< Sabuurradii 40 >

1 Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
大卫的诗,交与伶长。 我曾耐性等候耶和华; 他垂听我的呼求。
2 Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
他从祸坑里, 从淤泥中,把我拉上来, 使我的脚立在磐石上, 使我脚步稳当。
3 Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.
他使我口唱新歌, 就是赞美我们 神的话。 许多人必看见而惧怕, 并要倚靠耶和华。
4 Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.
那倚靠耶和华、 不理会狂傲和偏向虚假之辈的, 这人便为有福!
5 Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.
耶和华—我的 神啊,你所行的奇事, 并你向我们所怀的意念甚多,不能向你陈明; 若要陈明,其事不可胜数。
6 Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid, Oo anna dhegahaygii waad ii furtay, Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
祭物和礼物,你不喜悦; 你已经开通我的耳朵。 燔祭和赎罪祭非你所要。
7 Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid, Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
那时我说:看哪,我来了! 我的事在经卷上已经记载了。
8 Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
我的 神啊,我乐意照你的旨意行; 你的律法在我心里。
9 Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.
我在大会中宣传公义的佳音; 我必不止住我的嘴唇。 耶和华啊,这是你所知道的。
10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
我未曾把你的公义藏在心里; 我已陈明你的信实和你的救恩; 我在大会中未曾隐瞒你的慈爱和诚实。
11 Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
耶和华啊,求你不要向我止住你的慈悲! 愿你的慈爱和诚实常常保佑我!
12 Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
因有无数的祸患围困我, 我的罪孽追上了我,使我不能昂首; 这罪孽比我的头发还多, 我就心寒胆战。
13 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
耶和华啊,求你开恩搭救我! 耶和华啊,求你速速帮助我!
14 Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
愿那些寻找我、要灭我命的,一同抱愧蒙羞! 愿那些喜悦我受害的,退后受辱!
15 Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
愿那些对我说阿哈、阿哈的, 因羞愧而败亡!
16 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!
愿一切寻求你的,因你高兴欢喜! 愿那些喜爱你救恩的,常说:当尊耶和华为大!
17 Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Sayidkuse waa i xusuustaa. Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga, Haddaba ha iga raagin.
但我是困苦穷乏的,主仍顾念我; 你是帮助我的,搭救我的。 神啊,求你不要耽延!

< Sabuurradii 40 >