< Ayuub 30 >

1 Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
但如今,比我年少的人戏笑我; 其人之父我曾藐视, 不肯安在看守我羊群的狗中。
2 Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
他们壮年的气力既已衰败, 其手之力与我何益呢?
3 Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
他们因穷乏饥饿,身体枯瘦, 在荒废凄凉的幽暗中啃干燥之地,
4 Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal, Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
在草丛之中采咸草, 罗腾的根为他们的食物。
5 Iyaga dadka waa laga dhex eryaa, Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
他们从人中被赶出; 人追喊他们如贼一般,
6 Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka, Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
以致他们住在荒谷之间, 在地洞和岩穴中;
7 Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda, Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
在草丛中叫唤, 在荆棘下聚集。
8 Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood, Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
这都是愚顽下贱人的儿女; 他们被鞭打,赶出境外。
9 Oo haatan gabay cay ah baan u noqday, Oo halqabsi baan u ahay.
现在这些人以我为歌曲, 以我为笑谈。
10 Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
他们厌恶我,躲在旁边站着, 不住地吐唾沫在我脸上。
11 Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
松开他们的绳索苦待我, 在我面前脱去辔头。
12 Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq, Oo cagtaydana way iska riixaan, Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
这等下流人在我右边起来, 推开我的脚,筑成战路来攻击我。
13 Jidadkayga way halleeyaan, Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda; Oo mid caawiyaana ma jiro.
这些无人帮助的, 毁坏我的道,加增我的灾。
14 Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
他们来如同闯进大破口, 在毁坏之间滚在我身上。
15 Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn, Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale. Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
惊恐临到我, 驱逐我的尊荣如风; 我的福禄如云过去。
16 Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
现在我心极其悲伤; 困苦的日子将我抓住。
17 Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
夜间,我里面的骨头刺我, 疼痛不止,好像啃我。
18 Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
因 神的大力,我的外衣污秽不堪, 又如里衣的领子将我缠住。
19 Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
神把我扔在淤泥中, 我就像尘土和炉灰一般。
20 Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
主啊,我呼求你,你不应允我; 我站起来,你就定睛看我。
21 Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
你向我变心,待我残忍, 又用大能追逼我,
22 Kor baad iigu qaaddaa dabaysha, Oo waxaad i fuushisaa dusheeda, Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
把我提在风中,使我驾风而行, 又使我消灭在烈风中。
23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
我知道要使我临到死地, 到那为众生所定的阴宅。
24 Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?
然而,人仆倒岂不伸手? 遇灾难岂不求救呢?
25 Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
人遭难,我岂不为他哭泣呢? 人穷乏,我岂不为他忧愁呢?
26 Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta, Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
我仰望得好处,灾祸就到了; 我等待光明,黑暗便来了。
27 Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
我心里烦扰不安, 困苦的日子临到我身。
28 Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa, Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
我没有日光就哀哭行去 ; 我在会中站着求救。
29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka, Iyo saaxiibka gorayada.
我与野狗为弟兄, 与鸵鸟为同伴。
30 Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa, Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
我的皮肤黑而脱落; 我的骨头因热烧焦。
31 Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho, Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.
所以,我的琴音变为悲音; 我的箫声变为哭声。

< Ayuub 30 >