< 彼得前书 4 >

1 基督既在肉身受苦,你们也当将这样的心志作为兵器,因为在肉身受过苦的,就已经与罪断绝了。
Mar haddii Masiixu jidhka ku xanuunsaday, idinkuna sidaas oo kale isu diyaariya, idinkoo isku maan ah; maxaa yeelay, kii jidhka ku xanuunsaday waa ka joogsaday dembiga,
2 你们存这样的心,从今以后就可以不从人的情欲,只从 神的旨意在世度余下的光阴。
si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.
3 因为往日随从外邦人的心意行邪淫、恶欲、醉酒、荒宴、群饮,并可恶拜偶像的事,时候已经够了。
Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah.
4 他们在这些事上,见你们不与他们同奔那放荡无度的路,就以为怪,毁谤你们。
Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.
5 他们必在那将要审判活人死人的主面前交帐。
Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
6 为此,就是死人也曾有福音传给他们,要叫他们的肉体按着人受审判,他们的灵性却靠 神活着。
Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.
7 万物的结局近了。所以,你们要谨慎自守,警醒祷告。
Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada.
8 最要紧的是彼此切实相爱,因为爱能遮掩许多的罪。
Wax walba hortood idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan.
9 你们要互相款待,不发怨言。
Ismartiqaada gunuunacla'aan.
10 各人要照所得的恩赐彼此服事,作 神百般恩赐的好管家。
Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah.
11 若有讲道的,要按着 神的圣言讲;若有服事人的,要按着 神所赐的力量服事,叫 神在凡事上因耶稣基督得荣耀。原来荣耀、权能都是他的,直到永永远远。阿们! (aiōn g165)
Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin. (aiōn g165)
12 亲爱的弟兄啊,有火炼的试验临到你们,不要以为奇怪(似乎是遭遇非常的事),
Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi.
13 倒要欢喜;因为你们是与基督一同受苦,使你们在他荣耀显现的时候,也可以欢喜快乐。
Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.
14 你们若为基督的名受辱骂,便是有福的;因为 神荣耀的灵常住在你们身上。
Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah.
15 你们中间却不可有人因为杀人、偷窃、作恶、好管闲事而受苦。
Haddaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale.
16 若为作基督徒受苦,却不要羞耻,倒要因这名归荣耀给 神。
Laakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan.
17 因为时候到了,审判要从 神的家起首。若是先从我们起首,那不信从 神福音的人将有何等的结局呢?
Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa?
18 若是义人仅仅得救,那不虔敬和犯罪的人将有何地可站呢?
Haddaba haddii kan xaqa ahu si dhib leh ku badbaado, xaggee bay ka muuqan doonaan cibaadalaawaha iyo dembiluhu?
19 所以,那照 神旨意受苦的人要一心为善,将自己灵魂交与那信实的造化之主。
Sidaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo samafalaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.

< 彼得前书 4 >