< Sabuurradii 48 >

1 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
(En sang. En salme af Koras sønner.) Stor og højlovet er vor Gud i sin Stad.
2 Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
Smukt løfter sig hans hellige Bjerg, al Jordens Fryd, Zions Bjerg i det højeste Nord, den store Konges By.
3 Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
Som Værn gjorde Gud sig kendt i dens Borge.
4 Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
Thi Kongerne samlede sig, rykked frem tilsammen;
5 Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
de så og tav på Stedet, flyed i Angst,
6 Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
af Rædsel grebes de brat, af Veer som en, der føder.
7 Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
Med Østenstormen knuser du Tarsisskibe.
8 Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
Som vi havde hørt det, så vi det selv i Hærskarers HERREs By, i vor Guds By; til evig Tid lader Gud den stå. (Sela)
9 Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
I din Helligdom tænker vi, Gud, på din Miskundhed;
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
som dit Navn så lyder din Pris til Jordens Grænser. Din højre er fuld af Retfærd,
11 Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
Zions Bjerg fryder sig, Judas Døtre jubler over dine Domme.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
Drag rundt om Zion, gå rundt og tæl dets Tårne,
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
læg Mærke til dets Ringmur, så gennem dets Borge, at I kan melde Slægten, der
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
kommer: Sådan er Gud, vor Gud for evigt og altid, han skal lede os.

< Sabuurradii 48 >