< Sabuurradii 107 >

1 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
你们要称谢耶和华,因他本为善; 他的慈爱永远长存!
2 Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen, Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
愿耶和华的赎民说这话, 就是他从敌人手中所救赎的,
3 Oo uu ka soo ururiyey dalalka, Xagga bari, iyo xagga galbeed, Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
从各地,从东从西, 从南从北,所招聚来的。
4 Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah, Mana ay helin magaalo ay degaan.
他们在旷野荒地漂流, 寻不见可住的城邑,
5 Way gaajoodeen, wayna harraadeen, Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
又饥又渴, 心里发昏。
6 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
于是,他们在苦难中哀求耶和华; 他从他们的祸患中搭救他们,
7 Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan, Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
又领他们行走直路, 使他们往可居住的城邑。
8 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
但愿人因耶和华的慈爱 和他向人所行的奇事都称赞他;
9 Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa, Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.
因他使心里渴慕的人得以知足, 使心里饥饿的人得饱美物。
10 Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
那些坐在黑暗中、死荫里的人 被困苦和铁链捆锁,
11 Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah, Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
是因他们违背 神的话语, 藐视至高者的旨意。
12 Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey, Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.
所以,他用劳苦治服他们的心; 他们仆倒,无人扶助。
13 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
于是,他们在苦难中哀求耶和华; 他从他们的祸患中拯救他们。
14 Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.
他从黑暗中和死荫里领他们出来, 折断他们的绑索。
15 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
但愿人因耶和华的慈爱 和他向人所行的奇事都称赞他;
16 Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey, Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.
因为他打破了铜门, 砍断了铁闩。
17 Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis, Iyo xumaatooyinkooda aawadood.
愚妄人因自己的过犯 和自己的罪孽便受苦楚。
18 Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta, Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.
他们心里厌恶各样的食物, 就临近死门。
19 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.
于是,他们在苦难中哀求耶和华; 他从他们的祸患中拯救他们。
20 Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga, Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.
他发命医治他们, 救他们脱离死亡。
21 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
但愿人因耶和华的慈爱 和他向人所行的奇事都称赞他。
22 Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen, Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.
愿他们以感谢为祭献给他, 欢呼述说他的作为!
23 Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
在海上坐船, 在大水中经理事务的,
24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa, Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
他们看见耶和华的作为, 并他在深水中的奇事。
25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
因他一吩咐,狂风就起来, 海中的波浪也扬起。
26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
他们上到天空,下到海底; 他们的心因患难便消化。
27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan, Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
他们摇摇晃晃,东倒西歪,好像醉酒的人; 他们的智慧无法可施。
28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
于是,他们在苦难中哀求耶和华, 他从他们的祸患中领出他们来。
29 Wuxuu dejiyaa duufaanka, Si ay hirarkiisu u xasillaan.
他使狂风止息, 波浪就平静。
30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin, Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
风息浪静,他们便欢喜; 他就引他们到所愿去的海口。
31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
但愿人因耶和华的慈爱 和他向人所行的奇事都称赞他。
32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa, Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
愿他们在民的会中尊崇他, 在长老的位上赞美他!
33 Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo, Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,
他使江河变为旷野, 叫水泉变为干渴之地,
34 Oo dhul barwaaqaysanna wuxuu u beddelaa lamadegaan cusbo leh, Oo waana kuwa halkaas deggan xumaantooda aawadeed.
使肥地变为硷地; 这都因其间居民的罪恶。
35 Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah, Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.
他使旷野变为水潭, 叫旱地变为水泉。
36 Oo halkaasuu kuwa gaajaysan dejiyaa, Si ay u samaystaan magaalo ay degaan,
他使饥饿的人住在那里, 好建造可住的城邑,
37 Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan, Oo ay u helaan midho tiro badan.
又种田地,栽葡萄园, 得享所出的土产。
38 Oo weliba iyaga wuu barakeeyaa, sidaas daraaddeed aad bay u tarmaan, Oo weliba uma uu oggolaado in xoolahoodu yaraadaan.
他又赐福给他们,叫他们生养众多, 也不叫他们的牲畜减少。
39 Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan Dulmi iyo dhib iyo murug.
他们又因暴虐、患难、愁苦, 就减少且卑下。
40 Amiirro wuxuu ku soo daayaa quudhsasho, Oo wuxuu ka dhigaa inay ku wareegaan cidlada aan jid lahayn.
他使君王蒙羞被辱, 使他们在荒废无路之地漂流。
41 Oo weliba kan baahanna dhibaatada ayuu ka sara mariyaa, Oo wuxuu u yeelaa qolooyin ah sidii adhi oo kale.
他却将穷乏人安置在高处,脱离苦难, 使他的家属多如羊群。
42 Kuwa qummanuna way arki doonaan, wayna ku farxi doonaan, Oo kolkaas xumaanta oo dhammu afkeeday xidhi doontaa.
正直人看见就欢喜; 罪孽之辈必塞口无言。
43 Ku alla kii caqli lahu wuu dhawri doonaa waxyaalahan, Oo iyana way ka fiirsan doonaan Rabbiga naxariistiisa.
凡有智慧的,必在这些事上留心, 也必思想耶和华的慈爱。

< Sabuurradii 107 >