< Yuudas 1 >

1 Anigoo Yuudas ah oo ah addoonkii Ciise Masiix, Yacquubna walaalkiis ah, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa loo yeedhay oo Ilaaha Aabbaha ahu jecel yahay, Ciise Masiixna loo dhawray.
Juda, sługa Jezusa Chrystusa, a brat Jakuba, do uświęconych przez Boga Ojca, zachowanych w Jezusie Chrystusie i powołanych:
2 Naxariis iyo nabad iyo jacayl ha idiin bateen.
Miłosierdzie, pokój i miłość niech się wam pomnożą.
3 Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan.
Umiłowani, podejmując usilne starania, aby pisać wam o wspólnym zbawieniu, uznałem za konieczne napisać do was i zachęcić do walki o wiarę raz przekazaną świętym.
4 Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.
Wkradli się bowiem pewni ludzie, od dawna przeznaczeni na to potępienie, bezbożni, którzy łaskę naszego Boga zamieniają na rozpustę i wypierają się jedynego Pana Boga i naszego Pana Jezusa Chrystusa.
5 Hadda, in kastoo aad hore u tiqiineen wax kasta, waxaan jeclahay inaan idin xusuusiyo sidii Rabbigu dad uga badbaadiyey dalka Masar, dabadeedna u baabbi'iyey kuwii aan rumaysan isaga;
Chcę więc wam przypomnieć, chociaż już kiedyś o tym wiedzieliście, że Pan, który wybawił lud z ziemi Egiptu, potem wytracił tych, którzy nie uwierzyli.
6 oo malaa'igihii aan dhawrin madaxtinimadoodii, laakiinse rugtoodii ka tegey, wuxuu ilaa xukunka maalinta weyn ku hayaa silsilado weligood ah iyagoo gudcur ku hoos jira. (aïdios g126)
Także aniołów, którzy nie zachowali swego pierwotnego stanu, lecz opuścili własne mieszkanie, zatrzymał w wiecznych pętach w ciemnościach na sąd wielkiego dnia. (aïdios g126)
7 Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya. (aiōnios g166)
Tak samo Sodoma i Gomora oraz okoliczne miasta, które w podobny sposób jak i one oddały się nierządowi i podążały za cudzym ciałem, służą za przykład, ponosząc karę wiecznego ognia. (aiōnios g166)
8 Weliba kuwan riyooda sidaas oo kalay jidhkooda u nijaaseeyaan, sayidnimadana u nacaan, oo kuwa derejada leh u caayaan.
Podobnie ci [ludzie] rojący sny plugawią ciało, gardzą panowaniem i bluźnią przełożonym.
9 Laakiin Mikaa'iil oo ah malagga sare markuu Ibliiska kula murmayay meydkii Muuse aawadiis, kuma uu dhicin inuu xukun cay ah ku xukumo, laakiinse wuxuu ku yidhi, Rabbigu ha ku canaanto.
Lecz archanioł Michał, rozprawiając z diabłem, spierał się o ciało Mojżesza, nie ośmielił się wypowiedzieć [przeciwko niemu] bluźnierczego oskarżenia, ale powiedział: Niech cię Pan zgromi.
10 Laakiin kuwanu wax kastoo ayan garanaynba way caayaan, oo waxay ku baabba'aan waxay abuuristooda ku garanayaan sida xayawaanka aan caqliga lahayn.
Ci zaś bluźnią przeciwko temu, czego nie znają, a to, co znają w sposób naturalny, jak bezrozumne zwierzęta, w tym psują samych siebie.
11 Waa u hoog iyaga, waayo, waxay raaceen jidkii Qaabiil, oo faa'iido aawadeed ayay Balcaam qaladkiisii ugu yaaceen, oo waxay ku halligmeen fallaagadii Qorax.
Biada im, bo poszli drogą Kaina, udali się za błędem Baalama dla zapłaty i zginęli w buncie Korego.
12 Kuwanu waa dhagaxyo qarsoon oo ku dhex jira cashooyinkiinna jacaylka markay idinla faysteeyaan iyagoo aan cabsanaynin; waxayna yihiin adhijirro naftooda jira, iyo daruuro aan biyo lahayn oo dabaylo kaxeeyaan, iyo geedo jiilaal oo aan midho lahayn, oo laba goor dhintay, oo la rujiyey;
Oni są zakałami na waszych ucztach braterskich, którzy z wami bez bojaźni ucztują, pasąc samych siebie. Są to bezwodne chmury wiatrami unoszone; drzewa zwiędłe, bez owoców, dwukrotnie obumarłe i wykorzenione;
13 iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa. (aiōn g165)
Rozhukane fale morskie wypluwające swoją hańbę; błąkające się gwiazdy, dla których mroki ciemności zachowane są na wieki. (aiōn g165)
14 Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn,
O nich też prorokował Henoch, siódmy po Adamie, mówiąc: Oto idzie Pan z tysiącami swoich świętych;
15 inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen.
Aby dokonać sądu nad wszystkimi i ukarać wszystkich bezbożników spośród nich za wszystkie ich bezbożne czyny, których się bezbożnie dopuścili, i za wszystkie ostre [słowa], które wypowiadali przeciwko niemu bezbożni grzesznicy.
16 Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.
Oni to zawsze szemrają, narzekają, postępują według swoich pożądliwości. Ich usta wypowiadają zuchwałe [słowa] i schlebiają ludziom dla korzyści.
17 Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.
Wy zaś, umiłowani, pamiętajcie słowa wcześniej wypowiedziane przez apostołów naszego Pana Jezusa Chrystusa;
18 Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.
Gdy mówili do was, że w czasach ostatecznych pojawią się szydercy, postępujący według własnych bezbożnych pożądliwości.
19 Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn.
Oni są tymi, którzy sami się odłączają, zmysłowi, niemający Ducha.
20 Laakiinse, gacaliyayaalow, nafsaddiinna ku dul dhisa rumaysadkiinna aad quduuska u ah, oo Ruuxa Quduuska ah ku tukada,
Wy jednak, umiłowani, budując samych siebie na waszej najświętszej wierze, modląc się w Duchu Świętym;
21 nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah. (aiōnios g166)
Zachowajcie samych siebie w miłości Boga, oczekując miłosierdzia naszego Pana Jezusa Chrystusa ku życiu wiecznemu. (aiōnios g166)
22 Kuwa shakisan u naxariista;
I rozróżniając, nad jednymi zmiłujcie się;
23 qaarna dabka ka dhufta oo badbaadiya, qaarna u naxariista idinkoo cabsanaya oo nacaya xataa dharka jiidhka ku wasakhoobay.
Innych zaś ratujcie przez strach, wyrywając ich z ognia, mając w nienawiści nawet szatę, która została skalana przez ciało.
24 Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,
A temu, który może was ustrzec od upadku i z radością przedstawić jako nienagannych przed obliczem swojej chwały;
25 isagoo ah Ilaaha keligiis ah oo Badbaadiyeheenna ah, ammaan iyo weynaan iyo xoog iyo amar ha u ahaadeen xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, wakhtiga oo dhan ka hor iyo haatan iyo weligeedba. Aamiin. (aiōn g165)
Jedynemu mądremu Bogu, naszemu Zbawicielowi, [niech będzie] chwała i majestat, moc i władza, teraz i po wszystkie wieki. Amen. (aiōn g165)

< Yuudas 1 >