< 列王紀上 2 >

1 大衛的死期臨近了,就囑咐他兒子所羅門說:
Haddaba waxaa soo dhowaaday wakhtigii Daa'uud dhiman lahaa; oo wuxuu amray wiilkiisii Sulaymaan oo ku yidhi,
2 「我現在要走世人必走的路。所以,你當剛強,作大丈夫,
Anigu waxaan marayaa jidka dadka dhulka oo dhan; haddaba xoog yeelo, oo raganimadaada muuji,
3 遵守耶和華-你上帝所吩咐的,照着摩西律法上所寫的行主的道,謹守他的律例、誡命、典章、法度。這樣,你無論做甚麼事,不拘往何處去,盡都亨通。
oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba;
4 耶和華必成就向我所應許的話說:『你的子孫若謹慎自己的行為,盡心盡意誠誠實實地行在我面前,就不斷人坐以色列的國位。』
inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.
5 你知道洗魯雅的兒子約押向我所行的,就是殺了以色列的兩個元帥:尼珥的兒子押尼珥和益帖的兒子亞瑪撒。他在太平之時流這二人的血,如在爭戰之時一樣,將這血染了腰間束的帶和腳上穿的鞋。
Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray.
6 所以你要照你的智慧行,不容他白頭安然下陰間。 (Sheol h7585)
Haddaba wixii kula wanaagsan samee, oo cirrada madaxiisu yaanay nabad ku gelin xabaasha. (Sheol h7585)
7 你當恩待基列人巴西萊的眾子,使他們常與你同席吃飯;因為我躲避你哥哥押沙龍的時候,他們拿食物來迎接我。
Laakiinse u roonow wiilasha Barsillay kan reer Gilecaad, oo iyagu ha noqdeen kuwa ka mid ah kuwa miiskaaga wax ka cuna, waayo, saasay iigu yimaadeen markaan walaalkaa Absaaloom ka cararay.
8 在你這裏有巴戶琳的便雅憫人,基拉的兒子示每;我往瑪哈念去的那日,他用狠毒的言語咒罵我,後來卻下約旦河迎接我,我就指着耶和華向他起誓說:『我必不用刀殺你。』
Oo bal eeg, waxaa kula jooga Shimcii ina Geeraa, oo ah reer Benyaamiinka deggan Baxuuriim, kaasoo habaar xun igu habaaray maalintii aan Maxanayim tegey; laakiinse wuu igaga hor yimid Webi Urdun, oo i soo dhoweeyey, oo anna waxaan isaga ugu dhaartay oo ku idhi, Seef kugu dili maayo.
9 現在你不要以他為無罪。你是聰明人,必知道怎樣待他,使他白頭見殺,流血下到陰間。」 (Sheol h7585)
Sidaas daraaddeed inuu eedlaawe yahay ha u qaadan, waayo, waxaad tahay nin xigmad leh, oo waad garan doontaa waxa kuu eg inaad ku samayso, oo waa inaad cirrada madaxiisa dhiig xabaasha la gelisaa. (Sheol h7585)
10 大衛與他列祖同睡,葬在大衛城。
Oo Daa'uudna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud.
11 大衛作以色列王四十年:在希伯崙作王七年,在耶路撒冷作王三十三年。
Oo Daa'uudna wuxuu reer binu Israa'iil boqor u ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon ka taliyey, saddex iyo soddon sannadoodna ayuu Yeruusaalem ka taliyey.
12 所羅門坐他父親大衛的位,他的國甚是堅固。
Oo Sulaymaanna wuxuu ku fadhiistay carshigii aabbihiis Daa'uud, oo boqortooyadiisiina way sii dhisnaatay.
13 哈及的兒子亞多尼雅去見所羅門的母親拔示巴,拔示巴問他說:「你來是為平安嗎?」回答說:「是為平安」;
Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay u yimid Batshebac oo ahayd Sulaymaan hooyadiis. Oo iyana waxay ku tidhi, War ma nabad baad ku timid? Isna wuxuu yidhi, Haah, nabad baan ku imid.
14 又說:「我有話對你說。」拔示巴說:「你說吧。」
Oo weliba wuxuu iyadii ku yidhi, Muraad baan kaa leeyahay, iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.
