< Maahmaahyadii 11 >

1 Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.
诡诈的天平为耶和华所憎恶; 公平的法码为他所喜悦。
2 Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.
骄傲来,羞耻也来; 谦逊人却有智慧。
3 Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
正直人的纯正必引导自己; 奸诈人的乖僻必毁灭自己。
4 Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
发怒的日子资财无益; 惟有公义能救人脱离死亡。
5 Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.
完全人的义必指引他的路; 但恶人必因自己的恶跌倒。
6 Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.
正直人的义必拯救自己; 奸诈人必陷在自己的罪孽中。
7 Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa, Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.
恶人一死,他的指望必灭绝; 罪人的盼望也必灭没。
8 Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.
义人得脱离患难, 有恶人来代替他。
9 Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa, Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.
不虔敬的人用口败坏邻舍; 义人却因知识得救。
10 Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.
义人享福,合城喜乐; 恶人灭亡,人都欢呼。
11 Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
城因正直人祝福便高举, 却因邪恶人的口就倾覆。
12 Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.
藐视邻舍的,毫无智慧; 明哲人却静默不言。
13 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.
往来传舌的,泄漏密事; 心中诚实的,遮隐事情。
14 Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.
无智谋,民就败落; 谋士多,人便安居。
15 Kii qof qalaad dammiintaa, xumaan buu ka helaa, Laakiinse kii dammiinashada necebu ammaan buu u fadhiyaa.
为外人作保的,必受亏损; 恨恶击掌的,却得安稳。
16 Naag nimcaysan sharaf bay haysataa, Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.
恩德的妇女得尊荣; 强暴的男子得资财。
17 Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.
仁慈的人善待自己; 残忍的人扰害己身。
18 Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.
恶人经营,得虚浮的工价; 撒义种的,得实在的果效。
19 Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.
恒心为义的,必得生命; 追求邪恶的,必致死亡。
20 Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.
心中乖僻的,为耶和华所憎恶; 行事完全的,为他所喜悦。
21 Waxaan aad idiinku xaqiijinayaa inaan kan sharka lahu taqsiirla'aan doonayn. Laakiinse farcanka kuwa xaqa ah waa la samatabbixin doonaa.
恶人虽然连手,必不免受罚; 义人的后裔必得拯救。
22 Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.
妇女美貌而无见识, 如同金环带在猪鼻上。
23 Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.
义人的心愿尽得好处; 恶人的指望致干忿怒。
24 Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.
有施散的,却更增添; 有吝惜过度的,反致穷乏。
25 Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
好施舍的,必得丰裕; 滋润人的,必得滋润。
26 Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
屯粮不卖的,民必咒诅他; 情愿出卖的,人必为他祝福。
27 Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo, Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.
恳切求善的,就求得恩惠; 惟独求恶的,恶必临到他身。
28 Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.
倚仗自己财物的,必跌倒; 义人必发旺,如青叶。
29 Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.
扰害己家的,必承受清风; 愚昧人必作慧心人的仆人。
30 Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.
义人所结的果子就是生命树; 有智慧的,必能得人。
31 Bal eega, kan xaqa ahu abaalkiisuu dhulka ku heli doonaa, Haddaba immisa abaalgud oo ka sii badan bay heli doonaan kan sharka leh iyo dembiluhu.
看哪,义人在世尚且受报, 何况恶人和罪人呢?

< Maahmaahyadii 11 >