< 1 Crónicas 3 >

1 Estos fueron los hijos de David que le nacieron en Hebrón: El primogénito fue Amnón, cuya madre fue Ahinoam de Jezreel. El segundo fue Daniel, cuya madre fue Abigail de Carmelo.
Haddaba kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Daa'uud, oo isaga ugu dhashay Xebroon, oo curadkiisu wuxuu ahaa Amnoon, oo ay dhashay Axiinocam tii reer Yesreceel, oo kii labaadna wuxuu ahaa Daanyeel, oo ay dhashay Abiigayil tii reer Karmel,
2 El tercero fue Absalón, cuya madre fue Maaca, hija de Talmai, rey de Gesur. El cuarto fue Adonías, cuya madre fue Haguit.
oo kii saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo ay dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii, oo kii afraadna wuxuu ahaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay,
3 El quinto fue Sefatías, cuya madre fue Abital. El sexto fue Itream, cuya madre fue Egla, esposa de David.
kii shanaadna wuxuu ahaa Shefatyaah oo ay Abiital dhashay, kii lixaadna, wuxuu ahaa Yitrecaam oo uu ka dhalay naagtiisii Ceglaah.
4 Esos fueron los seis hijos que le nacieron a David en Hebrón, donde reinó siete años y seis meses. David reinó en Jerusalén treinta y tres años más,
Lix waxay ugu dhasheen Xebroon, oo Xebroon wuxuu boqor ka ahaa toddoba sannadood iyo lix bilood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa saddex iyo soddon sannadood.
5 y estos fueron los hijos que le nacieron allí: Samúa, Sobab, Natán y Salomón. La madre de ellos fue Betsabé, hija de Ammiel.
Oo kuwanuna waxay isaga ugu dhasheen Yeruusaalem: Shimcaa, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan, afartaas oo ay dhashay Batshuuca oo ahayd ina Cammii'eel,
6 Además estaban también Ibhar, Elisúa, Elifelet,
iyo Yibxaar, iyo Eliishaamaac, iyo Eliifeled,
7 Noga, Nefeg, Jafía,
iyo Nogah, iyo Nefeg, iyo Yaafiica,
8 Elisama, Eliada y Elifelet, un total de nueve.
iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled, oo iyana waxay ahaayeen sagaal.
9 Todos estos fueron los hijos de David, aparte de sus hijos de sus concubinas. Su hermana era Tamar.
Oo kuwaas oo dhammu waxay ahaayeen ilmaha Daa'uud, oo wiilashiisii uu addoommaha ka dhalayna kuma ay jirin, oo Taamaarna waxay ahayd walaashood.
10 El linaje masculino desde Salomón fue: Roboam, Abías, Asa,
Oo Sulaymaan wiilkiisiina wuxuu ahaa Rexabcaam, Rexabcaam wiilkiisiina wuxuu ahaa Abiiyaah, Abiiyaah wiilkiisiina wuxuu ahaa Aasaa, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yehooshaafaad,
11 Joram, Ocozías, Joás,
wiilkiisiina wuxuu ahaa Yooraam, wiilkiisiina wuxuu ahaa Axasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoo'aash,
12 Amasías, Azarías, Jotam,
wiilkiisiina wuxuu ahaa Amasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Casaryaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yootam,
13 Acaz, Ezequías, Manasés,
wiilkiisiina wuxuu ahaa Aaxaas, wiilkiisiina wuxuu ahaa Xisqiyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Manaseh,
14 Amón, Josías.
wiilkiisiina wuxuu ahaa Aamoon, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoosiyaah.
15 Los hijos de Josías: Johanán (primogénito), Joaquín (el segundo), Sedequías (el tercero), y Salum (el cuarto).
Wiilashii Yoosiyaahna waa kuwan: curadkiisii Yooxaanaan, kii labaadna Yehooyaaqiim, kii saddexaadna Sidqiyaah, kii afraadna Shalluum.
16 Los hijos de Joacim: Joaquín y Sedecías.
Wiilashii Yehooyaaqiimna waxay ahaayeen: wiilkiisii Yekonyaah, iyo wiilkiisii Sidqiyaah.
17 Los hijos de Joaquín que fueron llevados al cautiverio: Sealtiel,
Oo maxbuuskii Yekonyaah ahaa wiilashiisii waxay ahaayeen:
18 Malquiram, Pedaías, Senaza, Jecamías, Hosama y Nedabías.
wiilkiisii Salaatii'eel, iyo Malkiiraam, iyo Fedaayaah, iyo Shen'asar, iyo Yeqamyaah, iyo Hooshaamaac, iyo Nedabyaah.
19 Los hijos de Pedaías: Zorobabel y Simei. Los hijos de Zorobabel: Mesulam y Hananías. Su hermana era Selomit.
Wiilashii Fedaayaahna waxay ahaayeen Serubaabel, iyo Shimcii, oo wiilashii Serubaabelna waxay ahaayeen Meshullaam, iyo Xananyaah, oo Shelomiidna waxay ahayd walaashood,
20 Otros cinco hijos fueron: Hasuba, Ohel, Berequías, Hasadías y Jushab-Hesed.
iyo Xashubaah, iyo Ohel, iyo Berekyaah, iyo Xasadyaah, iyo Yuushabxesed, oo iyana waxay ahaayeen shan.
21 Los hijos de Hananías: Pelatías y Jesaías, y Los hijos de Refaías, Los hijos de Arnán, Los hijos de Abdías, y Los hijos de Secanías.
Wiilashii Xananyaahna waxay ahaayeen Felatyaah, iyo Yeshaacyaah, oo waxaa kaloo jiray wiilashii Refaayaah, iyo wiilashii Arnaan, iyo wiilashii Cobadyaah, iyo wiilashii Shekaanyaah.
22 Los hijos de Secanías: Semaías y sus hijos: Hatús, Igal, Barías, Nearías y Safat. En total eran seis.
Wiilashii Shekaanyaahna waxay ahaayeen Shemacyaah, wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Xatuush, iyo Yigaal, iyo Baarii'ax, iyo Necaryaah, iyo Shaafaad, oo waxay ahaayeen lix.
23 Los hijos de Nearías: Elioenai, Ezequías y Azricam. Eran tres en total.
Wiilashii Necaryaahna waxay ahaayeen Eliyooceenay, iyo Xisqiyaah, iyo Casriiqaam, oo waxay ahaayeen saddex.
24 Los hijos de Elioenai: Hodavías, Eliasib, Pelaías, Acub, Johanán, Dalaías, y Anani. En total eran un total de siete.
Wiilashii Eliyooceenayna waxay ahaayeen, Hoodawyaah, iyo Eliyaashiib, iyo Felaayaah, iyo Caquub, iyo Yooxaanaan, iyo Delaayaah, iyo Canaanii, waxayna ahaayeen toddoba.

< 1 Crónicas 3 >