15 亞多尼雅說:「你知道國原是歸我的,以色列眾人也都仰望我作王,不料,國反歸了我兄弟,因他得國是出乎耶和華。
Markaasuu ku yidhi, Waad og tahay inaan boqortooyada lahaa, oo ay dadkii dalka Israa'iil oo dhammu fiiro ii lahaayeen inaan boqor u noqdo, habase yeeshee boqortooyadii way rogmatay, oo waxaa yeeshay walaalkay, waayo, xagga Rabbiga buu ka helay.
16 現在我有一件事求你,望你不要推辭。」拔示巴說:「你說吧。」
Haddaba wax baan ku weyddiisanayaa, hana ii diidin. Iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.
17 他說:「求你請所羅門王將書念的女子亞比煞賜我為妻,因他必不推辭你。」
Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, iila hadal Boqor Sulaymaan inuu i siiyo Abiishag tan reer Shuuneem aan guursadee, (waayo, Maya, ku odhan maayo.)
18 拔示巴說:「好,我必為你對王提說。」
Markaasaa Batshebac waxay tidhi, Waa hagaag, boqorka waan kuula hadli doonaa.
19 於是,拔示巴去見所羅門王,要為亞多尼雅提說;王起來迎接,向她下拜,就坐在位上,吩咐人為王母設一座位,她便坐在王的右邊。
Sidaas daraaddeed Batshebac waxay u tagtay Boqor Sulaymaan inay ula hadasho Adoniiyaah. Boqorkiina wuu u sara joogsaday inuu iyada soo dhoweeyo, wuuna u foororsaday iyadii, markaasuu carshigiisii ku fadhiistay, oo wuxuu amray in carshi loo dhigo hooyadiis, markaasay midigtiisa fadhiisatay.
20 拔示巴說:「我有一件小事求你,望你不要推辭。」王說:「請母親說,我必不推辭。」
Kolkaasay tidhi, Wax yar baan kaa baryayaaye, hana ii diidin. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Hooyoy, ii sheeg, waayo, kuu diidi maayo.
21 拔示巴說:「求你將書念的女子亞比煞賜給你哥哥亞多尼雅為妻。」
Markaasay tidhi, Abiishag tan reer Shuuneem ha la siiyo walaalkaa Adoniiyaah ha guursadee.
22 所羅門王對他母親說:「為何單替他求書念的女子亞比煞呢?也可以為他求國吧!他是我的哥哥,他有祭司亞比亞他和洗魯雅的兒子約押為輔佐。」
Kolkaasaa Boqor Sulaymaan hooyadiis ugu jawaabay, Abiishag tan reer Shuuneem maxaad Adoniiyaah ugu doonaysaa? Haddaba boqortooyadana u doon, waayo, isagu waa walaalkay iga weyn, u doon isaga, iyo wadaadka Aabyaataar, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay.
23 所羅門王就指着耶和華起誓說:「亞多尼雅這話是自己送命,不然,願上帝重重地降罰與我。
Markaasaa Boqor Sulaymaan Rabbiga ku dhaartay, oo yidhi, Hadalkan uu Adoniiyaah ku hadlay hadduusan naftiisa ka gees noqon, Ilaah ha igu sameeyo saas iyo si ka sii badanba.
24 耶和華堅立我,使我坐在父親大衛的位上,照着所應許的話為我建立家室;現在我指着永生的耶和華起誓,亞多尼雅今日必被治死。」
Haddaba waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii xoogga ii yeelay, oo igu fadhiisiyey carshigii aabbahay Daa'uud, oo reerka iigu yeelay siduu iigu ballanqaaday, hubaal Adoniiyaah maanta waa la dilayaa.
25 於是所羅門王差遣耶何耶大的兒子比拿雅,將亞多尼雅殺死。
Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.
26 王對祭司亞比亞他說:「你回亞拿突歸自己的田地去吧!你本是該死的,但因你在我父親大衛面前抬過主耶和華的約櫃,又與我父親同受一切苦難,所以我今日不將你殺死。」
Oo boqorkiina wuxuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Waxaad tagtaa Canaatood iyo ilaa beerahaagii, waayo, waxaad istaahishaa in lagu dilo, laakiinse haatan ku dili maayo, waayo, aabbahay Daa'uud waad ku hor sidi jirtay sanduuqii Sayidka Rabbiga ah, oo waxaa lagugu dhibi jiray wax kasta oo aabbahay lagu dhibi jiray.
