< Yashuuca 22 >

1 Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,
当时,约书亚召了吕便人、迦得人,和玛拿西半支派的人来,
2 oo wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray.
对他们说:“耶和华仆人摩西所吩咐你们的,你们都遵守了;我所吩咐你们的,你们也都听从了。
3 Oo waagaas ilaa maantadan la joogo walaalihiin kama aydnaan tegin, laakiinse waad xajiseen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
你们这许多日子,总没有撇离你们的弟兄,直到今日,并守了耶和华—你们 神所吩咐你们当守的。
4 Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa.
如今耶和华—你们 神照着他所应许的,使你们弟兄得享平安,现在可以转回你们的帐棚,到耶和华的仆人摩西在约旦河东所赐你们为业之地。
5 Laakiinse aad iyo aad u dadaala inaad yeeshaan amarkii iyo sharcigii uu addoonkii Rabbiga ee Muuse ahaa idinku amray, kuwaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad ku socotaan jidadkiisa oo dhan, oo aad amarradiisa xajisaan, oo aad isaga aad u sii xajisataan, oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ugu adeegtaan.
只要切切地谨慎遵行耶和华仆人摩西所吩咐你们的诫命律法,爱耶和华—你们的 神,行他一切的道,守他的诫命,专靠他,尽心尽性事奉他。”
6 Markaasuu Yashuuca u duceeyey oo iska diray, oo iyana waxay tageen teendhooyinkoodii.
于是约书亚为他们祝福,打发他们去,他们就回自己的帐棚去了。
7 Oo reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga,
玛拿西那半支派,摩西早已在巴珊分给他们地业。这半支派,约书亚在约旦河西,在他们弟兄中,分给他们地业。约书亚打发他们回帐棚的时候为他们祝福,
8 oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada.
对他们说:“你们带许多财物,许多牲畜和金、银、铜、铁,并许多衣服,回你们的帐棚去,要将你们从仇敌夺来的物,与你们众弟兄同分。”
9 Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.
于是吕便人、迦得人、玛拿西半支派的人从迦南地的示罗起行,离开以色列人,回往他们得为业的基列地,就是照耶和华借摩西所吩咐的得了为业之地。
10 Oo markay yimaadeen gobolkii u dhowaa Webi Urdun oo ku yaalay dalkii Kancaan ayay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis Webi Urdun agtiisa ka dhiseen meel allabari oo muuq weyn.
吕便人、迦得人,和玛拿西半支派的人到了靠近约旦河的一带迦南地,就在约旦河那里筑了一座坛;那坛看着高大。
11 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay maqleen in la yidhi, Reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa meel allabari ka dhisay darafka dalka Kancaan, meeshaas oo ah gobolka u dhow Webi Urdun oo ah dinaca ay leeyihiin reer binu Israa'iil.
以色列人听说吕便人、迦得人、玛拿西半支派的人靠近约旦河边,在迦南地属以色列人的那边筑了一座坛。
12 Oo markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.
全会众一听见,就聚集在示罗,要上去攻打他们。
13 Oo reer binu Israa'iil waxay xagga reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad u direen Fiinexaas oo ahaa wiilkii wadaadkii ahaa Elecaasaar.
以色列人打发祭司以利亚撒的儿子非尼哈,往基列地去见吕便人、迦得人、玛拿西半支派的人;
14 Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.
又打发十个首领与非尼哈同去,就是以色列每支派的一个首领,都是以色列军中的统领。
15 Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,
他们到了基列地,见吕便人、迦得人,和玛拿西半支派的人,对他们说:
16 Shirkii Rabbiga oo dhammu sidan bay leeyihiin, Waa maxay xadgudubkan aad ku samayseen Ilaaha reer binu Israa'iil, idinkoo ka leexday inaad Rabbiga la socotaan, oo meel allabari dhistay, si aad maanta Rabbiga ugu caasiyowdaan?
“耶和华全会众这样说,你们今日转去不跟从耶和华,干犯以色列的 神,为自己筑一座坛,悖逆了耶和华,这犯的是什么罪呢?
17 Miyuu nagu yar yahay dembigii Fecoor oo aannan iska nadiifin ilaa maantadan la joogo in kastoo ay belaayo ku soo degtay shirka Rabbiga,
从前拜毗珥的罪孽还算小吗?虽然瘟疫临到耶和华的会众,到今日我们还没有洗净这罪。
18 inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
你们今日竟转去不跟从耶和华吗?你们今日既悖逆耶和华,明日他必向以色列全会众发怒。
19 Habase yeeshee, haddii dalkii hantidiinna ahaa aanu nadiif ahayn, de markaas u soo gudba dalka Rabbiga hantidiisa ah, oo uu taambuuggii Rabbigu ku dhex jiro, oo nala qayb qaata; laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo annagana ha nagu caasiyoobina, oo ha dhisina meel allabari oo aan ahayn tii Rabbiga Ilaaheenna ah.
你们所得为业之地,若嫌不洁净,就可以过到耶和华之地,就是耶和华的帐幕所住之地,在我们中间得地业。只是不可悖逆耶和华,也不可得罪我们,在耶和华—我们 神的坛以外为自己筑坛。
20 Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.
