< 路加福音 6 >

1 在一个安息日,耶稣和门徒经过一片麦田,他的门徒摘下麦穗,用手搓着吃下。
Maalin sabti ah waxaa dhacay inuu beeraha dhex marayay, xertiisuna waxay jarteen sabuulladii, oo intay gacmahooda ku xoqeen ayay cuneen.
2 有几个法利赛人质问耶稣:“你们怎么能这样呢?安息日不允许这样做。”
Laakiin Farrisiintii qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u samaynaysaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo?
3 耶稣答道:“大卫和随从在饥饿时所做的事情,你没有读过吗?
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,
4 他难道不是走进上帝的神庙,吃了圣饼,还把它分给他的随从?这饼只有祭司才能吃。”
siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u qaaday kibistii tusniinta oo u cunay oo u siiyey kuwii la jiray, tan aan xalaal u ahayn in la cuno wadaaddada maahee?
5 他又对他们说:“人子是安息日的主。”
Markaasuu iyagii ku yidhi, Wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida.
6 在另外一个安息日,耶稣走进会堂布道,那里有个人右手有残疾。
Waxaa sabti kale dhacay inuu sunagogga galay oo wax ku baray; halkaasna waxaa joogay nin gacantiisa midigeed engegnayd.
7 宗教老师和法利赛人想看看耶稣会不会在安息日治病,希望找到借口控告他。
Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan.
8 耶稣知道他们的想法,就对手残疾的人说:“起来吧,站在大家的面前!”那人就起身站在那里。
Isaguse wuxuu gartay fikirradoodii; goortaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Kac oo dhexda isa soo taag. Wuuna kacay oo istaagay.
9 然后耶稣转身对他们说:“问你们一个问题:在安息日做什么才对?是拯救生命,还是害人性命?”
Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo?
10 他环视周围众人,然后对那个男人说:“伸出你的手来!”那人把手一伸,手就复原了。
Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay.
11 但宗教老师和法利赛人却勃然大怒,商量着怎样对付耶稣。
Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.
12 不久之后的一天,耶稣到山上去祷告,他整晚待在那里,向上帝祷告。
Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado.
13 天亮之后,他把跟随他的人叫来,从中挑选了十二人,称他们为十二门徒,他们分别是:
Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo;
14 西门(耶稣又称他为彼得)和他弟弟安得烈,以及雅各、约翰、腓力、巴多罗迈、
oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo
15 马太、多马、亚勒腓的儿子雅各、激进派西门、
Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh,
16 雅各的儿子犹大和出卖主的加略人犹大。
iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
17 耶稣和十二门徒下了山,站在一处平坦的地方,一大群信众和他的门徒都聚在这里,还有很多人从犹太全地、耶路撒冷和推罗以及西顿海边赶来,听耶稣讲道,也希望耶稣把他们的疾病医好。
Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo.
18 那些被恶灵附体之人也痊愈了。
Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey.
19 每个人都想方设法触摸他,因为他身上传递出一股力量,可以治愈众人。
Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.
20 耶稣看着门徒,对他们说:
Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh.
21 “你们贫穷之人有福了,因为上帝之国是你们的。你们饥饿之人有福了,因为你们会吃饱。你们哀哭之人有福了,因为你们将开怀大笑。
Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer gaajaysan, waayo, waad dhergi doontaan. Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer ooyaya, waayo, waad qosli doontaan.
22 如果因为我是人子的缘故,你们被憎恨、排斥、羞辱和诅咒,你们就有福了。
Waad barakaysan tihiin goortii dadku idin necbaado, oo goortay dhexdooda idinka saaraan, oo idin caayaan, oo magacyadiinna sida wax shar leh u tuuraan Wiilkii Aadanaha aawadiis.
23 当那一天到来,欢喜吧,快乐地跳跃吧,因为你们在天堂获得了慷慨的赏赐,别忘了,他们的祖先就是这样对待先知的。
Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.
24 但你们富有之人有祸了,因为你们已经得了奖励。
Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen.
25 你们饱足之人有祸了,因为你们将面临饥饿。你们正在欢笑的人有祸了,因为你们将要痛哭哀嚎。
Hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer dheregsan, waayo, waad gaajoon doontaan; hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer qoslaya, waayo, waad barooran doontaan oo ooyi doontaan.
26 你们受众人夸赞之人有祸了,别忘了,你们的祖先也是这样夸赞假先知。
Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.
27 但我想告诉那些聆听之人:要爱你们的敌人,善待憎恨你们的人。
Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya.
28 如果有人咒诅你,要为他们祝福;如果有人凌辱你,要为他们祷告;
Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya.