27 所羅門就革除亞比亞他,不許他作耶和華的祭司。這樣,便應驗耶和華在示羅論以利家所說的話。
Sidaasuu Sulaymaan Aabyaataar uga eryay wadaadnimadii Rabbiga inuu oofiyo Eraygii Rabbiga ee uu kaga hadlay reerka Ceelii xagga Shiiloh.
28 約押雖然沒有歸從押沙龍,卻歸從了亞多尼雅。他聽見這風聲,就逃到耶和華的帳幕,抓住祭壇的角。
Markaasaa warkii u yimid Yoo'aab, waayo, Yoo'aab wuxuu raacay Adoniiyaah in kastoo uusan raacin Absaaloom. Kolkaasaa Yoo'aab u cararay Teendhadii Rabbiga, oo qabsaday geesihii meeshii allabariga.
29 有人告訴所羅門王說:「約押逃到耶和華的帳幕,現今在祭壇的旁邊。」所羅門就差遣耶何耶大的兒子比拿雅,說:「你去將他殺死。」
Markaasaa taas loo soo sheegay Boqor Sulaymaan, oo lagu yidhi, Yoo'aab Teendhadii Rabbiga ayuu u cararay, oo wuxuu ag jooga meeshii allabariga. Dabadeedna Sulaymaan wuxuu diray Benaayaah ina Yehooyaadaac oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo dil.
30 比拿雅來到耶和華的帳幕,對約押說:「王吩咐說,你出來吧!」他說:「我不出去,我要死在這裏。」比拿雅就去回覆王,說約押如此如此回答我。
Markaasaa Benaayaah Teendhadii Rabbiga soo galay oo ku yidhi, Boqorkii wuxuu leeyahay, Soo bax. Isna wuxuu yidhi, Maya, laakiinse halkanaan ku dhimanayaa. Oo Benaayaah haddana boqorkii buu u war keenay oo ku yidhi, Yoo'aab saasuu yidhi, oo saasuu iigu jawaabay.
31 王說:「你可以照着他的話行,殺死他,將他葬埋,好叫約押流無辜人血的罪不歸我和我的父家了。
Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Siduu kugu yidhi yeel, oo dil isaga, oo soo xabaal, inaad aniga iyo reerka aabbahayba naga dul qaaddid dhiiggii Yoo'aab sababla'aanta ku daadiyey.
32 耶和華必使約押流人血的罪歸到他自己的頭上;因為他用刀殺了兩個比他又義又好的人,就是以色列元帥尼珥的兒子押尼珥和猶大元帥益帖的兒子亞瑪撒,我父親大衛卻不知道。
Oo Rabbiguna dhiiggiisa wuxuu ku celin doonaa madaxiisa, maxaa yeelay, wuxuu dilay laba nin oo isaga ka xaq badan oo ka wanaagsan, seef buuna ku dilay, aabbahay Daa'uudna taas waxba kama ogayn, oo kuwaasuna waxay ahaayeen Abneer ina Neer oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Israa'iil, iyo Camaasaa ina Yeter oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Yahuudah.
33 故此,流這二人血的罪必歸到約押和他後裔的頭上,直到永遠;惟有大衛和他的後裔,並他的家與國,必從耶和華那裏得平安,直到永遠。」
Saas aawadeed dhiiggoodii wuxuu ku noqon doonaa madaxa Yoo'aab, iyo madaxa farcankiisa weligiis, laakiinse Daa'uud, iyo farcankiisa, iyo reerkiisa, iyo carshigiisaba nabad baa xagga Rabbiga uga ahaan doonta weligeed.
34 於是耶何耶大的兒子比拿雅上去,將約押殺死,葬在曠野約押自己的墳墓裏。
Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac tegey, oo intuu ku kor dhacay ayuu dilay, oo waxaa lagu aasay gurigiisii cidlada ku yiil.
35 王就立耶何耶大的兒子比拿雅作元帥,代替約押,又使祭司撒督代替亞比亞他。
Markaasaa boqorkii wuxuu meeshiisii ku beddelay oo ciidankii madax uga dhigay Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo meeshii Aabyaataarna wuxuu ku beddelay wadaadkii Saadooq ahaa.
