< 路加福音 2 >

1 當那些日子,凱撒奧古斯都有旨意下來,叫天下人民都報名上冊。
Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.
2 這是居里扭作觜利亞巡撫的時候,頭一次行報名上冊的事。
Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya.
3 眾人各歸各城,報名上冊。
Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii.
4 約瑟也從加利利的拿撒勒城上猶太去,到了大衛的城,名叫伯利恆,因他本是大衛一族一家的人,
Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,
5 要和他所聘之妻馬利亞一同報名上冊。那時馬利亞的身孕已經重了。
in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.
6 他們在那裏的時候,馬利亞的產期到了,
Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,
7 就生了頭胎的兒子,用布包起來,放在馬槽裏,因為客店裏沒有地方。
waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.
8 在伯利恆之野地裏有牧羊的人,夜間按着更次看守羊群。
Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.
9 有主的使者站在他們旁邊,主的榮光四面照着他們;牧羊的人就甚懼怕。
Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.
10 那天使對他們說:「不要懼怕!我報給你們大喜的信息,是關乎萬民的;
Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.
11 因今天在大衛的城裏,為你們生了救主,就是主基督。
Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.
12 你們要看見一個嬰孩,包着布,臥在馬槽裏,那就是記號了。」
Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.
13 忽然,有一大隊天兵同那天使讚美上帝說:
Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,
14 在至高之處榮耀歸與上帝! 在地上平安歸與他所喜悅的人 !
Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
15 眾天使離開他們,升天去了。牧羊的人彼此說:「我們往伯利恆去,看看所成的事,就是主所指示我們的。」
Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.
16 他們急忙去了,就尋見馬利亞和約瑟,又有那嬰孩臥在馬槽裏;
Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.
17 既然看見,就把天使論這孩子的話傳開了。
Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.
18 凡聽見的,就詫異牧羊之人對他們所說的話。
Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.
19 馬利亞卻把這一切的事存在心裏,反覆思想。
Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay.
20 牧羊的人回去了,因所聽見所看見的一切事,正如天使向他們所說的,就歸榮耀與上帝,讚美他。
Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.
21 滿了八天,就給孩子行割禮,與他起名叫耶穌;這就是沒有成胎以前,天使所起的名。
Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.
22 按摩西律法滿了潔淨的日子,他們帶着孩子上耶路撒冷去,要把他獻與主,(
Kolkii maalmihii nadiifiskeeda u dhammaadeen sidii sharciga Muuse lahaa, waxay geeyeen Yeruusaalem inay Rabbiga u dhiibaan
23 正如主的律法上所記:「凡頭生的男子必稱聖歸主。」)
(siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa quduus xagga Rabbiga),
24 又要照主的律法上所說,或用一對斑鳩,或用兩隻雛鴿獻祭。
iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar.
25 在耶路撒冷有一個人,名叫西面;這人又公義又虔誠,素常盼望以色列的安慰者來到,又有聖靈在他身上。
Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.
26 他得了聖靈的啟示,知道自己未死以前,必看見主所立的基督。
Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin.
27 他受了聖靈的感動,進入聖殿,正遇見耶穌的父母抱着孩子進來,要照律法的規矩辦理。
Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,
28 西面就用手接過他來,稱頌上帝說:
markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,
29 主啊!如今可以照你的話, 釋放僕人安然去世;
Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,
30 因為我的眼睛已經看見你的救恩-
Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,
31 就是你在萬民面前所預備的:
Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,
32 是照亮外邦人的光, 又是你民以色列的榮耀。
Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
33 孩子的父母因這論耶穌的話就希奇。
Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.
34 西面給他們祝福,又對孩子的母親馬利亞說:「這孩子被立,是要叫以色列中許多人跌倒,許多人興起;又要作毀謗的話柄,叫許多人心裏的意念顯露出來;你自己的心也要被刀刺透。」
Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo,
si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.
36 又有女先知,名叫亞拿,是亞設支派法內力的女兒,年紀已經老邁,從作童女出嫁的時候,同丈夫住了七年就寡居了,
Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed.
37 現在已經八十四歲,並不離開聖殿,禁食祈求,晝夜事奉上帝。
Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay.
38 正當那時,她進前來稱謝上帝,將孩子的事對一切盼望耶路撒冷得救贖的人講說。
Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahadnaqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.
39 約瑟和馬利亞照主的律法辦完了一切的事,就回加利利,到自己的城拿撒勒去了。
Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.
40 孩子漸漸長大,強健起來,充滿智慧,又有上帝的恩在他身上。
Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay.
41 每年到逾越節,他父母就上耶路撒冷去。
Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda.
42 當他十二歲的時候,他們按着節期的規矩上去。
Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd.
43 守滿了節期,他們回去,孩童耶穌仍舊在耶路撒冷。他的父母並不知道,
Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn,
44 以為他在同行的人中間,走了一天的路程,就在親族和熟識的人中找他,
laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.
45 既找不着,就回耶路撒冷去找他。
Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.
46 過了三天,就遇見他在殿裏,坐在教師中間,一面聽,一面問。
Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.
47 凡聽見他的,都希奇他的聰明和他的應對。
Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.
48 他父母看見就很希奇。他母親對他說:「我兒!為甚麼向我們這樣行呢?看哪,你父親和我傷心來找你!」
Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.
49 耶穌說:「為甚麼找我呢?豈不知我應當以我父的事為念嗎 ?」
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?
50 他所說的這話,他們不明白。
Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.
51 他就同他們下去,回到拿撒勒,並且順從他們。他母親把這一切的事都存在心裏。
Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay.
52 耶穌的智慧和身量,並上帝和人喜愛他的心,都一齊增長。
Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.

< 路加福音 2 >