< 1 Kraljevima 12 >

1 Roboam ode u Šekem, jer su u Šekem došli svi Izraelci da ga zakralje.
Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.
2 Čim to ču Nebatov sin Jeroboam - koji još bijaše u Egiptu, kamo je pobjegao pred kraljem Salomonom - vrati se iz Egipta, jer
Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayaa Yaaraabcaam iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu u yimaadeen,
3 bijahu poslali po nj i dozvali ga. Kad dođoše Jeroboam i sav zbor Izraelov, rekoše Roboamu:
(waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay; ) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen,
4 “Tvoj nam je otac nametnuo teški jaram. Ti nam sada olakšaj tešku službu svoga oca, teški jaram koji metnu na nas, pa ćemo ti služiti!”
War aabbahaa harqood daran buu na saaray; haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.
5 A on im odgovori: “Za tri dana dođite opet k meni.” I narod ode.
Markaasuu ku yidhi, Bal intii saddex maalmood ah iga maqnaada, dabadeedna igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.
6 Tada se kralj Roboam posavjetova sa starcima koji su služili njegovu ocu Salomonu dok je bio živ i upita ih: “Što savjetujete da odgovorim ovome narodu?”
Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?
7 Oni mu odgovoriše: “Ako danas udovoljiš tim ljudima, budeš im blagonaklon i odgovoriš im lijepim riječima, oni će ti uvijek ostati sluge.”
Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maanta haddaad doonayso inaad dadkan addoon u ahaatid oo aad u adeegtid, haddaba u jawaab oo waxaad kula hadashaa erayo wanaagsan, oo markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan.
8 Ali on odbaci savjet što mu ga dadoše starci i posavjetova se s mladićima koji su odrasli s njim i bili mu u službi.
Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay.
9 Upita ih: “Što savjetujete da odgovorim ovome narodu koji mi reče: 'Olakšaj jaram što nam ga nametnu tvoj otac?'”
Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?
10 Mladići koji bijahu s njime odrasli odgovoriše mu: “Narodu koji ti reče: 'Tvoj nam je otac nametnuo jaram, a ti nam ga olakšaj', uzvrati ovako: 'Moj je mali prst deblji od bedara moga oca!
Markaasay raggii dhallintayaraa oo isaga la koray la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, La hadal dadkii kula hadlay oo kugu yidhi, Aabbahaa harqood daran buu na saaray ee adigu noo fududee. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Faryaradaydu waa ka sii dhumuc weyn tahay aabbahay dhexdiisa.
11 Eto, moj vam je otac nametnuo teški jaram, a ja ću još otežati vaš jaram; moj vas je otac šibao bičevima, a ja ću vas šibati bičevima sa željeznim štipavcima.'”
Haddaba meeshii aabbahay harqood culus idinka saaray, anna culays baan idiinku sii darayaa; oo aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.
12 A treći dan dođe sav narod k Roboamu, kako im bijaše zapovjedio kralj rekavši im: “Vratite se k meni trećega dana.”
Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.
13 Kralj im oštro odgovori, odbacivši savjet koji mu dadoše stariji.
Markaasaa boqorkii ka tegey taladii ragga odayaasha ahaa, oo dadkiina si qallafsan ayuu ugu jawaabay,
14 I reče im po savjetu mladih: “Moj je otac otežao vaš jaram, a ja ću još dodati na nj; moj vas je otac šibao bičevima, a ja ću vas šibati bičevima sa željeznim štipavcima.”
oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa; aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.
15 Kralj dakle ne htjede poslušati naroda, jer tako upriliči Jahve da se ispuni riječ što je preko Ahije iz Šila kaza Nebatovu sinu Jeroboamu.
Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan; waayo, taasu waxay ahayd wax Rabbiga xaggiisa ka yimid, si uu u adkeeyo eraygiisii Rabbigu kula hadlay Yaaraabcaam ina Nebaad oo uu ugu soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.
16 Kad Izraelci vidješe gdje se kralj oglušio, odgovori mu narod: “Kakav dio mi imamo s Davidom? Mi nemamo baštine s Jišajevim sinom. U šatore, Izraele! A sad se, Davide, brini za svoj dom!” I sav Izrael ode pod svoje šatore.
Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.
17 Roboam zavlada samo nad Izraelovim sinovima koji su živjeli po judejskim gradovima.
Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.
18 Potom kralj Roboam posla Adorama, nadstojnika za tlaku, ali ga Izraelci kamenovaše i on umrije; a kralj se Roboam brže-bolje pope na kola i pobježe u Jeruzalem.
Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Adoraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil oo dhammu dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo.
19 Tako se Izrael odijelio od doma Davidova sve do danas.
Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.
20 Kada su Izraelci doznali da se vratio Jeroboam, pozvaše ga u zajednicu i postaviše ga kraljem nad svim Izraelom. Uz kuću Davidovu nije pristajao nitko, osim samoga plemena Judina.
Oo markii dadkii Israa'iil maqleen in Yaaraabcaam soo noqday ayay u cid direen oo shirkii ugu yeedheen, oo waxay ka dhigteen boqor u taliya dadkii Israa'iil oo dhan; oo reerkii Daa'uudna nin qudha ma raacin, qabiilkii reer Yahuudah mooyaane.
