< 2 Nyakati 34 >

1 Yosia alikuwa na umri wa miaka kumi na nane alipoanza kutawala; alitawala miaka thelathini na moja katika Yerusalemu.
Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood.
2 Alifanya yaliyohaki katika macho ya Yahwe, na alitembea katiaka njia za Daudi babu yake, ha hakugeuka mbali iwe kulia au kushoto.
Oo wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
3 Kwa maana ndani ya miaka minane ya ya utawala wake, alipokuwa bado kijana, alianza kumtafuta Mungu wa Daudi, babu yake. Katika miaka ishirini, alianza kuisafisha Yuda na Yerusalemu kutoka sehemu za juu, vituo vya Maashera, na sanamu za kuchonga na sanamu za chuma ya kuyeyushwa.
Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba.
4 Watu wakazivunja madhabahu za Baali katika uwepo wake; akazibomoa nguzo za Maashera na na zile sanamu za kuchonga, na sanamu za chuma ya kuyeyushwa katika vipande hadi zikawa mavumbi. Akayasamabaza mavumbi juu ya makaburi ya wale ambao walizitolea sadaka.
Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.
5 Akaichoma mifupa ya makuhani wao juu ya madhabahu zao. Katika namna hii, akaisafisha Yuda na Yerusalemu.
Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.
6 Alifanya hivyo hivyo katika miji ya Manase, Efraimu, na Simeoni, sehemu zote hadi Neftali, na katika maeneo yaliyoizunguka.
Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan.
7 Alizivunja madhabahu, akayapiga Maashera, na sanamu za kuchonga kuwa unga, na kuzisambaratisha madhabahu zote za uvumba katika nchi yote ya Israeli; kisha akarudi Yerusalemu.
Oo meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday.
8 Sasa katika kipindi cha miaka ishirini ya utawala wake, baada ya Yosia kuisafisha nchi na hekalu, alimtuma Shafani mwana wa Azali, Manaseya, akida wa mji, na Yoa mwana wa Yoahazi katibu, kuikarabati nyumba ya Yahwe Mungu wake.
Oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah.
9 Wakaenda kwa Hilkia, kuhani mkuu, na wakakabidhi kwake fedha ambazo zilikuwa zimeletwa kwenye nyumbaa ya Mungu, ambazo Walawi, walinzi wa milingo, walikuwa wamekusanya kutoka Manase na Efraimu, kutoka kwa masalia wote wa Israeli, kutoka Yuda yote na Benyamini, na kutoka kwa wakaaji wa Yerusalemu.
Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.
10 Wakaikabidhi ile fedha kwa watu waliosimamia kazi ya hekalu la Yahwe. Watu wale wakawalipa wafanya kazi walioilikarabati na kulijenga tena hekalu.
Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.
11 Wakawalipa maseremala na wajenzi kwa ajili ya kununulia mawe ya kuchonga na mbao kwa ajili ya kuungia, na kutengeneza boriti za nyumba amabazo baadha ya wafalme wa Yuda waliziacha zikachakaa.
Waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii inay ku soo iibiyaan dhagaxyo la qoray iyo alwaax wax laysku xidho, iyo inay alwaax saqafka haya u sameeyaan guryihii ay boqorradii reer Yahuudah dumiyeen.
12 Watu waliifanya kazi kwa uaminifu. Wasimamizi wao Yahathi na Obadia, Walawi, wa wana wa Merari; na Zekaria na Meshulamu, kutoka kwa wana wa Wakohathi. Walawi wengine, wote kati ya wale waliokuwa wanamziki wazuri sana, kwa ukaribu waliwaelekeza watendakazi.
Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.
13 Walawi hawa walikuwa viongoziz wa wale waliobeba vifaa vya ujenzi na watu wengine wote waliofanya kazi kwa namna yoyote ile. Pia palikuwa na Walawi ambao walikuwa makatibu, watawala na walinda lango.
Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.
14 Walipoileta fedha ambayo ilikuwa imeletwa kwenye nyumba ya Yahwe, Hilkia yule kuhani akakiokota kitabu cha sheri ya Yahwe ambacho kilikuwa kimetolewa kupitia Musa.
Oo markay soo bixiyeen lacagtii guriga Rabbiga la geliyey ayaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa helay kitaabkii sharcigii Rabbiga oo Muuse loo sii dhiibay.
15 Hilkia akamwambia Shafani yule mwandishi, “Nimekiokota kitabu cha sheria katika nyumba ya Yahwe”. Hilikia akakileta kitabu kwa Shefani.
Markaasaa Xilqiyaah jawaabay oo wuxuu karraanigii Shaafaan ku yidhi, Waxaan gurigii Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan.
16 Shefani akakipelek kitabu kwa mfalme, na pia akatoa taarifa kwake, akisema, “Watumishi wako wanafanya kila kitu walichokabidhiwa.
Markaasaa Shaafaan kitaabkii u geeyey boqorkii, oo weliba boqorkii buu u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii way wada samaynayaan wixii loo dhiibay oo dhan.
17 Waliitoa feedha yote amabayo ilionekana katika nyumba ya Yahwe, na waliikabidhi katika mikono ya wasimamizi na watendakazi.”
Oo iyagu lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen oo waxay u dhiibeen kuwa shuqulka u taliya iyo ragga shaqaalaha ah.
