< Sabuurradii 12 >

1 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa, Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
For the leader; on the sheminith. A psalm of David. Help, Lord, for the good are all gone, faithful people have vanished.
2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
One lies to another, speaking empty lies, with flattering lips and false hearts they speak.
3 Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
May the Lord cut off all the flattering lips, and the tongue that utters arrogance,
4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
they declare, ‘Our tongue is our strength, our allies our lips: who is lord over us?’
5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
‘The poor are despoiled, and the needy are sighing; so now I will act,’ the Lord declares ‘And place them in the safety they long for.’
6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.
The words of the Lord are words that are pure, silver smelted, seven times refined.
7 Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
You will keep us, Lord, and guard us from this generation forever,
8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
in a world where the wicked prowl, and worthless people exalted.

< Sabuurradii 12 >