< Sabuurradii 60 >

1 Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
For the leader. On shushan eduth. A michtam of David (for teaching), when he fought with Aram-naharaim and Aram-zobah, and Joab returned and defeated twelve thousand Edomites in the Valley of Salt. O God, you have spurned and broken us, routing us in your wrath – restore us!
2 Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay, Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
You have shaken the land and cleft it; heal its tottering breaches.
3 Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag, Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
You have made your people drink hardship, and given us wine of reeling.
4 Calan baad siisay kuwa kaa cabsada, In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
You have given those who fear you a banner, a rallying-place from the bow, (Selah)
5 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
for the rescue of your beloved. Save by your right hand and answer us.
6 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
God did solemnly swear: ‘As victor will I divide Shechem, and mete out the valley of Succoth.
7 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
Mine is Gilead, mine is Manasseh, Ephraim is the defence of my head, Judah my sceptre of rule,
8 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.
Moab the pot that I wash in, Edom – I cast my shoe over it, I shout o’er Philistia in triumph.’
9 Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
O to be brought to the fortified city! O to be led into Edom!
10 Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
Have you not spurned us, O God? You do not march forth with our armies.
11 Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
Grant us help from the foe, for human help is worthless.
12 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
With God we shall yet do bravely: he himself will tread down our foes.

< Sabuurradii 60 >