< Sabuurradii 31 >

1 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
For the leader. A psalm of David. In you, O Lord, I take refuge; let me never be put to shame. Rescue me in your faithfulness;
2 Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
incline to me your ear. Deliver me speedily. Be to me a rock of defence, a fortified house, to save me.
3 Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
For my rock and my fortress are you; lead me and guide me so your name will be honoured.
4 Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen, Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
Draw me out of the net they have hid for me, for you yourself are my refuge.
5 Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa, Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
Into your hand I commend my spirit: you ransom me, Lord, faithful God.
6 Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira, Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
I hate those devoted to worthless idols; I trust in the Lord.
7 Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
I will rejoice and be glad in your love, because you have looked on my misery, and cared for me in my distress.
8 Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga, Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
You have not given me into the enemy’s hand, you have set my feet in a spacious place.
9 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
Be gracious to me, Lord, for I am distressed; my eye is wasted away with sorrow.
10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
For my life is consumed with grief, and my years with sighing. My strength is broken with misery, my bones waste away.
11 Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan, Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen, Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
The scorn of all my foes, the butt of my neighbours am I, a terror to my acquaintance. At the sight of me in the street people turn quickly away.
12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay, Oo waxaan ahay sida weel jabay.
I am clean forgotten like the dead, am become like a ruined vessel.
13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
I hear the whispers of many – terror on every side – scheming together against me, plotting to take my life.
14 Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
But my trust is in you, Lord. ‘You are my God,’ I say;
15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
my times are in your hand, save me from the hand of the foes who pursue me.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.
Make your face to shine on your servant, save me in your love.
17 Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday, Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen. (Sheol h7585)
Put me not, O Lord, to shame, for I have called upon you. Let the wicked be put to shame silent in Sheol. (Sheol h7585)
18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
Strike the false lips dumb, that speak proudly against the righteous with haughtiness and contempt.
19 Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
How great is the goodness you have treasured for those who fear you, and wrought for those who take refuge in you, in plain sight of all!
20 Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon, Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
In your sheltering wings you hide them from plottings of people, you keep them safe in a bower from the chiding of tongues.
21 Mahad waxaa leh Rabbiga, Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
Blest be the Lord for the wonderful love he has shown me in time of distress.
22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
For I had said in panic, ‘I am driven clean out of your sight.’ But you heard my plea, when I cried to you for help.
23 Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada, Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah, Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
Love the Lord, all you faithful; the Lord protects the loyal, but repays the haughty in full.
24 Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow, Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.
Let your hearts be courageous and strong, all you who wait on the Lord.

< Sabuurradii 31 >