18 Shefani mwandishi akamwambia mfalme.” Hilkia kuhani amenipa kitabu.” Kisha Shefani akamsomea mfalme katika hicho kitabu.
Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.
19 Ikawa kwamba mfalme alipokuwa ameyasikia maneno ya sheria, aliyararua mavazi yake.
Oo markii boqorkii maqlay erayadii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.
20 Mflme akawaamuru Hilkia, Ahikamu mwana wa Shafani, Abdoni mwana wa Mika, Shafani mwaandishi, na Asaya, mtumishi wake, akisema,
Markaasaa boqorkii amray Xilqiyaah, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cabdoon ina Miikaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa addoonkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi,
21 “Nendeni mkaulize mapenzi ya Yahwe kwa ajili yangu, na kwa wale waliobaki katika Israeli na Yuda, kwa sababu ya maneno ya kitabu ambacho kimeokotwa. Kwa maani ni kikuu, kwa sababu babu zetu hawakuyasikiliza maneno ya kitabu hiki ili kuyatii yote yaliyokuwa yameandikwa ndani yake”. (Badala ya “ambayo yamemiminwa juu yetu”, baadhi ya matoleo yanasema “ambayo yamemulikwa zidi yetu”).
War taga, oo aniga iyo kuwa dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ku hadhayba Rabbiga wax inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkii la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo inagu soo degtay way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay xajin inay wada yeelaan waxa kitaabkan ku qoran oo dhan.
22 Kwa hiyo Hilkia, na wale ambao mfalme alikuwa amewaamuru, wakaenda kwa Hulda nabii wa kike, mke wa Shalumu mwana wa Tohathi mwana wa Hasra, mtunza mavazi (aliishi katika Yerusalemu katika wilaya ya pili), na walizungumza naye katika namna hii.
Markaasaa Xilqiyaah iyo kuwii boqorku amrayba waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tawqhad, oo ahaa ina Xasraah, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii kala hadleen xaalkaas.
23 Akasema kwao, “Hivi ndivyo Yahwe, Mungu wa Israeli, anasema: Mwambie mtu aliyewatuma kwangu,
Oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray u sheegtaan,
24 Hivi ndivyo Yahwe anasema: Ona, niko karibu kuleta maafa juu ya sehemu hii na wakaaaji wake, laana zote zilizoandikwa katika kitabu walichokisoma mbele ya mfalme wa Yuda.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan,
25 Kwa sababu wamenisahau na wametoa sadaka za uvumba kwa miungu mingine, ili kwamba waniweke katika hasira kwa matendo yote waliyofanya — kwa hiyo hasira yangu itamiminwa juu ya hii sehemu, na haitazimishwa. (Badala ya “ambayo yamemiminwa juu yetu”, baadhi ya matoleo yana “amabyo yamemlikwa zidi yetu”.)
maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto.
26 Lakini kwa mfalme wa Yuda, aliyewatuma kumuuliza Yahwe alichopaswa kufanya, hivi ndivyo mtakavyosema kwake, 'Yahwe, Mungu wa Israeli anasema hivi: Kuhusu maneno uliyosika,
Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:
27 kwa sababu moyo wako ulipondeka, na ulijinyenyekeza mbele yangu ulipoyasikia maneno yake zidi ya sehemu hii na wakaaji wake, na kwa sababu umejinyenyekeza mwenyewe mbele zangu, pia nimekusikiliza —hili ni azimio la Yahwe—
Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Ilaah hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay erayadiisii uu kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, oo hortayda ayaad isku hoosaysiisay, oo dharkaagii waad jeexjeexday, oo waad igu hor ooyday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.
28 ona, nitakukusanya kwa mababu zako. Utakusanywa katika kaburi lako kwa amani, na macho yako hayataona maafa yoyoye nitakayoleta juu ya sehemu hii na wakaaji wake”. Wale watu wakarudisha ujumbe huu kwa mfalme.
Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan ku soo dejin doono meeshan iyo dadka degganba. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.
29 Mfalme akatuma wajumbe na kuwakusanya wazee wote wa Yuda na Yerusalemu.
Markaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.
30 Kisha mfalme akaenda kwenye nyumba ya Yahwe, na watu wote wa Yuda wakaaji wa Yerusalemu, na makuhani, Walawi, na watu wote, kuanzia wakubwa hadi wadogo. Kisha akasoma mbele zao maneno yote ya kitabu cha Agano kilichokuwa kimeokotwa katika nyumba ya Yahwe.
Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.
31 Mfalme aksimama katika sehemu yake na kufanya aganao mbele za Yahwe, kutembea mbele za Yahwe, na kuzishika amri zake, taratibu zake, na sheria zake, kwa moyo wake wote na roho yake yote, kuyatii maneno ya agano yaliyokuwa yameandikwa katika agano ambayo yalikuwa yameandikwa katika kitabu hiki.
Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.
32 Aliwasababisha wote walioonekana katika Yerusalemu na Benyamini kusimama kwa agano. Wakaaji wa Yerusalemu wakatembea kwa agano la Mungu, Mungu wa babu zao.
Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.
33 Yosia akapeleka mbali mambo yote ya machukizo kutoka kwenye nchi iliyomilikiw na watu wa Israeli. Akamfanya kila mtu katika Israeli amwabudu Yahwe, Mungu wao. Kwa maisha siku zake zote, hawakugeka mbali kwa kutomfuata Yahwe, Mungu wa mababu zao.
Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

< 2 Nyakati 34 >