< Sabuurradii 135 >

1 Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
你们要赞美耶和华! 你们要赞美耶和华的名! 耶和华的仆人站在耶和华殿中; 站在我们 神殿院中的,你们要赞美他!
2 Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
3 Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
你们要赞美耶和华! 耶和华本为善; 要歌颂他的名, 因为这是美好的。
4 Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay, Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
耶和华拣选雅各归自己, 拣选以色列特作自己的子民。
5 Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay, Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
原来我知道耶和华为大, 也知道我们的主超乎万神之上。
6 Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
耶和华在天上,在地下, 在海中,在一切的深处, 都随自己的意旨而行。
7 Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
他使云雾从地极上腾, 造电随雨而闪, 从府库中带出风来。
8 Isagaa laayay curadyadii Masar, Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
他将埃及头生的, 连人带牲畜都击杀了。
9 Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab, Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
埃及啊,他施行神迹奇事, 在你当中,在法老和他一切臣仆身上。
10 Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
他击杀许多的民, 又杀戮大能的王,
11 Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
就是亚摩利王西宏和巴珊王噩, 并迦南一切的国王,
12 Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey, Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
将他们的地赏赐他的百姓以色列为业。
13 Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa, Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
耶和华啊,你的名存到永远! 耶和华啊,你可记念的名存到万代!
14 Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa, Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
耶和华要为他的百姓伸冤, 为他的仆人后悔。
15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
外邦的偶像是金的,银的, 是人手所造的;
16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
有口却不能言, 有眼却不能看,
17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto.
有耳却不能听, 口中也没有气息。
18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
造他的要和他一样, 凡靠他的也要如此。
19 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana, Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
以色列家啊,你们要称颂耶和华! 亚伦家啊,你们要称颂耶和华!
20 Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana, Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
利未家啊,你们要称颂耶和华! 你们敬畏耶和华的,要称颂耶和华!
21 Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon. Rabbiga ammaana.
住在耶路撒冷的耶和华 该从锡安受称颂。 你们要赞美耶和华!

< Sabuurradii 135 >