21 Došavši u Jeruzalem, Roboam skupi sav dom Judin i pleme Benjaminovo, sto i osamdeset tisuća vrsnih ratnika, da udare na dom Izraelov i da vrate kraljevstvo Roboamu, sinu Salomonovu.
Oo Rexabcaamna markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah oo dhan iyo qabiilkii reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa, si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam ina Sulaymaan.
22 Ali dođe Jahvina riječ Božjem čovjeku Šemaji:
Laakiinse Shemacyaah oo nin Ilaah ahaa waxaa u yimid eraygii Ilaah oo leh,
23 “Kaži Salomonovu sinu Roboamu, judejskom kralju, i svem domu Judinu i Benjaminovu i ostalom narodu:
La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqorka u ah, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo dadka intiisa kale oo dhanba, oo waxaad ku tidhaahdaa,
24 Ovako veli Jahve: 'Ne idite se tući s braćom, djecom Izraelovom! Neka se svatko vrati svojoj kući, jer je ovo poteklo od mene.'” I oni poslušaše riječ Jahvinu i vratiše se kako im reče Jahve.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa inaydnaan kor u bixin oo aydnaan walaalihiin dadka Israa'iilna la diririn. Nin waluba gurigiisii ha ku noqdo, waayo, waxanu aniguu iga yimid. Sidaas aawadeed way maqleen Eraygii Rabbiga, oo intay noqdeen ayay iska tageen sidii erayga Rabbigu ahaa.
25 Jeroboam utvrdi Šekem u Efrajimovoj gori i ondje se nastani. Poslije izađe odatle i utvrdi Penuel.
Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu dhisay Shekem oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, halkaasuuna iska degay, oo haddana halkaas wuu ka tegey oo wuxuu dhisay Fenuu'eel.
26 Jeroboam reče u svom srcu: “Sad bi se kraljevstvo moglo vratiti domu Davidovu.
Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu qalbiga iska yidhi, Haddaba boqortooyadu waxay u noqon doontaa reerkii Daa'uud;
27 Ako ovaj narod bude nastavio uzlaziti u Dom Jahvin u Jeruzalemu da prinosi žrtve, srce će se naroda vratiti svome gospodaru, Roboamu, kralju judejskome, i mene će ubiti.”
oo haddii dadkanu Yeruusaalem tagaan inay Rabbiga allabaryo ugu bixiyaan, de markaas qalbigoodu wuxuu u noqon doonaa sayidkoodii, kaasoo ah Rexabcaam ee boqor u ah reer Yahuudah, oo markaasay i dili doonaan, waxayna u noqon doonaan Rexabcaam ee ah boqorka reer Yahuudah.
28 Pošto se kralj posavjetovao, načini dva zlatna teleta i reče narodu: “Dosta ste uzlazili u Jeruzalem! Evo, Izraele, tvoga boga koji te izveo iz zemlje egipatske.”
Markaasaa boqorkii tashaday, oo wuxuu sameeyey laba weylood oo dahab ah, oo wuxuu dadkii ku yidhi, Dadkii Israa'iilow, aad bay idiinku dhib badan tahay inaad Yeruusaalem tagtaan, haddaba bal eega ilaahyadiinnii idinka keenay dalkii Masar.
29 Zatim postavi jedno tele u Betelu, a drugo smjesti u Dan.
Oo labadii weylood middood wuxuu dhigay Beytel, tii kalena wuxuu dhigay Daan.
30 To je bila prigoda za grijeh: narod je odlazio jednome u Betel i drugome u Dan.
Haddaba taasu waxay noqotay dembi, maxaa yeelay, dadkii waxay u tegi jireen inay middood caabudaan xataa ilaa Daan.
31 I podiže Jeroboam hram na uzvišicama i postavi iz puka svećenike koji nisu bili sinovi Levijevi.
Oo wuxuu kaloo sameeyey guryo meelo sarsare ah, oo wuxuu wadaaddo ka dhex doortay dadkii aan reer Laawi ahayn oo dhan.
32 Zatim je Jeroboam uveo blagdan u osmom mjesecu, petnaestoga dana tog mjeseca, kao što je blagdan koji se slavi u Judeji, i uzađe k žrtveniku. Tako je učinio u Betelu, žrtvujući teocima koje je načinio. U Betelu je postavio i svećenike uzvišica što ih bijaše podigao.
Oo haddana Yaaraabcaam wuxuu sameeyey iid u eg tii reer Yahuudah oo ahayd bisha siddeedaad maalinteeda shan iyo tobnaad, oo wuxuu u baxay meeshii allabariga; sidaasuu Beytel ku sameeyey isagoo allabari u bixinaya weylihii uu sameeyey; oo wadaaddadii meelaha sarsare ee uu doortayna wuxuu geeyey Beytel.
33 I uzađe k žrtveniku koji je načinio, petnaestoga dana osmog mjeseca, mjeseca koji je sam izabrao; i ustanovi blagdan za Izraelce i uzađe k žrtveniku da prinese kad.
Oo meeshii allabariga ee uu Beytel ka sameeyeyna wuxuu u baxay bishii siddeedaad maalinteedii shan iyo tobnaad oo taasuna waxay ahayd bishii uu qalbigiisa ka tashaday; oo iid buu u sameeyey dadkii Israa'iil, oo meeshii allabariguu ugu baxay inuu foox shido.

< 1 Kraljevima 12 >