< Ayuub 23 >

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
پس ایوب در جواب گفت:۱
2 Xataa maantadan guryankayga cabashada ahu waa qadhaadh yahay, Oo gacanta i saaranuna waa ka sii daran tahay cabashadayda.
«امروز نیز شکایت من تلخ است، وضرب من از ناله من سنگینتر.۲
3 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!
کاش می‌دانستم که او را کجا یابم، تا آنکه نزد کرسی او بیایم.۳
4 Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa, Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa.
آنگاه دعوی خود را به حضور وی ترتیب می‌دادم، ودهان خود را از حجت‌ها پر می‌ساختم.۴
5 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.
سخنانی را که در جواب من می‌گفت می‌دانستم، و آنچه راکه به من می‌گفت می‌فهمیدم.۵
6 Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.
آیا به عظمت قوت خود با من مخاصمه می‌نمود؟ حاشا! بلکه به من التفات می‌کرد.۶
7 Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.
آنگاه مرد راست با اومحاجه می‌نمود و از داور خود تا به ابد نجات می‌یافتم.۷
8 Bal eega, hore baan u socdaa, laakiinse isagu halkaas ma joogo, Oo dib baan u socdaa, laakiinse ma aan heli karo.
اینک به طرف مشرق می‌روم و اویافت نمی شود و به طرف مغرب و او را نمی بینم.۸
9 Oo waxaan tagaa xagga bidix markuu shaqaynayo, laakiinse uma aan jeedi karo; Oo wuxuu ku dhuuntaa xagga midig laakiinse kama arki karo.
به طرف شمال جایی که او عمل می‌کند، و او رامشاهده نمی کنم. و او خود را به طرف جنوب می‌پوشاند و او را نمی بینم،۹
10 Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro, Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.
زیرا او طریقی راکه می‌روم می‌داند و چون مرا می‌آزماید، مثل طلابیرون می‌آیم.۱۰
11 Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa, Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.
پایم اثر اقدام او را گرفته است وطریق او را نگاه داشته، از آن تجاوز نمی کنم.۱۱
12 Dib ugama noqon amarkii bushimihiisa, Oo erayadii afkiisana waxaan u hayay wax ka qiimo badan cuntada aanan ka maarmin.
از فرمان لبهای وی برنگشتم و سخنان دهان اورا زیاده از رزق خود ذخیره کردم.۱۲
13 Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.
لیکن اوواحد است و کیست که او را برگرداند؟ و آنچه دل او می‌خواهد، به عمل می‌آورد.۱۳
14 Waayo, wuxuu oofiyaa wixii la ii amray, Oo waxyaalo badan oo saasoo kale ah ayuu maankiisa ku hayaa.
زیرا آنچه را که بر من مقدر شده است بجا می‌آورد، و چیزهای بسیار مثل این نزد وی است.۱۴
15 Sidaas daraaddeed ayaan hortiisa uga naxaa, Oo markaan ka fikiraba waan ka baqaa isaga.
از این جهت ازحضور او هراسان هستم، و چون تفکر می‌نمایم از او می‌ترسم،۱۵
16 Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey, Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,
زیرا خدا دل مرا ضعیف کرده است، و قادرمطلق مرا هراسان گردانیده.۱۶
17 Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.
چونکه پیش از تاریکی منقطع نشدم، و ظلمت غلیظ را از نزد من نپوشانید.۱۷

< Ayuub 23 >