< Miikaah 1 >

1 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Miikaah kii reer Mooreshed waagii ay Yootam iyo Aaxaas iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah, oo uu ku arkay wax ku saabsan Samaariya iyo Yeruusaalem.
The word of Jehovah that came to Micah the Morashtite in the days of Jotham, Ahaz, and Hezekiah, kings of Judah, which he saw concerning Samaria and Jerusalem.
2 Dadyowga oo dhammow, kulligiin maqla. Dhulka iyo waxa ku jira oo dhammow, bal dhegaysta, oo Sayidka Rabbiga ahu ha idinku marag furo, Sayidku macbudkiisa quduuska ah ha idinkaga marag furo.
Hear, ye peoples, all of you; hearken, O earth, and all that therein is: and let the Lord Jehovah be witness against you, the Lord from his holy temple.
3 Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.
For, behold, Jehovah cometh forth out of his place, and will come down, and tread upon the high places of the earth.
4 Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.
And the mountains shall be melted under him, and the valleys shall be cleft, as wax before the fire, as waters that are poured down a steep place.
5 Waxan oo dhammu waxay u dheceen xadgudubka reer Yacquub iyo dembiyada dadka Israa'iil. Xadgudubka reer Yacquub waa maxay? Sow Samaariya ma aha? Meelaha sare oo dalka Yahuudahna waa maxay? Sow Yeruusaalem ma aha?
For the transgression of Jacob is all this, and for the sins of the house of Israel. What is the transgression of Jacob? is it not Samaria? and what are the high places of Judah? are they not Jerusalem?
6 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan Samaariya ka dhigi doonaa sidii taallo burbur ah oo duurka ku taal, iyo sidii meel beercanab laga beerto, oo dhagxanteedana waxaan ku dhex daadin doonaa dooxada, oo aasaaskeedana waan soo bannayn doonaa.
Therefore I will make Samaria as a heap of the field, [and] as places for planting vineyards; and I will pour down the stones thereof into the valley, and I will uncover the foundations thereof.
7 Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.
And all her graven images shall be beaten to pieces, and all her hires shall be burned with fire, and all her idols will I lay desolate; for of the hire of a harlot hath she gathered them, and unto the hire of a harlot shall they return.
8 Haddaba taas daraaddeed ayaan u ooyi doonaa oo u barooran doonaa, oo anoo cago cad oo qaawan ayaan wareegi doonaa, oo waxaan u dhawaaqi doonaa sida dawacooyinku u ciyaan oo kale, oo waxaan u qaylin doonaa sida goroyadu u cido oo kale.
For this will I lament and wail; I will go stripped and naked; I will make a wailing like the jackals, and a lamentation like the ostriches.
9 Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.
For her wounds are incurable; for it is come even unto Judah; it reacheth unto the gate of my people, even to Jerusalem.
10 Gad ha ku dhex sheegina, hana ooyina, oo Beytlecafraah dhexdeeda boodhka ku galgasha.
Tell it not in Gath, weep not at all: at Beth-le-aphrah have I rolled myself in the dust.
11 Kaaga Shaafiir degganow, bax adoo qaawan oo ceebaysan. Kan Sa'anaan degganu soo ma bixin. Baroorta Beytesel waxay idinka qaadan doontaa meesha aad ku tiirsato.
Pass away, O inhabitant of Shaphir, in nakedness and shame: the inhabitant of Zaanan is not come forth; the wailing of Beth-ezel shall take from you the stay thereof.
12 Waayo, kan Maarood degganu aad buu u sugayaa wanaag, maxaa yeelay, belaayo baa xagga Rabbiga ka soo degtay, oo waxay soo gaadhay iridda Yeruusaalem.
For the inhabitant of Maroth waiteth anxiously for good, because evil is come down from Jehovah unto the gate of Jerusalem.
13 Kan Laakiish degganow, gaadhiga ku dhuuji faraska dheereeya. Laakiish waxay dadka Siyoon u ahayd bilowgii dembiga, maxaa yeelay, xadgudubyadii dadka Israa'iil ayaa laga dhex helay.
Bind the chariot to the swift steed, O inhabitant of Lachish: she was the beginning of sin to the daughter of Zion; for the transgressions of Israel were found in thee.
14 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad Mooreshed Gad siin doontaa hadiyado. Reeraha Aksiib waxay boqorrada dalka Israa'iil u noqon doonaan wax khiyaano badan.
Therefore shalt thou give a parting gift to Moresheth-gath: the houses of Achzib shall be a deceitful thing unto the kings of Israel.
15 Kan Maareeshaah degganow, weli waxaan kuu keeni doonaa kan ku hantiyi doona. Dalka Israa'iil sharaftiisu waxay gaadhi doontaa xataa tan iyo Cadullaam.
I will yet bring unto thee, O inhabitant of Mareshah, him that shall possess thee: the glory of Israel shall come even unto Adullam.
16 Xiiro oo timahaaga iska jar carruurtaadii aad jeclayd daraaddood, oo intaad xiirata sii ballaadhi sida bidaarta gorgorka oo kale, waayo, iyagu way kaa tageen, oo waxaa loo kaxaystay maxaabiis ahaan.
Make thee bald, and cut off thy hair for the children of thy delight: enlarge thy baldness as the eagle; for they are gone into captivity from thee.

< Miikaah 1 >