< 路加福音 19 >

1 耶穌進了耶利哥,正經過的時候,
Ciise wuxuu galay oo dhex marayay Yerixoo.
2 有一個人名叫撒該,作稅吏長,是個財主。
Oo bal eeg, waxaa jiray nin Sakhayos la odhan jiray; kan ahaa madaxda cashuurqaadayaasha, oo hodan buuna ahaa.
3 他要看看耶穌是怎樣的人;只因人多,他的身量又矮,所以不得看見,
Wuxuuna doonayay inuu Ciise arko cid uu yahay, wuuna kari waayay dadkii badnaa aawadood, waayo, wuu gaabnaa.
4 就跑到前頭,爬上桑樹,要看耶穌,因為耶穌必從那裏經過。
Hore buu u orday, oo wuxuu fuulay geed sukomoor inuu isaga arko, waayo, goor dhow jidkaas ayuu soo mari lahaa.
5 耶穌到了那裏,抬頭一看,對他說:「撒該,快下來!今天我必住在你家裏。」
Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow, dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo.
6 他就急忙下來,歡歡喜喜地接待耶穌。
Dhaqso ayuu u soo degay, oo farxad ayuu ku soo dhoweeyey.
7 眾人看見,都私下議論說:「他竟到罪人家裏去住宿。」
Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay.
8 撒該站着對主說:「主啊,我把所有的一半給窮人;我若訛詐了誰,就還他四倍。」
Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab.
9 耶穌說:「今天救恩到了這家,因為他也是亞伯拉罕的子孫。
Ciise wuxuu ku yidhi, Maanta badbaadinta ayaa gurigan timid, waayo, isaguna waa ina Ibraahim.
10 人子來,為要尋找、拯救失喪的人。」
Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.
11 眾人正在聽見這些話的時候,耶穌因為將近耶路撒冷,又因他們以為上帝的國快要顯出來,就另設一個比喻,說:
Goortay waxaas maqleen, masaal buu ku daray oo ku hadlay, waayo, wuxuu ku dhowaa Yeruusaalem, waxayna u maleeyeen boqortooyada Ilaah inay markiiba soo muuqan doonto.
12 「有一個貴冑往遠方去,要得國回來,
Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo.
13 便叫了他的十個僕人來,交給他們十錠銀子,說:『你們去做生意,直等我回來。』
Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo.
14 他本國的人卻恨他,打發使者隨後去,說:『我們不願意這個人作我們的王。』
Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado.
15 他既得國回來,就吩咐叫那領銀子的僕人來,要知道他們做生意賺了多少。
Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii.
16 頭一個上來,說:『主啊,你的一錠銀子已經賺了十錠。』
Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday.
17 主人說:『好!良善的僕人,你既在最小的事上有忠心,可以有權柄管十座城。』
Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree.
18 第二個來,說:『主啊, 你的一錠銀子已經賺了五錠。』
Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa'iiday shan mina.
19 主人說:『你也可以管五座城。』
Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree.
20 又有一個來說:『主啊,看哪,你的一錠銀子在這裏,我把它包在手巾裏存着。
Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay.
21 我原是怕你,因為你是嚴厲的人;沒有放下的,還要去拿, 沒有種下的,還要去收。』
Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran.
22 主人對他說:『你這惡僕,我要憑你的口定你的罪。你既知道我是嚴厲的人,沒有放下的,還要去拿,沒有種下的,還要去收,
Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.
23 為甚麼不把我的銀子交給銀行,等我來的時候,連本帶利都可以要回來呢?』
Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?
24 就對旁邊站着的人說:『奪過他這一錠來,給那有十錠的。』
Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya.
25 他們說:『主啊,他已經有十錠了。』
Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa.
26 主人說:『我告訴你們,凡有的,還要加給他;沒有的,連他所有的也要奪過來。
Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.
27 至於我那些仇敵,不要我作他們王的,把他們拉來,在我面前殺了吧!』」
Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.
28 耶穌說完了這話,就在前面走,上耶路撒冷去。
Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.
29 將近伯法其和伯大尼,在一座山名叫橄欖山那裏,就打發兩個門徒,說:
Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,
30 「你們往對面村子裏去,進去的時候,必看見一匹驢駒拴在那裏,是從來沒有人騎過的,可以解開牽來。
isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena.
31 若有人問為甚麼解牠,你們就說:『主要用牠。』」
Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan.
32 打發的人去了,所遇見的正如耶穌所說的。
Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.
33 他們解驢駒的時候,主人問他們說:「解驢駒做甚麼?」
Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan?
34 他們說:「主要用牠。」
Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan.
35 他們牽到耶穌那裏,把自己的衣服搭在上面,扶着耶穌騎上。
Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen.
36 走的時候,眾人把衣服鋪在路上。
Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.
37 將近耶路撒冷,正下橄欖山的時候,眾門徒因所見過的一切異能,都歡樂起來,大聲讚美上帝,
Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,
38 說: 奉主名來的王是應當稱頌的! 在天上有和平; 在至高之處有榮光。
iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya.
39 眾人中有幾個法利賽人對耶穌說:「夫子,責備你的門徒吧!」
Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano.
40 耶穌說:「我告訴你們,若是他們閉口不說,這些石頭必要呼叫起來。」
Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
41 耶穌快到耶路撒冷,看見城,就為它哀哭,
Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,
42 說:「巴不得你在這日子知道關係你平安的事;無奈這事現在是隱藏的,叫你的眼看不出來。
isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga.
43 因為日子將到,你的仇敵必築起土壘,周圍環繞你,四面困住你,
Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan.
44 並要掃滅你和你裏頭的兒女,連一塊石頭也不留在石頭上,因你不知道眷顧你的時候。」
Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.
45 耶穌進了殿,趕出裏頭做買賣的人,
Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay,
46 對他們說:「經上說: 我的殿必作禱告的殿, 你們倒使它成為賊窩了。」
isagoo ku leh, Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo.
47 耶穌天天在殿裏教訓人。祭司長和文士與百姓的尊長都想要殺他,
Maalin walba ayuu macbudka ku jiri jiray isagoo wax baraya; laakiin wadaaddada sare iyo culimmada iyo madaxda dadku waxay dooneen inay dilaan,
48 但尋不出法子來,因為百姓都側耳聽他。
oo ay waayeen waxay ku sameeyaan, waayo, dadka oo dhan ayaa aad u dhegaysanayay.

< 路加福音 19 >