从前谢拉的曾孙亚干岂不是在那当灭的物上犯了罪,就有忿怒临到以色列全会众吗?那人在所犯的罪中不独一人死亡。”
21 Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,
于是吕便人、迦得人、玛拿西半支派的人回答以色列军中的统领说:
22 Rabbiga ah Ilaaha ilaahyada, Rabbiga ah Ilaaha ilaahyadu wuu og yahay, oo reer binu Israa'iilna waa inuu ogaadaa, haddii taasu caasinimo tahay, ama xadgudub Rabbiga ka gees ah (maanta ha na badbaadin),
“大能者 神耶和华!大能者 神耶和华!他是知道的!以色列人也必知道!我们若有悖逆的意思,或是干犯耶和华(愿你今日不保佑我们),
23 iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;
为自己筑坛,要转去不跟从耶和华,或是要将燔祭、素祭、平安祭献在坛上,愿耶和华亲自讨我们的罪。
24 oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?
我们行这事并非无故,是特意做的,说:恐怕日后你们的子孙对我们的子孙说:‘你们与耶和华—以色列的 神有何关涉呢?
25 Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.
因为耶和华把约旦河定为我们和你们这吕便人、迦得人的交界,你们与耶和华无分了。’这样,你们的子孙就使我们的子孙不再敬畏耶和华了。
26 Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,
因此我们说:‘不如为自己筑一座坛,不是为献燔祭,也不是为献别的祭,
27 laakiinse waxay noqon doontaa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka, iyo farcankeenna inaga dambeeya, si aannu Rabbiga hortiisa ugu adeegno annagoo wadna qurbaannadayada la gubo, iyo allabaryadayada, iyo qurbaannadayada nabaadiinada, inaan carruurtiinnu waa dambe ku odhan carruurtayada, Qayb kuma lihidin Rabbiga.
乃是为你我中间和你我后人中间作证据,好叫我们也在耶和华面前献燔祭、平安祭,和别的祭事奉他,免得你们的子孙日后对我们的子孙说,你们与耶和华无分了。’
28 Sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Markay sidaas waa dambe inagu yidhaahdaan innaga ama farcankeenna, waxay noqon doontaa oo aannu ku odhan doonnaa, Bal eega, hannaankii meeshii allabariga oo Rabbiga, ee ay awowayaasheen dhiseen oo aan lagu bixin qurbaanno la gubo ama allabari, laakiinse waa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka.
所以我们说:‘日后你们对我们,或对我们的后人这样说,我们就可以回答说,你们看我们列祖所筑的坛是耶和华坛的样式;这并不是为献燔祭,也不是为献别的祭,乃是为作你我中间的证据。’
29 Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ku caasiyowno, oo aannu ka leexanno lasocodkii Rabbiga, oo aannu meel allabari u dhisno qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, ama allabari, taasoo aan ahayn meeshii allabariga Rabbiga Ilaaheen ah ee ku hor taal taambuuggiisa.
我们在耶和华—我们 神帐幕前的坛以外,另筑一座坛,为献燔祭、素祭,和别的祭,悖逆耶和华,今日转去不跟从他,我们断没有这个意思。”
30 Oo wadaadkii Fiinexaas ahaa iyo amiirradii shirka, oo ahaa madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil oo isaga la socday, kolkay maqleen warkii ay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ku hadleen ayay aad ugu farxeen.
祭司非尼哈与会中的首领,就是与他同来以色列军中的统领,听见吕便人、迦得人、玛拿西人所说的话,就都以为美。
31 Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar wuxuu ku yidhi reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh, Maanta waannu og nahay in Rabbigu ina dhex joogo, maxaa yeelay, idinku xadgudubkan kuma aydnaan samayn Rabbiga. Haddaba idinku waxaad reer binu Israa'iil ka samatabbixiseen gacantii Rabbiga.
祭司以利亚撒的儿子非尼哈对吕便人、迦得人、玛拿西人说:“今日我们知道耶和华在我们中间,因为你们没有向他犯了这罪。现在你们救以色列人脱离耶和华的手了。”
32 Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar, iyo amiirradii waxay ka noqdeen reer Ruubeen iyo reer Gaad oo joogay dalkii Gilecaad, oo waxay tageen dalkii reer Kancaan, oo reer binu Israa'iil ayay warkii u sheegeen.
祭司以利亚撒的儿子非尼哈与众首领离了吕便人、迦得人,从基列地回往迦南地,到了以色列人那里,便将这事回报他们。
33 Oo reer binu Israa'iilna waa ku farxeen warkaas. Markaasaa reer binu Israa'iil Ilaah ammaaneen, oo mar dambena kuma ay hadlin inay dagaal ugu kacaan, oo ay baabbi'iyaan dalka ay reer Ruubeen iyo reer Gaad deggan yihiin.
以色列人以这事为美,就称颂 神,不再提上去攻打吕便人、迦得人、毁坏他们所住的地了。
34 Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay meeshii allabariga u bixiyeen Markhaati; waayo, waxay yidhaahdeen, Waa markhaati na dhex yaal in Rabbigu Ilaah yahay.
吕便人、迦得人给坛起名叫证坛,意思说:这坛在我们中间证明耶和华是 神。

< Yashuuca 22 >