< Sabuurradii 113 >

1 Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.
你们要赞美耶和华! 耶和华的仆人哪,你们要赞美, 赞美耶和华的名!
2 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
耶和华的名是应当称颂的, 从今时直到永远!
3 Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
从日出之地到日落之处, 耶和华的名是应当赞美的!
4 Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
耶和华超乎万民之上; 他的荣耀高过诸天。
5 Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
谁像耶和华—我们的 神呢? 他坐在至高之处,
6 Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
自己谦卑, 观看天上地下的事。
7 Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
他从灰尘里抬举贫寒人, 从粪堆中提拔穷乏人,
8 Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
使他们与王子同坐, 就是与本国的王子同坐。
9 Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso, Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh. Rabbiga ammaana.
他使不能生育的妇人安居家中, 为多子的乐母。 你们要赞美耶和华!

< Sabuurradii 113 >