< 路加福音 17 >

1 耶穌又對門徒說:「絆倒人的事是免不了的;但那絆倒人的有禍了。
Wuxuu xertiisii ku yidhi, Ma suurtowdo inaan xumaantu iman, laakiin waa u hoog kan ay xumaantu ka timaado.
2 就是把磨石拴在這人的頸項上,丟在海裏,還強如他把這小子裏的一個絆倒了。
In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.
3 你們要謹慎!若是你的弟兄得罪你,就勸戒他;他若懊悔,就饒恕他。
Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi.
4 倘若他一天七次得罪你,又七次回轉,說:『我懊悔了』,你總要饒恕他。」
Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobadkeenay, waa inaad cafido.
5 使徒對主說:「求主加增我們的信心。」
Markaasay rasuulladii waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Rumaysad noo kordhi.
6 主說:「你們若有信心像一粒芥菜種,就是對這棵桑樹說:『你要拔起根來,栽在海裏』,它也必聽從你們。
Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad ku odhan lahaydeen geedkan sukamin, Ruq, oo badda ku beeran, wuuna idin addeeci lahaa.
7 你們誰有僕人耕地或是放羊,從田裏回來,就對他說:『你快來坐下吃飯』呢?
Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?
8 豈不對他說:『你給我預備晚飯,束上帶子伺候我,等我吃喝完了,你才可以吃喝』嗎?
Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?
9 僕人照所吩咐的去做,主人還謝謝他嗎?
Miyuu addoonkii u mahadnaqayaa, waayo, wuxuu sameeyey wixii la amray?
10 這樣,你們做完了一切所吩咐的,只當說:『我們是無用的僕人,所做的本是我們應分做的。』」
Sidaas oo kale idinkuna goortaad samaysaan wixii laydinku amray oo dhan, waxaad tidhaahdaan, Addoommo aan waxtar lahayn baannu nahay; wixii aannu lahayn inaannu samayno ayaannu samaynay.
11 耶穌往耶路撒冷去,經過撒馬利亞和加利利。
Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.
12 進入一個村子,有十個長大痲瘋的,迎面而來,遠遠地站着,
Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay.
13 高聲說:「耶穌,夫子,可憐我們吧!」
Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso.
14 耶穌看見,就對他們說:「你們去把身體給祭司察看。」他們去的時候就潔淨了。
Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen.
15 內中有一個見自己已經好了,就回來大聲歸榮耀與上帝,
Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay.
16 又俯伏在耶穌腳前感謝他;這人是撒馬利亞人。
Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.
17 耶穌說:「潔淨了的不是十個人嗎?那九個在哪裏呢?
Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii?
18 除了這外族人,再沒有別人回來歸榮耀與上帝嗎?」
Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee?
19 就對那人說:「起來,走吧!你的信救了你了。 」
Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
20 法利賽人問:「上帝的國幾時來到?」耶穌回答說:「上帝的國來到不是眼所能見的。
Farrisiintii goortay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Goormay boqortooyada Ilaah imanaysaa? wuxuu ugu jawaabay, Boqortooyada Ilaah dhawrid ku iman mayso.
21 人也不得說:『看哪,在這裏!看哪,在那裏!』因為上帝的國就在你們心裏。」
Lamana odhan doono, Waa tan! ama, Waa taas! waayo, bal eega, boqortooyada Ilaah waa idinku dhex jirtaa.
22 他又對門徒說:「日子將到,你們巴不得看見人子的一個日子,卻不得看見。
Markaasuu xertii ku yidhi, Maalmuhu waa iman doonaan goortaad dooni doontaan inaad aragtaan maalmaha Wiilka Aadanaha middood, mana arki doontaan.
23 人將要對你們說:『看哪,在那裏!看哪,在這裏!』你們不要出去,也不要跟隨他們!
Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina.
24 因為人子在他降臨的日子,好像閃電從天這邊一閃直照到天那邊。
Waayo, sida hillaacu markuu dhinaca hoose oo cirka ka hillaaco oo ilaa dhinaca kale oo hoose oo cirka u ifiyo, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna ahaan doonaa maalintiisa.
25 只是他必須先受許多苦,又被這世代棄絕。
Laakiin kolka hore waxay waajib ugu tahay inuu wax badan ku xanuunsado oo uu qarniganu diido isaga.
26 挪亞的日子怎樣,人子的日子也要怎樣。
Oo sidii wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha.
27 那時候的人又吃又喝,又娶又嫁,到挪亞進方舟的那日,洪水就來,把他們全都滅了。
Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wayna guursan jireen oo guur baa la siin jiray, ilaa maalintii Nuux uu doonnida galay, oo daadkii yimid oo wada baabbi'iyey.
28 又好像羅得的日子;人又吃又喝,又買又賣,又耕種又蓋造。
Sidaas oo kale ayay weliba ahayd maalmihii Luud. Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wax bayna iibsan jireen oo iibin jireen, oo beeran jireen, oo dhisan jireen.
29 到羅得出所多瑪的那日,就有火與硫磺從天上降下來,把他們全都滅了。
Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.
30 人子顯現的日子也要這樣。
Si la mid ah ayay noqon doontaa maalinta Wiilka Aadanahu soo muuqdo.
31 當那日,人在房上,器具在屋裏,不要下來拿;人在田裏,也不要回家。
Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.
32 你們要回想羅得的妻子。
Naagtii Luud xusuusta.
33 凡想要保全生命的,必喪掉生命;凡喪掉生命的,必救活生命。
Kan doona inuu naftiisa badbaadiyo waa lumin doonaa, laakiin kan lumiya ayaa badbaadin doona.
34 我對你們說,當那一夜,兩個人在一個床上,要取去一個,撇下一個。
Waxaan idinku leeyahay, Habeenkaas laba nin ayaa sariir wada joogi doona; mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.
35 兩個女人一同推磨,要取去一個,撇下一個。」
Waxaana jiri doona laba naagood oo wax isla shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, tan kalena waa laga tegi doonaa.
Waxaana beerta ku jiri doona laba nin, mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.
37 門徒說:「主啊,在哪裏有這事呢?」耶穌說:「屍首在哪裏,鷹也必聚在那裏。」
Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Xaggee, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.

< 路加福音 17 >