< Вихід 24 >

1 А до Мойсея сказав Він: „Вийди до Господа ти й Ааро́н, Надав та Авігу́, та сімдеся́т із Ізраїлевих старши́х, і вклоніться здале́ка.
Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;
2 А Мойсей нехай піді́йде до Господа сам, а вони не піді́йдуть. А наро́д з ним не вийде“.
oo Muuse oo keliyahu waa inuu Rabbiga u soo dhowaada, laakiinse iyagu waa inayan soo dhowaan, dadkuna yuusan la soo fuulin.
3 І прибув Мойсей, та й оповів наро́дові всі Господні слова та всі зако́ни. І ввесь народ відповів одноголосно, та й сказали: „Усе, про що́ говорив Господь, зро́бимо!“
Markaasaa Muuse dadkii u yimid, oo wuxuu u sheegay hadalladii Rabbiga oo dhan iyo amarradii oo dhan. Markaasaa dadkii oo dhammu isku cod ku jawaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa.
4 І написав Мойсей всі Господні слова. І встав він рано вранці, та й збудува́в же́ртівника під горою, та дванадцять кам'яни́х стовпів для дванадцяти́ Ізраїлевих племе́н.
Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen.
5 І послав він юнакі́в, синів Ізраїлевих, і вони зложили цілопа́лення, і прине́сли жертви, мирні жертви для Господа, бички.
Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah.
6 І взяв Мойсей половину крови, і влив до мідниць, а другу половину тієї крови вилив на же́ртівника.
Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii badhkiis oo wuxuu ku shubay xeedhooyin; oo dhiiggii badhkiisna wuxuu ku rusheeyey meeshii allabariga.
7 І взяв він книгу заповіту, та й відчитав вголос народові. А вони сказали: „Усе, що говорив Господь, зробимо й послухаємо!“
Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa.
8 І взяв Мойсей тієї кро́ви, і покропив на народ, та й сказав: „Оце кров запові́ту, що Господь уклав із вами про всі оці речі!“
Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii, oo dadkii ku rusheeyey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega dhiiggii axdiga oo Rabbigu idinla dhigtay oo ku saabsan hadalladan oo dhan.
9 І вийшов Мойсей й Ааро́н, Надав та Авігу, та сімдеся́т Ізраїлевих старши́х,
Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.
10 і вони спогляда́ли на Ізраїлевого Бога, а під ногами Його ніби зро́блене з сапфірової плити́, і немов саме небо, щодо ясности.
Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan.
11 І він не простяг Своєї руки на достойних із синів Ізраїля. І вони споглядали на Бога, — і їли й пили.
Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.
12 І промовив Господь до Мойсея: „Вийди до Мене на го́ру, і будь там. І дам тобі кам'яні табли́ці, і зако́на та за́повідь, що Я написав для навча́ння їх“.
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid.
13 І встав Мойсей та Ісус, слуга його, і вийшов Мойсей на Божу го́ру.
Kolkaasaa Muuse sara kacay, isaga iyo midiidinkiisii Yashuuca, oo Muuse wuxuu fuulay buurtii Ilaah.
14 А до старши́х сказав він: „Сидіть нам на цім місці, аж поки ми ве́рнемось до вас! А ось Аарон та Хур будуть із вами. Хто матиме справу, нехай при́йде до них“.
Oo wuxuu odayaashii ku yidhi, Idinku halkan noo jooga, ilaa aan mar kale idiin nimaadno, oo bal eega, waxaa idinla jooga Haaruun iyo Xuur; ku alla kii dacwo qaba, iyaga ha u yimaado.
15 І вийшов Мойсей на го́ру, а хма́ра закрила го́ру.
Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurtii, oo buurtiina waxaa qarisay daruur.
16 І слава Господня спочива́ла на горі Сіна́й, а хма́ра закривала її шість день. А сьомого дня Він кликнув до Мойсея з сере́дини хмари.
Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii.
17 А вид Господньої слави — як огонь, що пожирає на верхі́в'ї гори, на оча́х Ізраїлевих синів.
Oo muuqashada ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil ula ekayd sidii dab wax gubaya buurta dusheeda.
18 І ввійшов Мойсей у сере́дину хмари, і вийшов на го́ру. І Мойсей пробува́в на горі со́рок день та со́рок ноче́й.
Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

< Вихід 24 >