29 有人打你一边的脸,转过另一边脸给他打;有人如果拿你的外衣,连里面的衣服也送给他。
Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin.
30 别人想要你的东西,就给他;有人拿去你的东西,不必再要回来。
Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.
31 想要其他人如何对待你们,你们就应当如何对待其他人。
Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.
32 如果只爱那些爱你的人,你这样做又有什么不同呢?罪人也爱那些爱他们的人。
Haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way jecel yihiin kuwa jecel iyaga.
33 如果只善待那些善待你的人,你这样做又有什么不同呢?罪人也会这样做。
Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba sidaasay yeelaan.
34 如果你借人钱财,又指望别人偿还,你这样做又有什么不同呢?罪人借钱给其他罪人,也会要求如数归还。
Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale.
35 不能这样:要爱你们的敌人,善待他们。借出去的东西不要指望偿还,这样你们才能获得巨大恩赐。你们会成为至高上帝的儿子,因为上帝也会善待不懂得感恩之人和恶人。
Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.
36 你们要仁慈,就像你们天父一样仁慈。
Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.
37 不可评判他人, 否则你也会被他人评判;不可决定他人的罪,否则你也会被定罪;饶恕他人,就会被人饶恕;
Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.
38 要给予,才会有慷慨回报,而且是加倍的回报。在衡量应该给你多少时,会将其压实,以便可以添加更多,能从顶部溢出,倒在你的腿上!因为你付出多少将决定你得到多少。”
Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.
39 耶稣又讲了一个比喻:“盲人怎能给盲人领路呢?两个人不都会掉在坑里吗?
Markaasuu masaal kula hadlay. Indhoole indhoole ma hagi karaa? Labadoodu miyaanay god ku dhici doonin?
40 信徒的知识怎能多于老师?只有他们学会了所有知识,才能和老师一样。
Qof xer ah macallinkiisa kama sarreeyo, laakiin mid walba markuu wanaag u dhan yahay wuxuu noqon doonaa sida macallinkiisa oo kale.
41 为什么你看得见兄弟眼中的灰尘,却看不到自己眼中的木头?
Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa?
42 你看不见自己眼中的木头,怎能对你的兄弟说:‘兄弟,让我来把你眼中的灰尘取走’?这是伪君子的行为!要先拿走自己眼中的木头,才能看得清楚,才能取走兄弟眼中的灰尘。
Sidee baad walaalkaa ugu odhan kartaa, Walaalow i daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree, adiga oo aan arkaynin dogobka ishaada ku jira? Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.
43 因为好树不能结坏果,坏树不能结好果。
Waayo, ma jiro geed wanaagsan oo midho xun dhalaa, welibana ma jiro geed xun oo midho wanaagsan dhalaa.
44 你可以根据果子识别树木,不能从荆棘上采无花果,也不能从蒺藜中摘葡萄。
Maxaa yeelay, geed kasta waxaa laga garanayaa midhihiisa. Waayo, berde lagama guro qudhac, canabkana lagama guro geed qodxan leh.
45 良善之人因为心存善念而做善事,邪恶之人因为心存恶念而做坏事。因为心中所念,口中必言。
Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo, afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.
46 为什么你们称我‘主啊!主啊!’却不遵行我的吩咐?
Maxaad iigu yeedhaan, Rabbow, Rabbow, oo aad u yeeli weydaan wixii aan leeyahay?
47 让我举个例子:有一个人来到我面前,他听了我的指引并照做。
Kii kasta oo ii yimaada, oo ereyadayda maqla, oo yeela, waxaan idin tusayaa kuu u eg yahay.
48 这人就像在建造房屋,深挖地基,把地基建在牢固的岩石上。大水泛滥时,湍流冲刷房屋也不能让它倒塌,因为它建造得很牢固。
Isagu wuxuu u eg yahay nin guri dhisay, oo qoday oo hoos u dheereeyey; aasaaskiina ayuu dhagax weyn ka dul dhisay. Goortii daadku yimid ayaa webigu ku soo jabay gurigaas, xoog uu ku gilgilose ma lahayn, waayo, si wanaagsan ayaa loo dhisay.
49 但听到我的教导却不遵守,就好比在沙子上建屋,没有根基,急流一冲就会倒塌,彻底毁坏。”
Laakiin kii maqla oo aan yeelin, wuxuu u eg yahay nin dhulka ka dhisay guri aan aasaas lahayn. Kan webigu ku soo jabay, oo kolkiiba ayuu dumay, oo dumiddii gurigaasu waa weynayd.

< 路加福音 6 >