< Sabuurradii 35 >

1 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
Of David. Contend, Lord, with those who contend with me, do battle with those who do battle with me.
2 Gaashaan iyo gabbaad qaado. Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
Grasp shield and buckler, and rise up as my help.
3 Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
Draw spear and battle-axe, confront those who pursue me. Assure me that you will help me.
4 Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
Dishonour and shame be on those who are seeking my life! Defeat and confusion on those who are planning my hurt!
5 Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda, Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
As chaff before wind may they be, with the Lord’s angel pursuing them.
6 Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh, Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
Slippery and dark be their way, with his angel thrusting them on.
7 Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
For they wantonly hid their net for me, and dug a pit to destroy me.
8 Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
Upon them may ruin come unawares; may the net which they hid catch themselves, and into the pit may they fall.
9 Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa, Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
Then I will exult in the Lord, and be joyful because of his help;
10 Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah? Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan, Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
and all my being will say, ‘Who, O Lord, is like you, who save the helpless from those too strong for them, the poor and the helpless from those who despoil them?’
11 Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
Violent witnesses rise, and ask of me things that I know not.
12 Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan Oo naftayda way gacal tiraan.
Evil for good they requite me, leaving me inwardly comfortless.
13 Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
But when they were sick, I put on sackcloth, and chastened myself with fasting. I prayed with head bowed low,
14 Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay, Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.
as if for my friend or my brother. I went about bowed and in mourning, as one who laments his mother.
15 Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
When I stumbled, they gleefully gathered, strangers gathered around me, and tore at me without ceasing,
16 Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.
impiously mocking and mocking, bearing their teeth at me.
17 Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
How long, Lord, will you look on? Rescue me from their roaring, my precious life from the lions.
18 Waxaan kaaga mahadnaqi doonaa shirka weyn dhexdiisa, Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.
I will then give you thanks in the great congregation, and praise you before many people.
19 Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
Suffer not those to rejoice over me who are falsely my foes, suffer not those who without cause abhor me to wink with the eye.
20 Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
For it is not peace that they speak of those who are quiet in the land; but treacherous charges they plot.
21 Afkoodii aad bay iigu fureen, Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.
With wide open mouths they shout, ‘Hurrah! Hurrah! With our own eyes we saw it.’
22 Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.
But you have seen, too, O Lord, keep not silence, O Lord, be not far from me.
23 Sara joogso, oo garsooriddayda u toos, Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
Bestir you, awake, for my right my God, my Lord, for my cause.
24 Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.
You are just, Lord: win for me justice, let them not rejoice over me,
25 Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
inwardly saying, ‘Hurrah! The desire of our hearts at last! Now we have swallowed him up.’
26 Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
Shame and confusion together on those who rejoice at my hurt! Clothed with shame and dishonour be those who are haughty to me!
27 Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen, Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo, Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.
Let such as delight in my cause ring out their gladness, and say evermore, ‘Great is the Lord whose delight is the well-being of his servant.’
28 Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.
Then my tongue will tell of your justice, and all the day long of your praise.

< Sabuurradii 35 >