< Повторення Закону 2 >

1 І обернулися ми та й рушили в пустиню дорогою до Червоного моря, як Господь промовляв був до мене. І кружля́ли ми навколо гори́ Сеїр багато днів.
Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu ku wareegaynay Buur Seciir.
2 І сказав Господь до мене, говорячи:
Markaasaa Rabbigu ila hadlay oo wuxuu igu yidhi,
3 „До́сить вам кружля́ти навколо цієї гори́, — оберніться на північ!
Idinku buurtan wakhti dheer baad ku wareegayseen, haddaba xagga woqooyi u leexda.
4 А наро́дові наказуй, говорячи: Ви перехо́дите границі ваших братів, Ісавових синів, що мешкають у Сеїрі. І будуть вони боятися вас, та й ви пильно стережіться!
Oo adigu waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan u digtoonaada,
5 Не дражні́ть їх, бо Я не дам вам з їхнього кра́ю місця ані на стопу́ ноги, бо го́ру Сеїр Я дав Ісавові, як спа́дщину.
hana la diririna, waayo, dalkooda idinka siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey reer Ceesaw.
6 Їжу купите від них за срібло — і будете їсти, а також воду будете купувати в них за срібло — і будете пити.
Wax aad cuntaan lacag kaga iibsada, oo weliba biyo aad cabtaanna lacag kaga iibsada.
7 Бо Господь, Бог твій, поблагослови́в тебе в кожному чині твоєї руки, знає Він ходу́ твою в цій великій пустині. Оце сорок літ Господь, Бог твій, з тобою, — не відчув ти недостачі ні в чо́му“.
Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idinku wada barakeeyey shuqulkii gacantiinna oo dhan, oo isagu wuu yiqiin socodkiinnii aad cidladan soo dhex marteen. Afartankan sannadood ayaa Rabbiga Ilaahinna ahu idinla jiray, oo waxba uma aydaan baahan.
8 І перейшли ми від наших братів, Ісавових синів, що сидять у Сеїрі, від дороги сте́пу, від Елату, і від Ецйон-Ґеверу. І обернулися ми, та й перейшли дорогою моавської пустині.
Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.
9 І сказав Господь мені: „Не ворогу́й з Моавом, і не драту́й їх війною, бо Я не дам тобі з його кра́ю спа́дщини, — бо Лотовим синам дав Я Ар на спа́док“.
Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Reer Moo'aab ha dhibin, dagaalna ha kula diririn, waayo, dalkooda waxba hanti idiinka siin maayo, maxaa yeelay, Caar waxaan hanti u siiyey reer Luud.
10 Перед тим сиділи в ньому еми, народ великий, і числе́нний, і високий, як ве́летні.
(Waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Eymiim oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq.
11 Рефаями вважалися й вони, як ве́летні, а моавітяни кличуть їх: еми.
Oo kuwaasna sida reer Canaaq ayaa waxaa la odhan jiray Refaa'iim, laakiinse reer Moo'aab waxay iyaga ku magacaabaan reer Eymiim.
12 А в Сеїрі перед тим сиділи були гореї, а Ісавові сини заволоділи ними та вигубили їх перед собою, та й осіли замість них, як зробив Ізраїль кра́єві спа́дку свого, що дав їм Господь.
Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.)
13 „Тепер устаньте, і перейдіть поток Зеред“. І перейшли ми поті́к Зеред.
Haddaba kaca oo ka gudba durdurka Sered. Oo markaasaynu ka gudubnay durdurkii Sered.
14 А час, що ходили ми від Кадеш-Барнеа, аж перейшли поті́к Зеред, — тридцять і вісім літ, аж вимерло все те покоління військо́вих із табо́ру, як Господь присягнув був їм.
Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay.
15 Також і Господня рука була на них, щоб вигубити їх із табо́ру аж до решти.
Oo weliba gacantii Rabbigu iyaga gees bay ka ahayd, si iyaga looga wada baabbi'iyo xerada dhexdeeda jeeray wada baabba'aan.
16 І сталося, коли вигинули всі військо́ві і вимерли з-посеред наро́ду,
Markii dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhammu ay wada baabbe'een oo ay dadka dhexdiisii ka wada le'deen,
17 то Господь промовляв до мене, говорячи:
ayuu Rabbigu ila hadlay oo igu yidhi,
18 „Ти сьогодні прохо́диш моавську границю — Ар.
Maanta waa inaad ka gudubtaa Caar oo ah soohdinta dalka Moo'aab,
19 І при́йдеш близько до Аммонових синів, — не нена́видь їх і не драту́й їх, бо не дам тобі спа́дку з кра́ю Аммонових синів, бо Лотовим синам Я дав його на спа́дщину“.
oo markaad u soo dhowaato reer Cammoon, iyaga ha dhibin hana la diririn, waayo, waxba hanti idiinka siin maayo dalka reer Cammoon, maxaa yeelay, halkaas waxaan hanti u siiyey reer Luud.
