju: 'Pozovi radnike i podaj im plaću počevši od posljednjih pa sve do prvih.'
Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey.
9 Dođu tako oni od jedanaeste ure i prime po denar.
Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar.
10 Pa kada dođu oni prvi, pomisle da će primiti više, ali i oni prime po denar.
Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen.
11 A kad primiše, počeše mrmljati protiv domaćina:
Oo intay qaadanayeen ayay odaygii reerka ku gunuunaceen,
12 'Ovi posljednji jednu su uru radili i izjednačio si ih s nama, koji smo podnosili svu tegobu dana i žegu.'”
oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii.
13 “Nato on odgovori jednomu od njih: 'Prijatelju, ne činim ti krivo. Nisi li se pogodio sa mnom po denar?
Laakiin wuu u jawaabay oo midkood ku yidhi, Saaxiibow, xumaan kuguma aan samayn. Sow dinaar igulama heshiin?
14 Uzmi svoje pa idi. A ja hoću i ovomu posljednjemu dati kao i tebi.
Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale.
15 Nije li mi slobodno činiti sa svojim što hoću? Ili zar je oko tvoje zlo što sam ja dobar?'”
Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed?
16 “Tako će posljednji biti prvi, a prvi posljednji.”
Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
17 Dok je Isus uzlazio u Jeruzalem, uze dvanaestoricu nasamo te im putem reče:
Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,
18 “Evo, uzlazimo u Jeruzalem i Sin Čovječji bit će predan glavarima svećeničkim i pismoznancima. Osudit će ga na smrt
Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanahana waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho.
19 i predati poganima da ga izrugaju, izbičuju i razapnu, ali on će treći dan uskrsnuti.”
Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.
20 Tada mu pristupi mati sinova Zebedejevih zajedno sa sinovima, pade ničice da od njega nešto zaište.
Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday.
21 A on će joj: “Što želiš?” Kaže mu: “Reci da ova moja dva sina u tvome kraljevstvu sjednu uza te, jedan tebi zdesna, drugi slijeva.”
Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.
22 Isus odgovori: “Ne znate što ištete. Možete li piti čašu koju ću ja piti?” Kažu mu: “Možemo!”
Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa.
23 A on im reče: “Čašu ćete moju doduše piti, ali sjesti meni zdesna ili slijeva - to nisam ja vlastan dati, to je onih kojima je pripravio moj Otac.”
Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.
24 Kada su to čula ostala desetorica, razgnjeve se na dva brata.
Tobankii goortay taas maqleen ayay labadii walaalaha ahayd u cadhoodeen.
25 Zato ih Isus dozva i reče: “Znate da vladari gospoduju svojim narodima i velikaši njihovi drže ih pod vlašću.
Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in quruumaha madaxdoodu ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin.
26 Neće tako biti među vama! Naprotiv, tko hoće da među vama bude najveći, neka vam bude poslužitelj.
Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,
27 I tko god hoće da među vama bude prvi, neka vam bude sluga.”
oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado,
28 “Tako i Sin Čovječji nije došao da bude služen, nego da služi i život svoj dade kao otkupninu za mnoge.”
sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
29 Kad su izlazili iz Jerihona, pođe za njim silan svijet.
Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.
30 I gle, dva slijepca sjeđahu kraj puta. Čuvši da Isus prolazi, povikaše: “Gospodine, smiluj nam se, Sine Davidov!”
Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.
31 Mnoštvo ih ušutkivalo, ali oni još jače viknuše: “Gospodine, smiluj nam se, Sine Davidov!”
Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aamusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.
32 Isus se zaustavi, dozove ih i reče: “Što hoćete da vam učinim?”
Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?
33 Kažu mu: “Gospodine, da nam se otvore oči.”
Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa.
34 Isus se ganut dotače njihovim očiju i oni odmah progledaše. I pođoše za njim.
Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

< Matej 20 >