< Sabuurradii 9 >

1 Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa, Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
大衛的詩,交與伶長。調用慕拉便。 我要一心稱謝耶和華; 我要傳揚你一切奇妙的作為。
2 Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa, Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
我要因你歡喜快樂; 至高者啊,我要歌頌你的名!
3 Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
我的仇敵轉身退去的時候, 他們一見你的面就跌倒滅亡。
4 Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
因你已經為我伸冤,為我辨屈; 你坐在寶座上,按公義審判。
5 Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay, Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
你曾斥責外邦,你曾滅絕惡人; 你曾塗抹他們的名,直到永永遠遠。
6 Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba', Oo magaalooyinkii aad afgembidayna Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
仇敵到了盡頭; 他們被毀壞,直到永遠。 你拆毀他們的城邑, 連他們的名號都歸於無有。
7 Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
惟耶和華坐着為王,直到永遠; 他已經為審判設擺他的寶座。
8 Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
他要按公義審判世界, 按正直判斷萬民。
9 Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
耶和華又要給受欺壓的人作高臺, 在患難的時候作高臺。
10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan, Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
耶和華啊,認識你名的人要倚靠你, 因你沒有離棄尋求你的人。
11 Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
應當歌頌居錫安的耶和華, 將他所行的傳揚在眾民中。
12 Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
因為那追討流人血之罪的-他記念受屈的人, 不忘記困苦人的哀求。
13 Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
耶和華啊,你是從死門把我提拔起來的; 求你憐恤我,看那恨我的人所加給我的苦難,
14 Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
好叫我述說你一切的美德; 我必在錫安城的門因你的救恩歡樂。
15 Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
外邦人陷在自己所掘的坑中; 他們的腳在自己暗設的網羅裏纏住了。
16 Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. (Selaah)
耶和華已將自己顯明了,他已施行審判; 惡人被自己手所做的纏住了 (細拉)
17 Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool, Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan. (Sheol h7585)
惡人,就是忘記上帝的外邦人, 都必歸到陰間。 (Sheol h7585)
18 Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono, Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
窮乏人必不永久被忘; 困苦人的指望必不永遠落空。
19 Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
耶和華啊,求你起來,不容人得勝! 願外邦人在你面前受審判!
20 Rabbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)
耶和華啊,求你使外邦人恐懼; 願他們知道自己不過是人。 (細拉)

< Sabuurradii 9 >