20 За край рефаїв вважався також він, — рефаї сиділи в ньому перед тим, а аммоні́тяни кликали їх: замзуми,
(Weliba dalkaasna waxaa lagu tiriyaa inuu yahay dalkii reer Refaa'iim, maxaa yeelay, waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Refaa'iim, laakiinse reer Cammoon waxay iyaga ku magacaabaan Samsummiim,
21 наро́д великий, і числе́нний, і високий, як ве́летні. І вигубив їх Господь перед ними, і вигнали їх, і осіли замість них,
oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq, laakiinse Rabbiga ayaa hortooda ka baabbi'iyey, kolkaasay daba hantiyeen oo meeshoodii degeen,
22 як зробив Він Ісавовим синам, що сидять у Сеїрі, що заволоділи хореянами перед ними, — і вигнали їх, і осіли замість них, і сидя́ть аж до сьогодні.
siduu reer Ceesaw oo Buur Seciir deggan u sameeyey markuu hortooda ka baabbi'iyey reer Xor oo ay daba hantiyeen oo ay meeshoodii degeen ilaa maantadan la joogo.
23 А аввеїв, що сидять по оселях аж до Ази, вигубили їх кафтори, що вийшли з Кафтору, та й осіли замість них.
Oo reer Caw oo degganaa tuulooyin tan iyo Gaasa yiil waxaa wada baabbi'iyey oo meeshoodii degay reer Kaftoriim oo ka soo baxay Kaftoor.)
24 „Уставайте, рушайте, та й перейдіть поті́к Арнон! Ось — Я дав у твою руку Сигона, царя Хешбону, амореянина, а край його зачни забирати, та й воюй з ним.
Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga la dagaallantaa.
25 Того дня Я зачну́ наво́дити страх та жах перед тобою на наро́ди під усім небом, які, коли почують чутку про тебе, то затремтя́ть, і жахнуться перед тобою“.
Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.
26 І послав я послів з пустині Кедемот до Сигона, царя хешбонського, з мирними словами, говорячи:
Oo anigu waxaan cidladii Qedemood uga diray boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa wargeeyayaal hadallo nabdeed sida, oo waxaan ku idhi,
27 „Нехай же я перейду́ в твоїм кра́ї в дорозі, — я піду́ дорогою, не збочу ні право́руч, ні ліво́руч.
Dalkaaga aan dhex maree. Waxaan iska marayaa jidka weyn, oo u leexan maayo xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
28 їжу за срібло продаси мені, — і я їстиму, і воду даси мені за срібло, — і я питиму. Нехай тільки перейду́ я ногами,
Wax aan cuno lacag igaga iibso, oo biyo aan cabbana lacag iga siiso, haddaba waxaa keliyahoo aad ii yeeshaa inaan dalka cagahayga ku dhex maro,
29 як зробили мені Ісавові сини, що сидять у Сеїрі, і моави, що сидять у в Арі, аж перейду́ я Йорда́н до того кра́ю, що його нам дає Господь, Бог наш“.
oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.
30 Та не хотів Сигон, цар хешбонський, дати нам перейти через свою землю, бо Господь, Бог твій, зробив запеклим дух його, та ожорсто́чив його серце, щоб дати його в руку твою, як сьогодні це ви́дко.
Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay.
31 І сказав Господь мені: „Ось, Я зачав давати перед тобою Сигона та його край; зачни заволодіва́ти, щоб успадкува́ти його край.“
Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad hantidid aad dalkiisa dhaxashide.
32 І вийшов Сигон навпроти нас, він та ввесь народ його, на війну до Ягацу.
Markaasaa Siixon iyo dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas.
33 І дав його нам Господь, Бог наш, і ми побили його й синів його та ввесь його народ.
Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.
34 І того ча́су ми здобули́ всі його міста, і зробили закляттям кожне місто, чоловіків і жінок та дітей, нікого не позоставили ми.
Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna kama aynu reebin.
35 Тільки худобу забрали ми собі на здо́бич, та захо́плене в містах, що ми їх здобули́.
Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay.
36 Від Ароеру, що на березі арнонського пото́ку, і від міста, що в долині, і аж до Ґілеаду не було міста, яке було б сильніше від нас, — усе віддав нам Господь, Бог наш.
Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.
37 Тільки до кра́ю Аммонових синів не набли́зився ти, до всього побережжя потоку Яббоку, і до міст гори, та до всього, про що наказав був Господь, Бог наш.
Laakiinse waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna ahu inoo diiday.

< Повторення Закону 2 >