36 王差遣人將示每召來,對他說:「你要在耶路撒冷建造房屋居住,不可出來往別處去。
Markaasaa boqorkii u cid diray oo u yeedhay Shimcii, oo wuxuu ku yidhi, Yeruusaalem guri ka dhiso, oo halkaas iska deg, oo mar dambe meella ha uga bixin.
37 你當確實地知道,你何日出來過汲淪溪,何日必死!你的罪必歸到自己的頭上。」
Waayo, maalintii aad baxdo oo aad durdurka Qidroon ka gudubto, bal ogow hubaal inaad dhimanayso; dhiiggaaguna madaxaaguu ku oolli doonaa.
38 示每對王說:「這話甚好!我主我王怎樣說,僕人必怎樣行。」於是示每多日住在耶路撒冷。
Markaasaa Shimcii boqorkii ku yidhi, Hadalkaasu waa wanaagsan yahay, oo sidaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waan yeeli doonaa, anigoo addoonkaaga ah. Oo Shimciina wakhti dheer ayuu Yeruusaalem degganaa.
39 過了三年,示每的兩個僕人逃到迦特王瑪迦的兒子亞吉那裏去。有人告訴示每說:「你的僕人在迦特。」
Oo saddex sannadood dabadood, laba addoon oo Shimcii kuwiis ah ayaa u cararay xagga Aakiish ina Macakaah oo ahaa boqorkii Gad.
40 示每起來,備上驢,往迦特到亞吉那裏去找他的僕人,就從迦特帶他僕人回來。
Markaasaa Shimcii kacay, oo dameerkiisii kooraystay, oo wuxuu u tegey Aakiish oo Gad jooga inuu addoommadiisii ka doonto; oo Shimcii wuu tegey oo addoommadiisii ka soo kaxaystay Gad.
41 有人告訴所羅門說:「示每出耶路撒冷往迦特去,回來了。」
Markaasaa Sulaymaan waxaa loo soo sheegay in Shimcii Yeruusaalem ka kacay, oo uu Gad tegey, oo uu haddana soo noqday.
42 王就差遣人將示每召了來,對他說:「我豈不是叫你指着耶和華起誓,並且警戒你說『你當確實地知道,你哪日出來往別處去,那日必死』嗎?你也對我說:『這話甚好,我必聽從。』
Markaasaa boqorkii u cid diray oo Shimcii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, War miyaanan Rabbiga kugu dhaarin, oo aanan hore kuugu sii sheegin, oo aanan kugu odhan, Ogow oo hubso, inaad xaqiiqa dhimanaysid maalintii aad baxdid oo aad meel kale u kacdid? Oo adna sow iguma aadan odhan, Hadalkaan maqlay waa wanaagsan yahay?
43 現在你為何不遵守你指着耶和華起的誓和我所吩咐你的命令呢?」
Haddaba maxaad u dhawri weyday dhaartii Rabbiga iyo amarkii aan kugu amray?
44 王又對示每說:「你向我父親大衛所行的一切惡事,你自己心裏也知道,所以耶和華必使你的罪惡歸到自己的頭上;
Weliba boqorkii wuxuu Shimcii ku yidhi, Waad wada og tahay sharka qalbigaaga ku jira oo aad aabbahay Daa'uud ku samaysay. Sidaas daraaddeed Rabbigu sharkaagii wuxuu ku soo celin doonaa madaxaaga.
45 惟有所羅門王必得福,並且大衛的國位必在耶和華面前堅定,直到永遠。」
Laakiinse anoo Boqor Sulaymaan ahu waan barakaysnaan doonaa, oo carshiga Daa'uudna weligiis wuu ku sii dhisnaan doonaa Rabbiga hortiisa.
46 於是王吩咐耶何耶大的兒子比拿雅,他就去殺死示每。這樣,便堅定了所羅門的國位。
Sidaas daraaddeed ayaa boqorkii amray Benaayaah ina Yehooyaadaac; kolkaasuu isna tegey oo dilay Shimcii, wuuna dhintay. Oo boqortooyadiina waxay ku sii dhisnaatay gacantii Sulaymaan.

< 列王紀上 2 >