< Sabuurradii 6 >

1 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
For the leader; with instrumental music on the sheminith. A psalm of David. Rebuke me not, Lord, in your anger, punish me not in your wrath.
2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
Lord, be gracious to me in my weakness. Heal me Lord, for racked is my body;
3 Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
all of me utterly racked. Why do you wait so long, Lord?
4 Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
Turn, Lord, rescue me; save me, because of your love.
5 Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona? (Sheol h7585)
For in death none can call you to mind; in Sheol who can praise you? (Sheol h7585)
6 Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
I am so weary of sighing. All the night I make my bed swim, and wet my couch with my tears.
7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
My eyes swollen with grief; from weeping caused by my foes.
8 Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
Begone, workers of wrong, for the Lord has heard my loud weeping,
9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
the Lord has heard my entreaty, the Lord accepts my prayer.
10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
My foes will be stricken with terror, brought to shame and dismay in a moment.

< Sabuurradii 6 >