< Xaakinnada 14 >

1 Markaasuu Samsoon tegey Timnaad, oo wuxuu ku arkay naag ka mid ah gabdhaha reer Falastiin.
参孙下到亭拿,在那里看见一个女子,是非利士人的女儿。
2 Oo intuu soo noqday ayuu aabbihiis iyo hooyadiis u sheegay; oo wuxuu ku yidhi, Waxaan Timnaad ku arkay naag gabdhaha reer Falastiin ka mid ah, haddaba sidaas daraaddeed taas ii doona aan guursadee.
参孙上来禀告他父母说:“我在亭拿看见一个女子,是非利士人的女儿,愿你们给我娶来为妻。”
3 Markaasay aabbihiis iyo hooyadiis ku yidhaahdeen, War miyaan naagu ku jirin gabdhaha tolkaa, amase dadkayga oo dhan, oo maxaa kugu wata inaad ka guursato reer Falastiinka buuryoqabka ah? Markaasuu Samsoon aabbihiis ku yidhi, Iyada ii doon, waayo, aad bay iila wanaagsan tahay.
他父母说:“在你弟兄的女儿中,或在本国的民中,岂没有一个女子,何至你去在未受割礼的非利士人中娶妻呢?”参孙对他父亲说:“愿你给我娶那女子,因我喜悦她。”
4 Laakiinse aabbihiis iyo hooyadiis ma ay ogayn in taasu ahayd wax Rabbiga ka yimid; waayo, wuxuu doonayay sabab uu ku qabsado reer Falastiin. Oo wakhtigaas reer Falastiin ayaa xukumay reer binu Israa'iil.
他的父母却不知道这事是出于耶和华,因为他找机会攻击非利士人。那时,非利士人辖制以色列人。
5 Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar.
参孙跟他父母下亭拿去,到了亭拿的葡萄园,见有一只少壮狮子向他吼叫。
6 Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona.
耶和华的灵大大感动参孙,他虽然手无器械,却将狮子撕裂,如同撕裂山羊羔一样。他行这事并没有告诉父母。
7 Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd.
参孙下去与女子说话,就喜悦她;
8 Oo wakhti yar dabadeed ayuu u soo noqday inuu kaxaysto iyadii, markaasuu ku leexday inuu arko bakhtigii libaaxa; oo bal eeg, bakhtigii libaaxa waxaa ku jiray shinni badan iyo malab.
过了些日子,再下去要娶那女子,转向道旁要看死狮,见有一群蜂子和蜜在死狮之内,
9 Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa.
就用手取蜜,且吃且走;到了父母那里,给他父母,他们也吃了;只是没有告诉这蜜是从死狮之内取来的。
10 Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen.
他父亲下去见女子。参孙在那里设摆筵宴,因为向来少年人都有这个规矩。
11 Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.
众人看见参孙,就请了三十个人陪伴他。
12 Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Bal aan idin halxidho. Toddobada maalmood oo diyaafadda ah haddaad ii sheegi kartaan oo aad furi kartaan, waxaan idin siinayaa soddon maro, iyo soddon isku joog oo dhar ah;
参孙对他们说:“我给你们出一个谜语,你们在七日筵宴之内,若能猜出意思告诉我,我就给你们三十件里衣,三十套衣裳;
13 laakiinse haddaad ii sheegi weydaan, idinku waa inaad i siisaan soddon maro iyo soddon isku joog oo dhar ah. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Bal sheeg halxidhkaaga, aannu maqalnee.
你们若不能猜出意思告诉我,你们就给我三十件里衣,三十套衣裳。”他们说:“请将谜语说给我们听。”
14 Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen.
参孙对他们说: 吃的从吃者出来; 甜的从强者出来。 他们三日不能猜出谜语的意思。
15 Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha?
到第七天,他们对参孙的妻说:“你诓哄你丈夫,探出谜语的意思告诉我们,免得我们用火烧你和你父家。你们请了我们来,是要夺我们所有的吗?”
16 Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?
参孙的妻在丈夫面前啼哭说:“你是恨我,不是爱我,你给我本国的人出谜语,却没有将意思告诉我。”参孙回答说:“连我父母我都没有告诉,岂可告诉你呢?”
17 Oo toddobadii maalmoodba way ku hor ooyaysay isaga, intii ay diyaafaddoodii ka dhammaanaysay; oo waxaa dhacay maalintii toddobaad inuu iyadii u sheegay, maxaa yeelay, aad bay ugu cadaadisay; markaasay halxidhkii micnihiisii dadkeedii u sheegtay.
七日筵宴之内,她在丈夫面前啼哭,到第七天逼着他,他才将谜语的意思告诉他妻,他妻就告诉本国的人。
18 Markaasay dadkii magaaladu isagii ku yidhaahdeen maalintii toddobaad intaan qorraxdu dhicin, Maxaa malab ka macaan? Maxaase libaax ka xoog badan? Markaasuu iyagii ku yidhi, Haddaydnan qaalintayda beerta ku falin, Halxidhkayga ma aydnaan furteen.
到第七天,日头未落以前,那城里的人对参孙说: 有什么比蜜还甜呢? 有什么比狮子还强呢? 参孙对他们说: 你们若非用我的母牛犊耕地, 就猜不出我谜语的意思来。
19 Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.
耶和华的灵大大感动参孙,他就下到亚实基伦,击杀了三十个人,夺了他们的衣裳,将衣裳给了猜出谜语的人。参孙发怒,就上父家去了。
20 Laakiinse naagtii Samsoon waxaa la siiyey wehelkiis oo uu saaxiib ka dhigan jiray.
参孙的妻便归了参孙的陪伴,就是作过他朋友的。

< Xaakinnada 14 >