< Sabuurradii 37 >

1 Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
大卫的诗。 不要为作恶的心怀不平, 也不要向那行不义的生出嫉妒。
2 Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale, Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
因为他们如草快被割下, 又如青菜快要枯干。
3 Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
你当倚靠耶和华而行善, 住在地上,以他的信实为粮;
4 Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
又要以耶和华为乐, 他就将你心里所求的赐给你。
5 Jidkaaga Rabbiga ku aamin, Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
当将你的事交托耶和华, 并倚靠他,他就必成全。
6 Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.
他要使你的公义如光发出, 使你的公平明如正午。
7 Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
你当默然倚靠耶和华,耐性等候他; 不要因那道路通达的和那恶谋成就的心怀不平。
8 Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.
当止住怒气,离弃忿怒; 不要心怀不平,以致作恶。
9 Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan, Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
因为作恶的必被剪除; 惟有等候耶和华的必承受地土。
10 Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono, Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.
还有片时,恶人要归于无有; 你就是细察他的住处也要归于无有。
11 Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan, Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.
但谦卑人必承受地土, 以丰盛的平安为乐。
12 Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
恶人设谋害义人, 又向他咬牙。
13 Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga, Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.
主要笑他, 因见他受罚的日子将要来到。
14 Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
恶人已经弓上弦,刀出鞘, 要打倒困苦穷乏的人, 要杀害行动正直的人。
15 Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda, Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
他们的刀必刺入自己的心; 他们的弓必被折断。
16 Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.
一个义人所有的虽少, 强过许多恶人的富余。
17 Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan, Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.
因为恶人的膀臂必被折断; 但耶和华是扶持义人。
18 Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda, Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
耶和华知道完全人的日子; 他们的产业要存到永远。
19 Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
他们在急难的时候不致羞愧, 在饥荒的日子必得饱足。
20 Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan, Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga, Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
恶人却要灭亡。 耶和华的仇敌要像羊羔的脂油; 他们要消灭,要如烟消灭。
21 Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
恶人借贷而不偿还; 义人却恩待人,并且施舍。
22 Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona, Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
蒙耶和华赐福的必承受地土; 被他咒诅的必被剪除。
23 Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga, Oo jidkiisuu ku farxaa.
义人的脚步被耶和华立定; 他的道路,耶和华也喜爱。
24 Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono, Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
他虽失脚也不至全身仆倒, 因为耶和华用手搀扶他。
25 Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay, Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey, Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
我从前年幼,现在年老, 却未见过义人被弃, 也未见过他的后裔讨饭。
26 Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa, Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
他终日恩待人,借给人; 他的后裔也蒙福!
27 Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.
你当离恶行善, 就可永远安居。
28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
因为,耶和华喜爱公平, 不撇弃他的圣民; 他们永蒙保佑, 但恶人的后裔必被剪除。
29 Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
义人必承受地土, 永居其上。
30 Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda, Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
义人的口谈论智慧; 他的舌头讲说公平。
31 Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa, Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
神的律法在他心里; 他的脚总不滑跌。
32 Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
恶人窥探义人, 想要杀他。
33 Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo, Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
耶和华必不撇他在恶人手中; 当审判的时候,也不定他的罪。
34 Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji, Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho, Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
你当等候耶和华,遵守他的道, 他就抬举你,使你承受地土; 恶人被剪除的时候,你必看见。
35 Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan, Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
我见过恶人大有势力, 好像一棵青翠树在本土生发。
36 Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag, Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
有人从那里经过,不料,他没有了; 我也寻找他,却寻不着。
37 Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman, Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
你要细察那完全人,观看那正直人, 因为和平人有好结局。
38 Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan, Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
至于犯法的人,必一同灭绝; 恶人终必剪除。
39 Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga, Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
但义人得救是由于耶和华; 他在患难时作他们的营寨。
40 Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa, Maxaa yeelay, isagay magangaleen.
耶和华帮助他们,解救他们; 他解救他们脱离恶人,把他们救出来, 因为他们投靠他。

< Sabuurradii 37 >