< Sabuurradii 71 >

1 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, Yaanan weligay wareerin.
耶和华啊,我投靠你; 求你叫我永不羞愧!
2 Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
求你凭你的公义搭救我,救拔我; 侧耳听我,拯救我!
3 Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
求你作我常住的磐石; 你已经命定要救我, 因为你是我的岩石,我的山寨。
4 Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa, Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
我的 神啊,求你救我脱离恶人的手, 脱离不义和残暴之人的手。
5 Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda, Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
主—耶和华啊,你是我所盼望的; 从我年幼,你是我所倚靠的。
6 Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay, Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday, Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
我从出母胎被你扶持; 使我出母腹的是你。 我必常常赞美你!
7 Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh, Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
许多人以我为怪, 但你是我坚固的避难所。
8 Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona Ammaantaada iyo sharaftaada.
你的赞美,你的荣耀 终日必满了我的口。
9 Ha i tuurin markaan gaboobo, Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
我年老的时候,求你不要丢弃我! 我力气衰弱的时候,求你不要离弃我!
10 Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
我的仇敌议论我; 那些窥探要害我命的彼此商议,
11 Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey, Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
说: 神已经离弃他; 我们追赶他,捉拿他吧! 因为没有人搭救。
12 Ilaahow, ha iga fogaan, Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
神啊,求你不要远离我! 我的 神啊,求你速速帮助我!
13 Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een, Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
愿那与我性命为敌的,羞愧被灭; 愿那谋害我的,受辱蒙羞。
14 Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
我却要常常盼望, 并要越发赞美你。
15 Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada, Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
我的口终日要述说你的公义和你的救恩, 因我不计其数。
16 Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh, Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
我要来说主—耶和华大能的事; 我单要提说你的公义。
17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
神啊,自我年幼时,你就教训我; 直到如今,我传扬你奇妙的作为。
18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
神啊,我到年老发白的时候, 求你不要离弃我! 等我将你的能力指示下代, 将你的大能指示后世的人。
19 Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?
神啊,你的公义甚高; 行过大事的 神啊,谁能像你!
20 Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun, Ayaa haddana na noolayn doona, Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
你是叫我们多经历重大急难的, 必使我们复活, 从地的深处救上来。
21 Weynaantayda ii sii kordhi, Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
求你使我越发昌大, 又转来安慰我。
22 Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah, Oo runtaadaan ammaani doonaa, Israa'iil kiisa Quduuska ahow, Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
我的 神啊,我要鼓瑟称赞你, 称赞你的诚实! 以色列的圣者啊,我要弹琴歌颂你!
23 Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo, Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
我歌颂你的时候, 我的嘴唇和你所赎我的灵魂都必欢呼;
24 Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
并且我的舌头必终日讲论你的公义, 因为那些谋害我的人已经蒙羞受辱了。

< Sabuurradii 71 >