< Sabuurradii 76 >

1 Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan, Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
亚萨的诗歌,交与伶长。用丝弦的乐器。 在犹大, 神为人所认识; 在以色列,他的名为大。
2 Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem, Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
在撒冷有他的帐幕; 在锡安有他的居所。
3 Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada, Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
他在那里折断弓上的火箭, 并盾牌、刀剑,和争战的兵器。 (细拉)
4 Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
你从有野食之山而来, 有光华和荣美。
5 Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een, Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
心中勇敢的人都被抢夺; 他们睡了长觉,没有一个英雄能措手。
6 Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
雅各的 神啊,你的斥责一发, 坐车的、骑马的都沉睡了。
7 Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
惟独你是可畏的! 你怒气一发,谁能在你面前站得住呢?
8 Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo, Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
你从天上使人听判断。 神起来施行审判, 要救地上一切谦卑的人; 那时地就惧怕而静默。 (细拉)
9 Markuu Ilaah xukunka u sara kacay Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
10 Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa, Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
人的忿怒要成全你的荣美; 人的余怒,你要禁止。
11 Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
你们许愿,当向耶和华—你们的 神还愿; 在他四面的人都当拿贡物献给那可畏的主。
12 Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.
他要挫折王子的骄气; 他向地上的君王显威可畏。

< Sabuurradii 76 >