< Maahmaahyadii 17 >

1 Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.
设筵满屋,大家相争, 不如有块干饼,大家相安。
2 Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.
仆人办事聪明,必管辖贻羞之子, 又在众子中同分产业。
3 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.
鼎为炼银,炉为炼金; 惟有耶和华熬炼人心。
4 Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.
行恶的,留心听奸诈之言; 说谎的,侧耳听邪恶之语。
5 Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.
戏笑穷人的,是辱没造他的主; 幸灾乐祸的,必不免受罚。
6 Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.
子孙为老人的冠冕; 父亲是儿女的荣耀。
7 Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.
愚顽人说美言本不相宜, 何况君王说谎话呢?
8 Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.
贿赂在馈送的人眼中看为宝玉, 随处运动都得顺利。
9 Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa, Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.
遮掩人过的,寻求人爱; 屡次挑错的,离间密友。
10 Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.
一句责备话深入聪明人的心, 强如责打愚昧人一百下。
11 Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya, Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.
恶人只寻背叛, 所以必有严厉的使者奉差攻击他。
12 Nin ha la kulmo orso dhasheeda laga xaday, Intuu nacas nacasnimo samaynaya la kulmi lahaa.
宁可遇见丢崽子的母熊, 不可遇见正行愚妄的愚昧人。
13 Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.
以恶报善的, 祸患必不离他的家。
14 Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.
纷争的起头如水放开, 所以,在争闹之先必当止息争竞。
15 Kii kan sharka leh xaq ka dhiga, iyo kii kan xaqa ah gardarro ku xukuma, Labadaba Rabbigu aad buu u karhaa.
定恶人为义的,定义人为恶的, 这都为耶和华所憎恶。
16 Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado, Waayo, isagu garasho ma leh?
愚昧人既无聪明, 为何手拿价银买智慧呢?
17 Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay, Walaalna wuxuu u dhashay dhibaato.
朋友乃时常亲爱, 弟兄为患难而生。
18 Ninkii garaaddaranu gacan buu dhaar ugu dhiibaa, Oo wuxuu dammiin ku noqdaa deriskiisa hortiisa.
在邻舍面前击掌作保 乃是无知的人。
19 Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.
喜爱争竞的,是喜爱过犯; 高立家门的,乃自取败坏。
20 Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.
心存邪僻的,寻不着好处; 舌弄是非的,陷在祸患中。
21 Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.
生愚昧子的,必自愁苦; 愚顽人的父毫无喜乐。
22 Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan, Laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.
喜乐的心乃是良药; 忧伤的灵使骨枯干。
23 Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.
恶人暗中受贿赂, 为要颠倒判断。
24 Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.
明哲人眼前有智慧; 愚昧人眼望地极。
25 Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.
愚昧子使父亲愁烦, 使母亲忧苦。
26 Weliba ma wanaagsana in kii xaq ah la taqsiiro, Ama in kuwa sharafka leh qummanaantooda aawadeed wax loogu dhufto.
刑罚义人为不善; 责打君子为不义。
27 Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.
寡少言语的,有知识; 性情温良的,有聪明。
28 Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.
愚昧人若静默不言也可算为智慧; 闭口不说也可算为聪明。

< Maahmaahyadii 17 >