< Xaakinnada 5 >

1 Deedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen,
那时,底波拉和亚比挪庵的儿子巴拉作歌,说:
2 Madaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay, Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen, Taas aawadeed Rabbiga ammaana.
因为以色列中有军长率领, 百姓也甘心牺牲自己, 你们应当颂赞耶和华!
3 Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
君王啊,要听! 王子啊,要侧耳而听! 我要向耶和华歌唱; 我要歌颂耶和华—以色列的 神。
4 Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen.
耶和华啊,你从西珥出来, 由以东地行走。 那时地震天漏, 云也落雨。
5 Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis, Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.
山见耶和华的面就震动, 西奈山见耶和华—以色列 神的面也是如此。
6 Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.
在亚拿之子珊迦的时候, 又在雅亿的日子, 大道无人行走, 都是绕道而行。
7 Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.
以色列中的官长停职, 直到我底波拉兴起, 等我兴起作以色列的母。
8 Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?
以色列人选择新神, 争战的事就临到城门。 那时,以色列四万人中 岂能见盾牌枪矛呢?
9 Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.
我心倾向以色列的首领, 他们在民中甘心牺牲自己。 你们应当颂赞耶和华!
10 Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.
骑白驴的、坐绣花毯子的、行路的, 你们都当传扬!
11 Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
在远离弓箭响声打水之处, 人必述说耶和华公义的作为, 就是他治理以色列公义的作为。 那时耶和华的民下到城门。
12 Toos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.
底波拉啊,兴起!兴起! 你当兴起,兴起,唱歌。 亚比挪庵的儿子巴拉啊,你当奋兴, 掳掠你的敌人。
13 Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen; Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.
那时有余剩的贵胄和百姓一同下来; 耶和华降临,为我攻击勇士。
14 Reer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq; Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira, Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal, Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora.
有根本在亚玛力人的地, 从以法莲下来的; 便雅悯在民中跟随你。 有掌权的从玛吉下来; 有持杖检点民数的从西布伦下来;
15 Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay.
以萨迦的首领与底波拉同来; 以萨迦怎样,巴拉也怎样。 众人都跟随巴拉冲下平原; 在吕便的溪水旁有心中定大志的。
16 Maxaad xeryaha idaha u fadhiday, Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya? Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Aad baa qalbiyo loogu baadhay.
你为何坐在羊圈内 听群中吹笛的声音呢? 在吕便的溪水旁有心中设大谋的。
17 Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa; Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay? Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda, Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.
基列人安居在约旦河外。 但人为何等在船上? 亚设人在海口静坐, 在港口安居。
18 Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey, Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.
西布伦人是拚命敢死的; 拿弗他利人在田野的高处也是如此。
19 Boqorradii waa yimaadeen oo dirireen, Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo: Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan.
君王都来争战。 那时迦南诸王在米吉多水旁的他纳争战, 却未得掳掠银钱。
20 Waxay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.
星宿从天上争战, 从其轨道攻击西西拉。
21 Oo waxaa qaaday Webi Qiishoon, Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo. Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco.
基顺古河把敌人冲没; 我的灵啊,应当努力前行。
22 Markaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen, Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay.
那时壮马驰驱, 踢跳,奔腾。
23 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara, Oo aad u habaara dadka deggan, Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.
耶和华的使者说: 应当咒诅米罗斯, 大大咒诅其中的居民; 因为他们不来帮助耶和华, 不来帮助耶和华攻击勇士。
24 Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.
愿基尼人希百的妻雅亿比众妇人多得福气, 比住帐棚的妇人更蒙福祉。
25 Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.
西西拉求水, 雅亿给他奶子, 用宝贵的盘子给他奶油。
26 Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.
雅亿左手拿着帐棚的橛子, 右手拿着匠人的锤子, 击打西西拉, 打伤他的头, 把他的鬓角打破穿通。
27 Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday: Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay: Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.
西西拉在她脚前曲身仆倒, 在她脚前曲身倒卧; 在那里曲身,就在那里死亡。
28 Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay, Shabaggay ka qaylisay oo tidhi, Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay? Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?
西西拉的母亲从窗户里往外观看, 从窗棂中呼叫说: 他的战车为何耽延不来呢? 他的车轮为何行得慢呢?
29 Dumarkeedii caqliga lahaa way jawaabeen, Oo iyana way isu jawaabtay.
聪明的宫女安慰她, 她也自言自语地说:
30 Oo waxay tidhi, Miyaanay wax helin oo boolidii qaybsan? Oo nin kastaaba miyaanu helin gabadh ama laba gabdhood; Oo Siiseraana sow ma helin dhar booli ah oo kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah oo labada dhan ku yaal, oo boolida qoortooda sudhan?
他们莫非得财而分? 每人得了一两个女子? 西西拉得了彩衣为掳物, 得绣花的彩衣为掠物。 这彩衣两面绣花, 乃是披在被掳之人颈项上的。
31 Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen; Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo. Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.
耶和华啊, 愿你的仇敌都这样灭亡! 愿爱你的人如日头出现,光辉烈烈! 这样,国中太平四十年。

< Xaakinnada 5 >