< 1 Самуїлова 31 >

1 А филисти́мляни воювали з Ізраїлем. І побігли Ізраїлеві му́жі перед филисти́млянами, і падали трупами на горі Ґілбоа.
Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.
2 І догнали филисти́мляни Саула та його синів. І повбивали филисти́мляни Йонатана й Авінадава та Малкі-Шуя, Саулових синів.
Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.
3 І став бій тяжки́й для Саула, і його знайшли лу́чники, — він був дуже пора́нений тими лу́чниками.
Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.
4 І сказав Саул до свого зброєно́ші: „Витягни меча свого, і пробий мене ним, щоб не прийшли ці необрі́зані, і не пробили мене, і не знуща́лися надо мною!“Та не хотів зброєно́ша, бо дуже боявся. Тоді взяв Саул меча, — та й упав на нього!
Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.
5 І побачив зброєноша, що помер Саул, і впав і він на свого меча, та й помер із ним.
Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay, isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna la dhintay.
6 І помер того дня Саул і троє синів його та зброєноша, також усі люди ра́зом.
Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.
7 А ізра́їльтяни, що мешкали на тім боці долини й на тім боці Йорда́ну, коли побачили, що повтікали ізра́їльтяни, і що померли Саул та сини його, поки́дали ті міста й повтікали, а филисти́мляни поприхо́дили й осілися в них.
Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.
8 І сталося другого дня, і прийшли филисти́мляни, щоб пообдирати трупи, — та й знайшли Саула та трьох синів його, що лежали на горі Ґілбоа.
Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.
9 І вони стяли йому го́лову, і поздира́ли збро́ю його, і послали в филистимські краї́ навко́ло, щоб сповістити в дома́х їхніх божкі́в та наро́дові.
Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.
10 І вони поклали зброю його в домі Аста́рти, а тіло його прибили на мурі Бет-Шану.
Oo hubkiisiina gurigii Cashtarod ayay dhigeen, meydkiisiina derbigii Beytshaan bay ku xidheen.
11 І почули ме́шканці ґілеадського Явешу про те, що́ филисти́мляни зробили Саулові,
Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,
12 і встали всі хоробрі, і йшли всю ніч, і взяли́ Саулове тіло та тіла синів його з муру Бет-Шану, і прийшли до Явешу, та й спалили їх там.
waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.
13 І взяли́ вони їхні кості, і поховали під тамари́ском в Явешу, та й по́стили сім день.
Markaasay lafahoodii qaadeen oo ku aaseen geed Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.

< 1 Самуїлова 31 >